Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: National Police have upper hand : quite returns to capital

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada Booliska dawladda Soomaaliya oo la wareegay inta badan amaanka Magaalada Muqdisho.

24. oktober 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Booliska dawladda Faderaalka KMG ee Soomaaliyeed ayaa la wareegay amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya inteeda badan, markii ay maalmihii ugu dambeeyey wada hadalo arimahan ku aadan yeesheen Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Ciidamadan Booliska ah ayaa la dhigay 16 Isgoys oo kuyaala Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, waxaana isgoysyadan ka mid ah Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Magaalada, waxaana meelahan lagala socon doonaa dhaqdhaqaaqyada Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo inta badan dagaalo kuqaada Xarumaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Halkan maanta la dajinayay ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ciidan ay leedahay dawladda Soomaaliya waxaa ugu dambeysay markii uu xilka raysalwasaare-nimo ka tagey Prof. Cali Maxamed Geedi, waxaana goobahaasi wixii ka dambeeyey lugu tuhmayay in ay degan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya..

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale ayaa hor boodaya ciidamadan, wuxuuna ka codsaday dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ciidamadan sugi karaan amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Fagaaraha Tarabuunka & Isgoyska KM4 ayaa maanta markii ugu horeysay ciidamadan ay degeen waxa ayna markiiba la kulmeen dagaalo ay ku soo qaadeen Kooxaha kasoo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi ahaayeen kuwa aysan ka qeybgalin ciidamada Midowga Africa & waliba kuwa ka socda dawladda Itoobiya ee caawiya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Talaabadan ayaa lasheegay in ay ka timid Maskaxda qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu sareeya dalka Soomaaliya oo uarkay in lugu sugi karo amaanka Magaalada Muqdisho, markaasna ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya uga maarmi karto ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya ama kuwa amaanka Muqdisho lasugaya.

 

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooool.........All Puntland iyo Duke ma waxay u maleeyeen in dadka SOL aysan Xamar kala kaseyn. Kaalay hee indhaha koollo naga mari. Kuwa laga soo ceyrsadey Hodan iyo Howl-wadaag oo Dharkenley iyo Madiino laga baacsado miyaa maanta noogu sheekaynaysaa inay jidadka magaalada Muqdisho ammaankeeda dhawraan. Weligey qof kaa indho adag ma arkin saaxiib.

 

Waa iska muuqataa in Allpuntland baad kolleey warkaan ka soo xigatey oo waxay ka xishoonayaan inay ka hadlaan ceyrinta C/llaahi ee Melez iyo baryada uu Uganda Museveni ula joogo marka sheekadaan raqiiskaa maa keenteen.

 

Duke ma waxaa is dhahday waa xilligii borobogaandada loo baahnaa ee halla bakhaylin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this