xiinfaniin Posted October 14, 2010 Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 14, 2010 Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey Garowe 14 Oct 14, 2010 - 5:07:18 AM Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Max’ed Faroole ayaa maanta 14.102010 dalka dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Madaxweynha Cabdiraxman Farole ayaa garoonka waxaa ku soo dhoweeyey mas'uliyiin kala duwan oo ka tirasn golayaasha dawladda, saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, maamulka gobolka iyo kan degmada Nugaal oo hogaaminaya qaybaha kala duwan ee bulshada. M.Puntland, Jack Lang iyo Wasiiru dowlaha W. qorsheynta & xirrirka caalamiga ah Mud. Cabdiraxman Farole ayaa markii uu gaarey aqalka Madaxtooyada Puntland warbixin kooban siiyey mas'uliyiinta dawladda iyo saxafadda, wuxuuna in badan khudbadiisa xooga ku saaray ka waramida safarkii uu dalka uga maqnaa. “Aniga iyo waftiga ila socotay muddo bil ah ayaan dalka ka maqanayn wuuna ka dheeraaday intaan ku tala galanay sababa jira awgood” ayuu yiri Madxweyne Faroole isagoo intaasi raaciyey in dalka dibadiisa hawlo badan yaalaan oo wax ka qabasho u baahan". Madaxweynaha Puntland oo la hadlaya talefishinka ITN Madaxweynaha ayaa dhinaca kele sheegay in safarada Ethiopia iyo Jabuti ay ahayeen kuwo markasta joogta ahaa balse haatan xidhiidh xoojin ay yeelan doonaan Puntland iyo Yamen oo uu sheegay inuu yahay safarkii ugu horeeyey ee ay ku tagaan halkaas. “Dawaladda Yamen oo xiriir ganacsi uu naga dhexeyo si fiican bay noo soo dhaweyeen waxaana la kulanay Madaxweyne Cali Cabdala Saalax iyo Wasiirada dawladaasi dhawaana waxaan filayaa in Puntland ay Yemen ka furato qunsuliyad cusub sida tan Ethiopia oo kele” ayuu sheegay Madaxweyne Faroole. Waftigii la socdey la taliyaha Ban Ki Moon arrimaha burcad badeedka Waxaa kele oo Madaxweynuhu soo hadal qaaday hawlihii dalka ka dhacay intuu maqnaa isagoo carabka ku dhufatay dhibtii deegaanka Cagaaran ku dhexmarta beelaha walaalaha ah, wuxuuna Madaxweyne Cabdiraxmaan uu ku baaqay in la joojiyo colaadaasi, wuxuuna mahad balaaran u celiyey xubnihii dawladda Puntland ka tirsanaa iyo odayaasha ka hawl galay. Burcad badeedka ayuu tilmaamy in dhawaan la soo afjari doono wuxuna xusay in deegaanada ku haray haatn laga hawgali doono isagoo carabka ku adkeeyey in beesha caalamku ka gaabisay hoos u dhigida buacadda badaha ka tageerto Puntland balse sii wadayaan la dagaalankeeda. Wasiirka kuxigeenka arrimaha dibada Denmark Thomas Winkler & kaaliyaha Mr. Jack Lang Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa isla maanta la kulmay wafti ka socda UN-ka kuwaasoo uu hogaaminayey la taliyaha xaga burcad badeedka xoghayaha QM Ban Ki Moon Mr. Jack Lang. Waftiga QM ayaa Madaxweynaha Farole kala hadley howlaha la dagaalanka Burcad badeedka iyo doorka ay QM ka qaadan doonaan isaga oo hoosta ka xariiqey in beesha caalamka ka go'an tahay in laga tageero Puntland cirib tirka kooxahaan. Waftigaan oo ka koobnaa 11 xubnood ayaa waxaa kamid ahaa ku-xigeenka Wasiirka arrimaha dibada Denmark iyo jaraa'id caalamiga ah kuwaasoo ka dhexmuqatey ITN. GAROWEONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites