Sign in to follow this  
Cowke

Heavy Rains Pour Down In Bari Region Of Puntland. (Picture)

Recommended Posts

Cowke   

Roobab Saacado Badan Da’ay oo Kala Xiray Wadada Isku Xirta Boosaaso iyo Qardho & Khasaarooyin Ka Dhashay (Sawiro)

 

 

 

Qardho (RBC Radio) Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey degaano badan oo ka tirsan gobolada Bari iyo Karkaar roobab biyo badan dhigay kuwaasi oo hakad geliyey isu socodka gaadiidka ee wadada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

 

Roobabkan oo socday illaa habeen hore ayaa sababay iuu hakad ku yimaado gaadiidkii ka safri jiray Boosaaso ee u bixi jiray degaanada kala duwan kuwaasi oo mari jiray wada laamiga, ka dib markii buyo badan ay kala jareen wadada laamiga.

 

Toga DURDURI oo ku yaalla tuulada Ceeldaahir ayaa biyo badan soo rogay kaasi oo xiray wadada laamiga, waxaana halkaasi mudo labo maalmood ah ku xaniban baabuur ka safartay Boosaaso oo ku sii jeeday meelo kala duwan iyo kuwo ku soo socday dhinaca Boosaaso.

 

 

Baabuur dhex dabaalanaya biyaha

 

Dad badan oo ay ku jiraan qoysas ka xagaa baxay Boosaaso iyaga iyo carruurtooda ayaa ka mid ah dadka ku xayiran wadada, kuwaasi oo baabuurtu ay dhexda kula xayirantay ka dib markii ay waayeen meel ay maraan.

 

Biyaha roobka oo aad u xoog badan ayaa meelaha qaar la soo sheegayaa in dad ay qaadeen daadka. Waxaana xaley agagaarka degmada Carmo ku qalibmay gaari nooca xamuulka qaada iyadoo uu halkaasi uu ku geeriyooday hal ruux.

 

 

Dad iyo baabuur ay xanibeen biyuhu

 

Sidoo kale maalintii shaley waxaa baabuur kale oo ku qalibmay tuulada Ceeldaahir ku geeriyootay haweeney iyadoo mid kalena ay miyir beeshay ka dib markii gaarigii ay saarneyd ay ka qaadeen biyo daad ah oo wadada xiray oo baabuurku uu la dhex galay.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka degmada Carmo oo ay hoos yimaadaan degaanadaasi ayaa RBC u sheegay in roobabku ay xayireen isu socodka iyo iska warqabka degaanka. Wuxuuna sheegay in illaa shaley maamulka degmada Carmo ay gurmad u sameeyeen gawaari safar ah oo ku xayirmay wadada kuwaasi oo qaarkood ay qalibmeen.

 

 

Wadada dheer ee laamiga ee ka tagta Boosaaso waxaa illaa maanta wali saf ku jira gaadiid fara badan oo safar u sii ahaa meelo kala duwan iyadoo la sugayo in biyuhu ay ka yaraadaan wadada laamiga ee ay soo galeen.

 

Masuuliyiinta degmada Carmo ayaa iyaguna ciidamo dhigay halka ay wadadu ka xaniban tahay si dadka looga ilaaliyo maadaama darawalada qaarkood ay si bareer ah isugu dayaan inay biyaha dhex maraan taasina ay dhaliso in ay khatar gasho nolosha dadka saaran baabuurka ee rakaabka ah oo qaarkood carruur iyo haween ay ka mid yihiin.

 

Roobabkan ayaa guud ahaan ka da’aya gobolada Bari, Nugaal, Karkaar iyo Mudug oo dhamaantood la soo sheegayo in dhulku uu biyo badan heley. Waxaana weli bilow ah xilliga guga sida ay noo sheegeen dadka la socda xilliyada sanadka.

 

Cabdalle Axmed

RBC Radio

 

Email: cabdalleaxmed@yahoo.com

 

 

DAAWO SAWIRO BADAN:

 

roob12-300x225.jpg

 

roob23.jpg

 

roob10.jpg

 

roob71.jpg

 

roob63.jpg

 

roob51.jpg

 

roob111.jpg

 

roob32.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Somalia: Tropical Storm Alert for Puntland

 

Source: Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO)

 

Date: 20 May 2010

 

 

Heavy rains in Bari region as tropical storm passes the Horn of Africa

 

During the last 24-hours a tropical storm has developed in the northern Indian Ocean and hit the north eastern parts of Somalia (Puntland). Currently the storm is bringing strong winds and heavy rains along the coastline of Bari region (Figure). The storm is expected to move away from the coastline towards the northwest direction into the Gulf of Aden. The storm is expected to diminish by May 22nd, 2010.

 

The rains are however expected to extend inland in the next 12 hours with moderate winds. Therefore, it is advisable to stay in doors and take the necessary precautions since these winds might lead to destruction of weak structures. Flash floods are also foreseen in the coastal towns on Bosasso, Qandala and Caluula.

 

SWALIM and partners are monitoring the situation and will update you accordingly. For more details on rainfall and cyclone tracking you can consult: http://www.cpc.noaa.gov/products/fews/CYCLONES/nindian.shtml

 

0.522?OpenElement&FieldElemFormat=gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this