Sign in to follow this  
Member-sol-

ABUUMANSUUR MA BEENLOW BAA MISE WAA NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

Recommended Posts

ABUUMANSUUR MA BEENLOW BAA MISE WAA NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

 

daawo Aljaziira wareeysi

28 February, 2009 06:16:00 boondheere

 

 

ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xaruntiisa Baydhabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa Carabiga.

 

 

Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doono, ayna isweydiin doonaan su’aasha ah: Sheekhu ma beenlow baa mise waa lagu been abuurtaa?.

 

Haddaba waa kan waraysigii ee akhris wacan:

 

Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur hadda annagu waxaan joognaa magaalada Baydhabo. Ciidamadii Itoobiyaanku way bexeen ciidamo ka socda dowladda ku meel gaarka ahina ma joogaan magaalada dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la joogaa maxay idiinka dhiganyihiin, sideese u qiimayn kartaan?

 

Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel kastoo ay joogaan gaar ahaan mujaahidiinta Soomaaliya jooga waan u bishaaraynaynaa. Sidoo kale waxaan u tacsiyaynaynaa qoysaskiii shuhadadii ku shahiiday xoreynta magaalada Baydhabo. Wixii aan u dagaallamaynay way ******been, waxayna tani bishaaro weyn u tahay muslimiinta caalamka oo nagu kaalmeeyay dareenkooda iyo ducadooda, nana siiyay talooyin iyo weliba qaar kamid ah oo na siiyay taageero dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leenahay: Bishaaro, rugtii riddadu maanta gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa, waana in aan ogaanno in cadawgu aanu ku bixin rabitaankiisa ee uu ku baxay weerarrada mujaahidiinta dartood. Generaalkii Itoobiyaanka ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo ciidamada una diyaariyo sidii ay u bixi lahaayeen isagoo dadkii iyo madaxdii joogtay madaxtooyada Baydhabo wuxuu yiri: (Halkaan markaan ka tago oon saacad keliya kasii maqanahay Mukhtaar Rooboow ayaa ku fariisan doona). Kurisgii kuma aanan fariisan maxaa yeelay kuwii isku magacaabayay dowladda ayaa boobay kuraastii iyo dhammaan hantidii dowladda ee magaalada taallay. Magaaladii waan soo galnay waxana maanta Alle mahaddiis lagu dhaqaa shareecada Ilaahay. Waxan dareemaynaa wixii aan u dagaallamaynay inay ******been, dadkuna waxay ku jiraan nabad iyo xasillooni. Suurtagal ma ahayn maanta kahor in aad mobile-kaaga suuqa ku dhex qaadato, mana aadan awoodi karin in aad magaalada habeenkii dhex socotid. Maanta waxaad awooddaa inaad wixii aad doonto qaadato waqtigii aad doontana socoto.

 

Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maxaa loo aasaasay, muxuuse kaga duwanyahay dhaqdhaqaaqyada kale ee ka jira Soomaaliya?.

 

Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxa uu aasaasmay waqti aan fogayn keddib markii dadka qaar ay kasoo laabteen dagaalkii Af-Ghanistaan, lana jebiyay dowladdii Dhaalibaan. Rag kamid ah dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee dalka gudihiisa joogay ayaa kulmay. Raggaasi waxay dareemayeen in dhaqdhaqaaqyadoodu ay gaabis yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan jihaadka. Waxa jiri jiray dhaqdhaqaaqyo islaami ah oo Soomaali ah oo isku deyay inay jihaadaan, laakiin waxa kahor yimid caqabado fara badan, markaas bay iska daayeen. Raggii dhqdhaqaaqyadaas ku jiray oo isku daygaas hore sameeyay baa kulmay, go’aanna ku gaaray inay aasaasaan dhaqdhaqaaq jihaadkana gala diintana fidiya oo jihaadka iyo diin fidinka isku dhinac wada. Arrinkaasi wuu ******bay Allena wuu barakeeyay dadaalladaas, raggaasina waxay burriyeen maleegyo gaalo waddo oo fara badan oo dadkaan lala maagganaa. Rag badan oo dhaqdhaqaaqaan ka tirsanaa Alle wuxuu u doortay inay dartiis u shahiidaan. In ka badan toban qof oo kamid ahaa raggii dhaqdhaqaaqaan aasaasay manta waa shuhado. Waxaa kamid ah walaalkeen Sheekh Ibraahim Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba, walaalkeen Macallin Aadan Xaashi (Ceyroow), walaalkeen Cumar Dheere (Abuu-Jabal) . Qaar baran oo kamid ahaa raggii goobjoogga ka ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqdhaqaaqu way shahiideen, qofkii kamid ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa inuu ku dhinto wixii ay ku dhinteen kuwii isaga ka horreeyay. Dagaalladii ugu horreeyay ee shacbigu uu ku bartay dhqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ahaayeen dagaalladii argagixiso la dirirka ee ay hoggaaminayeen sagaalkii dagaal ooge, kuwaas oo la heshiiyay Maraykanka. Dagaal oogeyaashaasi waqtigaas intay afduubaan islaamiyiinta ayay u gacan gelin jireen maamulka Maraykanka, iyagoo usii marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahay dalka Jabuuti. Waxaa kamid ahaa laba laga afduubay guriga Aadan Ceyroow. Mid kamid ahi hadda wuu joogaa wuxuuna ka qaybgalaa jihaadka, kii kalena Hargeysa ayuu ku xiranyahay. Haddaba kuwaasi markii ay ku talax-tageen ka ganacsiga muslimiinta bay mujaahidiintu go’aansadeen inay la dagaallamaan, waxayna weerareen Airporradii ulajeeddooyinkaas loo isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku jirayna iyagoo bedqaba bay kasoo furteen. Markaas keddib waxa billaabmay hawlgalkii wadajirka aan u fulinnay annaga iyo maxkamadihii islaamka. Taageerada shacbiguna qaybweyn bay ka qaadatay soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab wuxuu noqday mid can ka ah dalka.

 

Al-Gezira: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir la leedihiin ururka Al-Qaacida, arrintaas dhabteedu maxay tahay?.

 

Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa waa xiriirka qofka muslinka ah kala dhexeeya walaalkiisa muslinka ah, caqiiqada muslinkana waxa dhuuxeeda kamid ah Al-Walaa’u wal-Baraa (La jir iyo ka jir) oo ah in aad ka fogaato gaalada oo aad xiiririso muslimiinta oo dhan oo aad jeclaato. Waa kaas xiriirka nagala dhexeeyaa. Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar waxay Internetka ku baafiyaan talooyin aan wax badan ka faaideysanno ama farriimo ay Internetka inoosoo mariyaan oon aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu soo diray walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka caynkaas ah markaan maqalnana aad baan ugu faraxnaa. Ma jiro xiriir dhow oo keenaya in aan iyaga kamid nahay ama iyagu ay naga mid yihiin, laakiin waynu iska tirsannahay marka laga eego inay muslimiin yihiin. Iyagu waa mujaahidiin, cadawgeennuna waa mid, Maraykanka ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada Alle dhulka ku fuliyaan annaguna sidoo kale, waxan diidaynaa xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo u diidaysa qofka Ciraaqiga ahi inuu Jordan tago, Sacuudiguna Yaman tago, waxanan codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo, ayaguna sidaas bay doonayaan. Waxa jiraa waa uun intaas, laakiin urur ahaan kama tirsanin, laakiin aad ayaan u jecelnahay.

 

Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqiinnu yoolalka uu hiigsanayaa ma u kala horreeyaan?

 

Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada, wada-jirka Culumada (ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta). Annagu waxyaabahaas oo dhan waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin sidii khilaafada Islaamka loosoo celin lahaa, waxan taas ku gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo jihaadka. Dadka waxan u caddaynaa waddada saxda ah, waanan iska leexinnaa cid kasta oo diin fidintaas hor istaagta, waxanan sidaas kusoo celinaynaa khilaafadii Islaamka, arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa oo Baydhabo shareecada Alle ayaa laga fuliyaa.

 

Al-Gezira: Sida aad sheegayso hadduu arrinku yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama Alaska in la gaaro oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?.

 

Abuu-Mansuur: Anigu magaalada Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka Al-Gezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas ka gudbiyeen nin xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad aynaan garanayn, laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid lagu soo galo ma aha.

 

Dhanka qabuuraha, meelaha uu dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab keligiis xukumo waxa ku yaal qubuuro, hana rumaysannina haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma waafaqsan tahay mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh., waana la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro. Annagu waan naqaannaa waxa kutubta ku qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa wax kale. Waxaad ogtihiin in shareecada Islaamku ay ahmiyad siiso masaalixda (waxa ay danta guud ku jirto) iyo mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya). Waxa aan samaynayno waa in aan hubsannaa samayntoodu ma habboon tahay maanta mise maya. Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha (RC) ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu ahaan lahayn dad ay diintu ku cusubtahay, Kacbada intaan dumiyo ayaan ku dul dhisi lahaay tiirarkii uu Nabi Ibraahim (CS) taagay) (Sunan At-Tirmidi). Rasuulku (SCW) wuu ka joogsaday inuu Masjidka dhiso waxana u bannaanaa inuu dadka oo diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar ah ku eego. Wuxuu arkayay in dadka loo dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo marxalad dadka oo dhami ay fahmi karaan waxyaabahaas ay diintu farayso oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu ku diiday qofkii soo jeediyay in la dilo munaafiqii Cabdullaahi ibni Ubay si aan loo dhihin Maxamed asxaabtiisuu laayaa. Waa inaynu daryeelnaa masaalixda iyo mafaasidda oo haddii munkarka (waxa aan fiicnayn) oo dadka laga reebayo uu ka dhalanayo munkar ka weyni dadka laga reebi mayo. Haddii tusaale ahaan qabri dumintiisu ay keenayso in qabaa’ilka qaarkood ay hub qaataan oo dhiig xaaraan ah la daadinayo dhibaatana ay ka dhalanayso, waxa waajib ah in aan la degdegin oo arrinka dib loogu dhigo waqtiga ku habboon ilaa iyo inta ay dadkaasi arrinka dhanka diinta uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay ka dhacday Kismaayo, waxana ka jira maamul saddex geesood ah; Mucaskarka Raas-Kambooni, walaalaha maamulka Caanoole iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, nidaamkaasina waa mid madax bannaan oo go’aamadiisa lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo kala jeeday. Waxaynu aaminsan nahay in si tartiib tartiib ah hore loogu socdo. Fiiri, xitaa markii Khamrada la xarrimayay arrinku wuxuu maray saddex marxaladood: (Waxay wax kaa weydiinayaan Khamrada iyo Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa ku jira dembi weyn iyo waxyaabo dadka anfacaya) (Suurat Al-Baqara: 219). Marxaladdii labaad waxay ahayd: (Salaadda ha’u dhowaannina adinkoo sakhraansan ilaa aad kala garataan waxa aad sheegaysaan) (Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina ((Kuwa xaqa rumeeyayow Khamrada, Khamaarka, Sanamya caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal Shaydaan ahe ka fogaada aad liibaantaane.) (Suurat Al-Maa’ida: 90). Waa kuwaas waxyaabaha ay diinteennu ina farayso.

 

Al-Gezira: Waxa aan kaa maqlayaa aad buu uga duwan yahay waxyaabaha aan dhaqdhaqaaqiinna ka maqlo oo waxa la idinku eedeeyaa xagjirnimo tan ugu sarraysa, isla marka la idin khilaafo dil baa waajibaya, ee ma qaab hadalkiinnii bay wax iska beddeleen?.

 

Abuu-Mansuur: In aan sidan (dandarrida ah) u muuqdo oo aan reerkaygii iyo carruurtaydii ka maqanahay iyo in aanan daar iyo dirham toona adduunyadan ku lahayn, aniga oo weliba awooda in aan ganacsado oon maal tacbado sida dadka kale. In aan ku noolaado xaaladdan murugsan keddibna aan berri Naarta galo Alle ayaan ka megangelayaa arrintaas. Suurtagal ma aha in aad disho qofkii fikir kugu khilaafa. Arrintaasi waa mamnuuc. Wax kasta oo la sheegayaa waa dicaayado ay baahinayaan cadawga Alle. Annagu usbuucyo ayaan magaaladaan joognay, mana lagu dilin qofna marka laga reebo hal nin oo hooyadiis dilay, intaanan imaanna maalin kasta tobanaan dad ah ayaa lagu dili jiray. Sideen u dilaynaa qofkii ra’yi nagu khilaafa annaga oo cafinnay kuwii shalay nala dagaallamayay. Nabigeennu (SCW) markuu Makka galay oo uu goobta isugu keenay kuwii shalay bixiyay, wuxuu ku yiri: (Maxaad u malaynaysaan inan idinku samayn doono?). Waxay ku dheheen: (Walaal wanaagsan baad tahay uu walaal wanaagsani dhalay). Inuu u naxariisto bay ka dooneen, wuxuuna ku yiri: (Iska taga xor baad tihiin eh). Waa taas saamaxaadda Islaamku. Dhab ahaantii aad baan ula yaabay waxyaabaha Internetka lagu faafiyay. Nin Middi haysta oo mid kale doonaya inuu gawraco oo Aayado Qur’aan ah akhrinaya oo xitaa akhrinta Aayadaha khaldaya, keddibna waxay leeyihiin: Dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab sidaan buu waxyeelaa. Waxaas annagu waxba kama aannu ogin. Aniga ayaa ah afhayeenkii Al-Shabaab waxa aan kuu sheegayo ayaana soconaya.

 

Al-Gezira: Mar dhow waxa aasaasmay xisbi Islaami ah oo uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan, diyaar ma u tihiin inaad ku biirtaan ood xulafo la noqotaan?.

 

Abuu-Mansuur: Annagu mabaadi’ iyo usus aan ilaalinaynaa jira kuwaas oon gorgortan marnaba gelayn. Ayaga ayaa xisbigaas aasaasay nalagalamana tashan, war badanna kama haayo, laakiin waan soo dhoweynayaa waanan ku faraxsan-nahay iskaashigaas iyo midowgaas mujaahidiinta dhex maray, waxanan u haystaa tallaabadaasi inay tahay guul weyn oo muqaawamada usoo hoyatay. Arrintaas waan fiirinaynaa waanan ka doodaynaa, keddibna waxaan qaadan doonnaa wixii aan munaasib u aragno. Dr. Cumar Iimaan waa nin aan ixtiraam weyn ugu hayno cilmigiisa iyo mawaaqiftiisa ku aaddan xukuumadda baadilka ah, datoorkuna kolleey waa nin la yaqaanno.

 

Al-Gezira: Wax badan baad ka hadasheen dowlad cusub ee lagu soo dhisay Jabuuti. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed isagoo haysta taageerada shacabka iyo caalamka, maxaad u aqbali weyseen ood ula macaamiltami weyseen?.

 

Abuu-Mansuur: Waxa la diiddan yahay ma aha qof gaar ah, waxa aan diidaynaa waa manhajka yo aasaaska lagu dhisay dowladdaas uu Shariif hoggaaminayo. Dastuurkeedu waa dastuur gaalo ay dad ra’yigooda ku dejiyeen dadkaas oo weliba ah kuwa dad oo dhan ugu liita oo Alle Subxaanahu watacaalaa ugu caasin og. Waad maqasheen inuu ku dhaartay inuu dhawri doono dastuurkaas federaalka ah. Dastuurkaas uu ku dhaaranayaa waa dastuurkii aan diidnay oon u dagaallannay si aan uga takhallusno. Cabdullaahi Yuusuf ulama aynaan dagaallamin inuu gobollada Bari kasoo jeedo, laakiin waxaan ula dagaalnay manhajkii uu xambaarsanaa dartiis, Shariifna wuxuu doonayaa inuu shacbiga ku khasbo dastuurkaas uuna shacbiga ku hoggaamiyo. Waxan aaminsannahay in dowladdani ay ka liidato dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu sheegi jiray inu shareecada diiddan yahay, wuxuna ku dhegganaa dastuurkiisa baadilka ah, laakiin kooxdaani waxay leedahay; Tani waa dowlad Islaam ahoo shareecada fulinaysa. Annagu ma taageersanin dowladda Shariif, waxanan ula dhaqmaynaa sidaan ula dhaqmi jirnay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.

 

Al-Gezira: Hadalkaas ma waxaan ka fahmaynaa inaad sii wadi doontaan dagaalka aad kula jirtaan dowladda cusub?

 

Abuu-Mansuur: Taas shaki kaagama jiro. Ciidamada ajnabiga ahe jooga dhammaantood waan la dagaallamaynaa, dowladdaan uu Shariif madaxda u yahayna iyana warkii oo kooban waan la dagaallamaynaa ilaa iyo intay Alle u tawba keenayaan kana laabanayaan baadilka ay ku jiraan.

 

Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur siyaasad wax waliba waa ka suurtoobaan. Haddii ay Sheekh Shariif u suuroobi weysay inuu soo dhiso dowlad Islaam ah dhib kuma jiro hadday u suurowdo inuu dhiso dowlad kulminaysa labada kooxood ee islaamiyiinta iyo kooxda reer galbeedka lagu riixo si uu u gaaro guulahA auu hiigsanayo qaar kamid ah.

 

Abuu-Mansuur: Allaha sarreeyaa wuxuu leeyahay: (Xaqa iyo baadilka ha isku dheehina, xaqana ha qarinnina adinkoo weliba og) (Suurat Al-Baqara: 42). Alle wuxuu naga reebay in aan xaqa iyo baadilka isku dheehno. Isu imaan maayaan dowlad Islaam ah iyo dowlad Dimoqoraadi ah. Dowladdani waa mid Dimoqoraadi ah oo ay usoo dhafreen Weled Cabdalla iyo kooxdiisu, sinnabana suurtagal kuma aha inay u dhafraan oo ay ku daalaan sidii loo aasaasi lahaa dowlad Islaam ah, dimoqoraadiyadduna agteenna waa gaalnimo. Dimoqoraadiyaddu waxay leedahay: Xukunka shabakaa iska leh wixii uu doono ayuuna samaynayaa, Allena wuxuu leeyahay kuxunka cid aan Alle ahayni ma laha. Labadaas arrimood kuwa isu imaan kara ma aha, kani waa tawxiid kaasina waa kufri, waa xaq iyo baadil, sidaas darteed suurtagal ma aha in la isku dheeho. Annagu waxaan doonaynaa shareecada Alle oo turxaan baxsan wax qashin iyo soogalooti ah aan lagu dheehin.

 

Al-Gezira: Waxa jira dad sheegaya in aad xiriir la leedihiin burcad badeedda Soomaaliyeed, warkaasi ma jiraa?

 

Abuu-Mansuur: Waxyaabo badan ayaa nalagu eedeeyaa waxaana kamid ah in aan dadka sabab la’aan dilno, tanina waxay kamid tahay eeydeymahaas. Annagu ma nihin burcad badeed wax xiriir ahna lama lihin, burcad badeeddana waan jebinnay oon ka tirtirnay biyaha Soomaaliya xilligii maxkamadaha, adiguna taas waad ogtahay. Burcad badeedda waxaa sameeyay Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka ah. Ayagaa hubeeyay una iibiyay doonyaha iyo qalabka kale. Waxay ka baqi jireen dhallinyarada mujaahidiinta ah ee ka imaanaysa Sacuudiga iyo Yaman ee Soomaaliya usoo socota. Waxay kula dardaarmeen: Isha ku haaya doonyaha ka imaanaya dalalkaas noona soo gacangeliya qof kasta oo Carab ah oo saaran. Maraykanka iyaga laftooda ayaa burcad ah oo risaas ayay ku ridaan kalluumaysata Soomaalida ah, qaarna wayba xiraan iyagoo ku eedaynaya inay yihiin burcad, iyaga oo burcaddii dhabta ahaydna sii deynaya oo weliba maalgelinaya. Waxaa jira burcadda cirka waana Maraykanka. Haddaad magaaladaan shalay joogi lahayd waxaad arki lahayd diyaaradaha Maraykanka oo hawadeenna duulaya, guryaha iyo aqalladuna ay guuxeeda la gariirayaan. U naxariisan maayaan qof waayeel ah iyo bukaanka isbitaallada ku jira midna, balse waxay soo tuuraan qumbuladohooda wax dila waqtigii ay doonaan iyo sidii ay doonaan. Burcadnimadaas baa annaga dhibaato nagu haysa. Ayagaa ah burcad iyagaana maalgeliya burcadnimada.

 

Al-Gezira: Waxa jira jihooyin badan oo soo jeedinaya in dagaalka laga joojiyo ciidanka nabad ilaalinta Afrikaanka ahe Muqdisho ku sugan, jihooyinkaas oo sheegaya in ciidanmadaasi aanay ahayn kuwa dalka kusoo duulay. Waa maxay mowqifka dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka taaganyihiin soo jeedintaas?

 

Abuu-Mansuur: Horta kuwa AMISOM sheegtaa waa Ilaah cadawgiis, wallaahina iyagaa nooga daran Itoobiyaankii. Ma ogtihiin imisa jeer ayay xasuuq u geysteen shacabka?. Waxa ugu dambeeyay hawlgalkii ay ku geeriyoodeen ku dhowaad afartan shacab ah. Ma awoodaan inay yiraahdaan nabad baan ilaalinaynaa, maxaa yeelay iyagaa burburrinaya nabadda. Markii ciidamada Itoobiyaanku ay xasuuqa ba’an Muqdisho ka geysanayeen isha ayay ka eegayeen maalinna ma aysan dhihin joojiya xasuuqa, balse iyagaaba taakulaynayay, nidaamkii riddada ahaana waxay siiyeen gawaari iyo qalab kale oo fara badan. Sidaas darted waa cadaw waana inay dalkeenna ka baxaan. Annagu dalkooda ma aynaan aadin, mana aynaan qabsan. Haddii ay bixi waayaan weerarro isdaba joog ah ayaa ku soconaya. Waxa jira hawl isqarxin ah oo inoo diyaar ah aanan fulin doonno mar dhow Insha’allaah ee dalkeenna haka bexeen. Midda ku saabsan in hubka la dhigo, waxa weeye soo jeedin baaadil ah. Alle wuxuu Nabigiisa Muxammad (SCW) lasoo diray hub. Rasuulku (SCW) wuxuu leeyahay: (Waxa saacadda horteed la ila soo diray seef ilaa Alle keliya laga caabbudayo irsaqaygana waxa la geliyay warankayga hooskiisa hoostiisa) (Musnad Imaam Axmed: 5667). Hubka oo la dhigaa waxay kamid tahay afkaarta gaalada, kana mid ma aha hillinka toosan ee muslimiinta. Haddaba hubka oo inta la dhigo laga tago waxa soo jeediyay gaalada iyo Bush, arrintaasna qof caalim ah iyo qof muslin ahi ma yiraahdaan. Iskaba daa in aan hubka dhigno eh waxaan dadka ugu yeeraynaa inay isa sii hubeeyaan. Rasuulku (SCW) ninkii hub la’aan ah oo uu arko hub buuba siin jiray. Umaddaan waxa la jebiyay oo laga guulaystay markii ay hubkeedii dhigtay ooy adduunyo cuskatay. Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay: (Kuwa gaaloobay waxay jeclaan lahaayeen inaad hubkiinna iyo qalabkiinna hilmaantaan ooy hal mar idin soo hujuumaan) (Suurat Al-Nisaa’: 102). Rasuulku (SCW) intuu Seef kor u taagay ayuu yiri: (Yaa seeftaan qaadanaya). Markaas buu qof walbaa damcay inuu isagu qaato. Wuxuu markaas yiri: “Yaa seeftaan xaqeeda ku qaadaya?”. Asxaabtii way baqeen. Waxaa markaas istaagay Abuu-Dujaana (RC). Wuxuu yiri: (Anigaa xaqeeda ku qaadaya Rasuulkii Alloow), markaas ayuu qaatay. Rasuulka (SCW) markii la weydiiyay waa maxay xaqeeduna wuxuu yiri: (Inaad gaalada ku garaacdaan). Asxaabtu waxay dheheen: Seeftii wuxuu ku kala jeexjeexay madaxyadii gaalada, waxayana Abuu-Dujaana u ahayd wax lagu faano, saxaabigaa jaliilka ahina wuxuu lahaa: (Anal-ladii caahadanii khaliilii wa naxnu fis-Safxi ladan-Nakhiili an laa aquumad-Dahra fil-Kuyuuli Adribu bi-Sayfil-Laahi war-Rasuuli = Aniga ayaa ah kii uu saaxiibkay igula ballamay, annagoo gebiga iyo geed timirka agjoogna inaanan weligay safka dambe gelin oon seefta Alle iyo Rasuulkiisa ku garaaco).

 

Al-Gezira: Mahadsanid Sheekh Abuu-Mansuur, mahadsanidiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this