Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Police destroy plot to kill TFG Speaker

Recommended Posts

Baydhabo: Booliska Baydhabo oo fashiliyay miino la dhigay agagaarka hoyga Sh. Aadan Madoobe

28. Oktober 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee Baydhabo ayaa ku guuleystay iney fashiliyaan miino la sheegay in aheyd mida gacanta laga hago oo la dhigay agagaarka guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur "Madoobe".

 

Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamuud Aadan Barbaar ayaa sheegay in miinadaasi lagu aasay meel ku dhow guriga Guddoomiyaha iyadoo ay ka war heleen ciidanka nabadgelyada ayna ku guuleysteen in ay kala furfuraan miinadaasi iminkana uu socdo baaritaan la xariira cidii ka danbeysay falkaasi arxan darada ee nabadgelyada loo qalqal gelinayo.

 

Taliska Booliska Baydhabo ayaa wada baaritaan xoogan oo la xariira sidii xog dheeraad ah looga heli lahaa kooxaha nabad diidka ah ee ku howlan falalkan oo kale iyadoo horayna magaalada Baydhabo ay mudooyinkan danbe u muuqatay magaalo ay ka dhacaan falalka amni daro sida qaraxyo loo geystay saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo agagaarada goobaha ay degan yihiin mas'uuliyiinta sare ee dowladda iyo kuwa gobolka.

 

Falkan miinada lagu geliyay agagaarka hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la fashiliyay ayaa noqonaya mid qalqal iyo cabsi gelinaya mas'uuliyiinta dowladda iyo xildhibaanada iminka ku wada sugan Baydhabo sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska in ay qaadi doonaan tallaabo aan horay loo arag oo lagu adkeynayo amaanka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this