Cowke Posted March 4, 2010 Qaar ka Tirsan xilibaanadda Dowladda Puntland iyo Wax garadka deeganada Burtinle iyo Tuulo jalam ee Gobolka Nugaal ayaa Waxay Gudda Galeen sidii loo soo dayn lahaa baabuur ay leeyihiin Ganacsato ka soo jeeda Maamulka Somaliland isla markaasna lagu hayso dhulka miyiga ah ee degmada Burtinle. Baabuurtaan oo loo haysto Gabadh ay maamulka somaliland Gacanta ku hayaan isla markaasna laga soo xaday deegaanada Fog ee Gobolka bari isla markaasna ay dad Toogu ah iibsadeen balse kadib ay Gacanta u Gashay Maamulka Gobolka Togdheer ee somaliland uuna wax muuqda ka qaban waayey ayaa haatan Waxay arintu isu bedeshay in la soo celiyo baabuurtaas. Xilibaan Siciid khaliif Muuse Waxaa uu ka mid yahay Golaha xilibaanada Dowalada Puntland Waxaa uu ka mid ahaa qaar ka Tirsan xilibaano iyo Wax Garad muddo ku raad joogay sidii loo soo celin lahaa baabuurtaas oo ay dheceen dhalinyaro carootay oo ehelo yihiin Gabadha afarsano jirta ee lagu hayso magaalada burco ee xaruunta Gobolka Togdheer. Xilibaanku Waxaa uu sheegay in ay in badan la hadleen dhalinyarada haysata Gaadiidkaan Gaadhay 2 baabuur ee Waa wayn Waxaana is afgaran waa badan kadib ay sheegeen in ay ka soo qaadeen baabuurta isla markaasna ay xaliyeen oo ay sheegeen in ay waxyaabo badan ka qaban doonaan soo daynta Gabadhaan oo ay somaliland hasyto ayna Falkeeda Gelayaan siddi ay somaliland ugala hadli lahaayeen. Dhegayso: Xilibaan Siciid khaliif Muuse. Gaadiidkaan oo ka hadal siiyey dad badan oo uu ka mid yahay badhasaabka isagu Gacanta ku haya Gabadhaan ayaa haatan Waxaa Gacanta ku hayya Nabadoono odoyaal iyo wax garadka kale oo iyagu ka soo jeeda deeganada Gobolka nugaal Gaar buurtinle iyo Tuula jalam, iyagoona Gacanta ku sii hayn doona ilaa inta ay Warcad ka heli doonaan Maamulka Somaliland waxaana baabuurtaan loo soo wadda xagga Caasumada Puntland ee Garoowe. Arintaan oo muddo hadal haynteedu socotay ayaa haatan u eg mid kala furfurantahay maxaa yeelay baabuurtii loo haystay Gabadha da,da yar ee reer Puntland ayaa haatan waxaa Gacanta ku haya Puntland, Waxaana markaas Cadaanaysa ama soo iftiimaysa in la soo dayn doono Gabadhaan, oo ay Puntland la xidhiidhi doonto maamulka Deegaanada Togdheer oo ay Gabadhaan ku sugantahay. Allidamaale.com Office of Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted March 4, 2010 Gaadhiga nabadoonada baa gacanta ku hayso oo kamid ah puntland. They will make sure the trade happens properly!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites