Cowke Posted November 6, 2009 Waxaa Shir looga hadlaayeey Horumarinta Iyo Caawinta Degaanada Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta Santerka ay ku midoobaan dhowr xisbi oo haya talada dalka Sweden ee magaalada Stockholm Shirkaan waxaa ka soo Qeyb galay madaxa sare oo ka socota Wasaraadadaha kala duwan ee Sweden, Baarlamaanka Iyo Weliba Aqoonyahano Reer Puntland ah Shirka ayaa waxa loga wada hadlay Sidii Loo horumarin laha Puntland iyo Weliba Sidii loo caawin laha Arrimaha Waxbarashada, Caawinta dadka Dhibaateysan iyo arrimo kale Dadkii Shirkan ka qeyb galay ayaa waxa ka mid aha Xubin ka tirsan Baarlamaanka Sweden Abir Alsahlani, Khabiir arrimaha Somaliya ah oo u dhashay dalka Sudan Seef Omar, Maxamud Sheekh Xaamuud Madaxa Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe, Dr Cabdullaahi Xaaji Daayib oo muddo dheer madax ka soo aha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dalka Somaliya, Sidoo kale waxa Xaaflada joogay Gudoomiyaha Ururka Suxuufiyiinta Qaranka Somaliyeed Cabdirisaaq SheekhAduun, Cabdirashiid Ciid Cismaan oo Isna leh Urur Samafal oo ka jira Degaanka Rinkaby ee Dalka Sweden Abir Alsahlani oo ah Gabadha u Qaabilsan Baarlamaanka Sweden Arrimaha Dibada, oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in loo bahan yahay in laga qeyb qaato sidii loga shaqeyn laha nabada iyo Horumarka dalka Somaliya, Gaar ahan Degaanka Puntland, Iyo weliba Sidii loo caawin laha dadka Dhibaateysan ee halkaasi ku sugan Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Khabiir ku xeel dheer arrimaha dalka Somaliya oo u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Seef Omar, isaga oo sheegay in Dowlada Sweden wax badan u qabato Shacabka Somaliyeed, Sidaa Horumarinta Xurumaha Waxbarasho ee ku yaala Gaalkacayo iyo Garoowe kuwas oo hay’ada Dikonia iyo weliba Ururo Swedish ah aay kalmeeyan, Waxan u sheegay in sidoo kale loo bahan yahay in la taageero Curyaaminta iyo dadka Naafada ah Ugu Dambeyntii waxa halkaasi Sawiro Ka turjumaya Ardayda Degaanada Puntland kusoo bandhigay Maxamud Sheekh Xaamud Shirkan oo aay soo qaban Qaabisay Xurunta Center Part International Foundation, oo Shaqadeedu tahay Kor u qadida Nabada, Dimqaaradiyada, Iyo weliba Caawinta, Waxana Hay’adan ku midoobay Ururo kala duwan, Hay’adan ayaa xooga saarta la dagaalanka Faqriga, Nabad xumada, Xaquuqda Insaanka iyo weliba Wacyi gelinta Wararka ku Sabsan Arrimaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted November 6, 2009 I'm starting to admire the Puntlanders they always look normal and civilized not like Somalianders who go out wearing shameful clothes and act like animals in London. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted November 6, 2009 shameful clothes Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted November 7, 2009 Peacenow LOL.You haven't see how organised Somalilanders are sxb have you? They beat every other group in organising and being civil blv you me sxb. Even a staunch anti-somalilander is moved by the songs, the dance, the barfuun/uunsi and the speeches. Quote Share this post Link to post Share on other sites