Sign in to follow this  
General Duke

Waxbo: Is Ahlu Sunna the answer to Al Shabaab ?

Recommended Posts

Ahlu Sunah Waljamaacah oo sheegay inay soo bandhigayaan Meydadka dad Ajaaniib ah oo maanta ay ku dileen dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo.

 

Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa shaaca ka qaaday inay soo bandhigayaan saacadaha soo socda Meydadka dad ajaaniib ah oo ay manta ku dileen dagaalo ka dhacay Deegaanka Wabxo.

 

Afhayeenka Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa cadeeyay in dagaal manta lagu soo qaaday Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud ay ku jebiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday oo uu ku tilmaamay Alshabaab.

 

"Galabnimadii manta ayay nimankii khawaarijta ahaa weerar rogaal celis nagu soo qaadeen, dabadeed waan jebinay, qasaaro ayaana u geysanay"ayuu yiri Sheekh C/risaaq Ashcari oo intaa ku daray inay jireen Meydada dad cadaan ah oo ka bar bar dagaalamayay Alshabaab, kuwaasoo uu sheegay inay ku soo bandhigayaan website-yada ay sida qaaska u leeyihiin.

 

Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in galabta uu dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Alshabaab iyo Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana xaalada degmadaas ay haatan tahay mid degan.

 

Ma cada ilaa iyo hada warar ka madax banaan Ururka Ahlu Sunah oo ku aadan sheegashada meydadka ajaaniibta ee ay ku dileen dagaalkii galabta, waxaana jirin war ka soo baxay Alshabaab oo beeninaya warkaas.

 

Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa dhowaan sheegay inay jiraan rag ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalama Alshabaab, taasoo ay qirteen Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this