Sign in to follow this  
Jabhad

Hiiraan warlords in action: A taste of what to come after the dirty Amxaaroos leave!!

Recommended Posts

Jabhad   

Wararka

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Muran ka dhashey maamul loo magacaabey Hiiraan

2 Jan 2, 2007, 02:44

 

 

 

 

Maleeshiyo taabacsan Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Aadan Garaaso ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta Saldhiga Magaalada Baladweyne iyo Xarunta laga maamulo Gobalka Hiiraan.

 

 

 

Maleeshiyadaan ayaa la sheegay iney ka careysan yihiin Maamulka cusub ee Madaxweyne Yuusuf shalay u magacaabay Gobalka Hiiraan.

 

 

 

Maleeshiyadkan ayaa sheegey iney rasaaseyn doonaan hadii ciidamada DF ay yimaadaan goobaha ay saakay qabsadeen, waxeyna sheegeen ineysan aqoonsaneen maamulka shalay loo magacaabay Gobalka Hiiraan.

 

 

 

Aadan Garaaso Gudoomiyahii degmada Baladweyne oo GO la xiriirtay ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay magacaabista qaabka ay u dhacday, waxuuna sheegay in Maleeshiyadaasi ay yihiin ciidamada DF isla markaana ay wax ka qaban karaan wax walba oo gobalkaan khilaaf u keenaya.

 

 

 

Aadan Garaaso ayaa ku tilmaamay maamulkii shalay la magacaabay cadaalad daro inuu yahay, isagoo sheegay in 7 bilood uu dhib ugu soo jiray sidii uu ugu soo noqon lagaa magaalada Baladweyne, markii uu kusoo noqdayna dad sida uu sheegay aanan rafaad u soo marin degmada iyo gobalka loo magacaabey.

 

 

 

Aadan Garaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha ay la xiriiri doonaan isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan waxii ugu soo baxa wada hadalka ay Madaxweyne Yusuf la yeelanayaan

 

 

 

Aadan Garaaso iyo Yusuf Dagabeed ayaa horey waxaa gobalka Hiiraan ugu saaray Maxkamadaha Islaamiga kadib markii ay dagaal xoogan halkaasi ku dhex maray.

 

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this