Jacaylbaro Posted February 10, 2010 Markab Raashin Mucaawino ah sida oo Hay’adda WFP leedahay ayaa maanta ku soo xidhay dekada way nee magaaladda Berbera, Markabkan oo Raashinka Saarani yahay Mucaawimo Somaliland iyo Somaliya ay Hay’addaasi ugu tala gashay ayaa lagu wadaa in dajintiisa la bilaabo maalinta bari ah. Sida maamulka Dekadu sheegeen Markabkan raashinka Mucaawimada ah sida ayaa ka soo kicitimay dekada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana raashinka uu sido loogu tala galay in lagu caawiyo dadka dagaaladu haleeleen ee dalka Somaliya iyo dadka abaaruhu wax yeeleeyeen ee Somaliland. Qiyaasta raashin ee uu markabkani sido ayaa lagu qiyaasay ilaa 80-kun oo tan waxaanu intiisa badan yahay qamadi, hay’adda WFP ayaa iyadu raashino tira badan oo caawimo ah kala soo degta dekada Berbera waxaanay inta ugu badan raashinkaasi oo dalka Ethiopia u socda la soo mariya gudaha Somaliland. Qiyaasta raashinka Somaliland ay hay’adda WFP ku caawiso ayaa ahaa isagu mid aad u kooban oo intiisa badan loo adeegsado ama hay’addaasi ku bixiso mashaariicda koobkooban ee lagu magacaabo “Food for Work” kaas oo dalka meelo ka mid ah laga hirgaliyo, hasa yeeshee markabkani waxa uu noqon doonaa kii raashinkii ugu badnaa ee Somaliland u socda ay hay’addasi ku keento mudo tobaneeyo sano ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 10, 2010 Oo Dakaddan miyey xidhneyd? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 10, 2010 First was Ethiopia ,, Now it is the UN Quote Share this post Link to post Share on other sites