Dhubad. Posted December 30, 2007 How about this one: Gabar yar oo 16 sano jir ah ayaa waxay gaari ka soo raacday Boosaaso una raacday Hargaysa si ay u soo salaanto qaraabadeed oo halkaas dagan, markay kontrolka Hargaysa ay timi ayaa askarigi kontrolka joogay baaritaan ugu dhaqaaqay gaarigii ay saarnayd kadibna gabadhii kala soo dagay oo uu halkaana ku xiray. Markii gabadhii maxkamad la saaray oo layiri maxaa lagu soo xiray buu askarigii yiri: Wax cad iminka ku mahayno balse waxaan umalaynaynaa inantaan yari in loo soo diray inay khaarijiso madaxwaynahay Soomliland. Markaas ayay maxkamadii dib iskugu laabatay, kadibna go'aan soo gaartay, qaaligii ayaa go'aankii halkaa ka akhriayay: Kadib markaan si taxdirleh u fiiranay keeskaan waxaan go'aansanay in gabadhaan yari lagu xukumo 2 sano waxaana qabtay qodobka ah Sharciga Malaynta sidaas ayaa gabadhii yareed xabsiga loogu taxaabay More to come.... Quote Share this post Link to post Share on other sites