Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaal Xoogan oo ka soconaya Isgoyska Baar ubax iyo hareeradiisa

Recommended Posts

Xoogsade   

Dagaal Xoogan oo ka soconaya Isgoyska Baar ubax iyo hareeradiisa

Beerdhiga 17.01.2008 14:10

 

Dagaal xoogan ayaa ka bilawday 12:40 duhurnimo xilliga Muqdisho isgoyska Baar ubaxa ilaa labadhagax ee degmada Wardhigleey ee caasimadda Muqdisho.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada gumaysiga Itoobiya barqanimadii maanta isku balaariyeen lamiga 30ka inta u dhaxaysa isgoyska Cali kamiin ilaa Salaama ee degmada Wardhiigleey.

 

Dagaalka ayaa ku bilawday kadib markii ay ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed weerar kadis ah ku qaadeen ciidamada gumaysiga kaas oo ay ku dileen 2 askari oo ka mid ah ciidamada gumaysiga dabadeedna waxaa goobtii ka qarxo dagaal aad u xoogan.

 

Dagaalka oo soconaya ilaa iyo hadda oo saacaddu ay ku beegantahay 2:00 duhurnimo xilliga Muqdisho waxayna ciidamada gumaysigu madaafiic ku soo rideen Suuqa Bakaaraha gaar ahaan iskuul kii hore ee Xamar Jadiid iyo agagaarka sarta Maalintajir.

 

Dad goobjoog ah ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in ciidamada gumaysigu ay dad rayid ah oo marayay wadooyinka ka agdhaw Isgoyska Baar ubax rasaas la beegsaden taas oo sababtay dhaawacyo soo gara dadka rayidka ah.

 

Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa weerarro aan kala go’lahayn ku qaada fariisimada ciidamada gumaysiga Itoobiya ay ka samaysteen Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale marareka ay ka soo baxaan goobaha ay degan yihiin taas oo mujaahidiintu ay khasaarooyin xoogan ku soo gaarsiiyaan ciidamada saliibiyiinta Itoobiya.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this