Jacaylbaro Posted May 21, 2008 Maamulka talada Somaliland hada haya ee xisiga UDUB iyo labada xisbi ee mucaaradka ah ee KULMIYE, UCID ayaa si wadjir ah u saxiixay heshiis laga gaadhay khilaafaadkii u dhaxeeyey xisbiyadaas, kaasoo yimid kabid muddo kordhintii Golaha Guurtida ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee halka sanno loogu daray. Maamulka talada Somaliland hada haya ee xisiga UDUB iyo labada xisbi ee mucaaradka ah ee KULMIYE, UCID ayaa si wadjir ah u saxiixay heshiis laga gaadhay khilaafaadkii u dhaxeeyey xisbiyadaas, kaasoo yimid kabid muddo kordhintii Golaha Guurtida ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee halka sanno loogu daray. Masuuliyiinta kulankaas ka qayb gashay ayaa sidookale si wada jir ah isugu raacay mudeynta xiliga ay qabsoomidoonaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka,taasoo dhici doonta 15 December 2008 iyo doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 15 March 2009. Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafda u waramay ayaa qiray inay heshiis gaadheen maamulka Riyaale,isagoo shegay inay dhinacooda sameeyaan tanaasul taariikhi ah,sia ay ugu daneeyaan shacabaka reer Somaliland,nabaa loo ilaaliyo. Waxaa sidoo kale isna u hadlay xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ah afhayeenka xisbigaas,wuxuuna sheegay inay heshiis wada gaadheen,oo dawladu kurisga sii fadhiyidoonto,oo aanu kurisigu banaanaan karin. "Waxaanu ku dedaaleynaa horta annagu in la helo wakhtiga doorashada oo la isla wadaqaato. Qodobka labaad waa yaa ina gaadhsiinaya doorashada?. Inta labadaa qodob laga heshiinayo waxaa caadi ah aduunka oo dhan in wax la yidhaahdo Care taker(dawlad gaadhsiin ah) baa la yidhaahdaa ay sii fadhido,” sidaas waxaa yidhi Muuse Biixi oo laweydiiyey inay u tanaasuleen maamulka Rayaalle. Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa heshiiskani soo afjarayaa khilaafkii siyaasadeed ee hadeeyey nabaa Somaliland,iyadoo lag acabsi qabay in waxa ka danbeeya 16 May uu wadanku galo loolan awoodeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 21, 2008 That is why I LOVE SOMALILAND ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 21, 2008 Hargeysa(Qarannews)- Shir-jaraaid oo caawa ku qabtay Xarunta Xisbiga kulmiye ee Magaaladda Hargeysa Gudomiye -ku -Xigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Ayaa sheegay in uu wada hadalo dhexmay galabta xukumadda iyo xisbiyadda Mucaaradka ah in lagu heshiiyey in doorashooyinka soo socdaa ay qabsoomaan ama dhacaan waxana la isku raacay in tan hore laga qabto bisha 12'aad15-keeda 15/12/08, doorashooyinka deegaanka, ta kalena la qabto March 15keeda. 15/3/09, taasi oo ah ta madaxtooyada. Muuse Biixi waxaa uu xusay in uu wakhtigani yahay wakhti ay soo qabteen in ay qabsoomi karto doorashoyinku waxaanu yidhi. "Hada waxaanu ka soo baxnay shirkii ay wada lahaayeen xukumada iyo mucaaradku waa markii sadexaad ee aanu isaragno. Manta ajandahay aanu ka wada hadalnay waxaa uu ahaa soo jeedin qabyo ah oo ay keeneen koomishanka doorashooyinku oo soo tilmaamay wakhtiga ugu horeysa ee ay doorashooyinka dalka ka qaban karaan kaas oo ay soo gudbiyeen in ay qabsoomi karto, oo ay soo jaangooyeen Dismber 15-keeda doorshadda hore tan dambena waa March15keeda sidaas ayaana ku heshiinay komishankuna waa haayada kaliya ee soo qaban karta wakhtiga ay doorasho dhici karto" Ayuu yidhi Muuse Biixi. Isagoo hadalkii sii wata wuxuu ku daray "Mishkiladu meesha taalaa waa wakhtiga la qabanaayo maaha ee waa in aan doorashada halkeeda ka dhaqaaqin mar dambe taas ayaanu keenay hadii aanu nahay mucaaradka waxaanu soo jeedinay in damaanad laga qaado xaga sharciga ah oo sidaa koomishanku qabtay loo daayo. Laga saaro sida qodobka odhanaaya 6 bilood ah u dhexeeyaan labada doorasho iyo hadii wakhtiga ay dib uga dhacdo doorashadu aanay guurtidu iska kordhin ee ay la tashadaan komishan iyo Asxaabta mucaaarka" Dhanka kalana Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isagu sheegay in lagu hesheeyey sidaas uu sheegay Muuse biixi islamarkaana la isu imandoono kulan ka xiga 31-ka bishan May ee ay ku dhex jirno Arintan ayaa ah mid guul weyn ugu fadhida shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyada oo wal wel weyn laga qabat hadii la gaadhi waayo wax heshiis ah oo lagu soo af jaro muranka u dhaxeeyay xukumada iyo xisbiyada qaranka, taasi oo caawa la soo afjaray, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa aad caawa looga riyaaqay is afgaradkan dhex maray xukumada iyo mucaaridka. Ilaa hada wax warbixin kama soo bixin xukummada Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted May 21, 2008 Summarise in English mate,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 21, 2008 It is a preliminary agreement that the municipality elections will be on the 15th of December and the Presidential will be on the 15th of March 2009. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 21, 2008 Saxannews - Kulamada Qasriga Madaxtooyada ka socda oo shalay galay is aragii saddexaad ayaa is afgarad ka gaadhay qodobada muranka siyaasadeed ee cakiran uu ka taagan yahay. Is araga shalay ee ay isku soo hor fadhiisteen hogaamiyeyaasha muxaafidka iyo mucaaridku waxa uu qabsoomay shalay gelinkii hore kadib markii uu baaqday doraato oo loo ballansanaa. Walow ay badan yihiin qodobada la isku maan dhaafsan yahay haddana illaa imika waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen qaybo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan muddada ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanadu iyo waliba maaraynta qodobada sharci ee qayb ka ahaa waxyaabaha sii murgiyay khilaafka. Wararka ugu horeeya ee kasoo baxay kulanka ayaa shaaca ka qaaday in laga heshiiyay xilliyada ay kala qabsoomayaan labada doorasho in kasta oo aanay caddayn sida ay usoo kala horayn doonaan waxa la isla gartay oo la isla aqbalay soo jeedin cusub oo ay komishanka doorashooyinku soo dhigeen taasoo labada doorasho u dhaxaysiisay muddo ka yar tii uu muranku ka taagnaa, waxaanay kala yihiin in doorashada hore ay qabsoonto bisha 12aad ee December ee sannadkan ta labaadna ay qabsoonto bisha saddexaad ee sannadka soo socda taasoo u muuqata in ay labada dhinac isugu yimaadeen meel dhexe. Dhinaca kale, xisbiga Kulmiye ayaa markii ugu horaysay jawiga ku qaabilay furfurnaan uu iftiimiyay in uu ogolyahay tanaasul marka uu dhinaca kale ka arko, hase yeeshee si adag u sheegay in isbedelka ku iman kara mowqifkoodu uu ku xidhan yahay natiijada wada hadalka taasoo ay qudheeda niyad sami ka muujiyeen. Kulankan wada hadalka ee shalay wax kale oo la isku af gartay in saddexda maalmood oo ay maantu ugu horeyso kulankani kala maqnaan doono iyaga oo goleyaasha xeer dejinta ka sugaya inay xagooda kasoo dhamays tiraan shaandhaynta qodobada sharci ee caqabada ku noqday qabsoomidda doorashooyinka amaba culayska ku ah wada hadalka qudhiisa kuwaasoo aan illaa imika tafaasiil laga bixinin. Waxa la sheegay in muddadaa kooban laga filayo goleyaasha sharci dejintu inay xaggooda kasoo dhameeyaan. Inkastoo illaa imika is afgaradka togan iyo yididiilada kulanka cidda kaliya ee laga hayaa ay tahay Kulmiye sida muuqata ishaarada natiijada wada hadalkani waxay u egtahay mid ku dhamaan doonta heshiis. Si kastaba ha ahaatee waxa cad in aanu haatan Kulmiye waxba ka qabin in uu Rayaale sii ahaado madaxweyne kursiga buuxiya inta laga gaadhayo doorashada oo ay sugayaan damaanadii u sugi lahayd inuu ballanku sidaasi u dhacayo, sidaa si la mid ahna Rayaale qudhiisu aqbalay soo jeedinta komishanka iyo heshiiska saddexda xisbi ee ah in xaska sharci ee ku xeeran meel marinta heshiiskii saddexda xisbi iyo komishanka amaba soo jeedinta cusub ee komishanka laga guro, kana soo dagay halkii hore. Qodobada hadhsan heshiiskan ee aan wali laga wada hadlin waxa ka mid ah sida ay noqonayso xukuumadda gaadhsiinaysa talada dalka wakhtiga cusub ee la isla ogolaaday iyo damaanad sharci oo adag oo ay iimaansadaan mucaaridku. Source: Wargeyska Saxansaxo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 22, 2008 SOMALILAND, 05/21- Three political parties in Somalia`s breakaway republic of Somaliland have reached a consensus on the dates of local and presidential elections, potentially breaking weeks of political deadlock caused by President Dahir Riyale`s one-year term extension. Representatives from the three political parties - the ruling UDUB party, and the opposition Kulmiye and UCID - held private discussions Tuesday mediated by a four-member committee from the Somaliland Election Commission. The local council elections will be held on December 15, 2008, with Somaliland`s presidential elections scheduled for March 15, 2008, according to a high-ranking opposition official who participated in the talks. But the opposition official indicated that several factors have to first be ironed out with Riyale`s government, including a guarantee that the elections be held on time as approved by the Election Commission. The three parties and the Commission formally agreed to introduce a motion for debate in Somaliland`s two houses of parliament, requesting the removal of a key elections law clause demanding that the local council and presidential elections be held six months apart. The opposition parties are still opposed to Mr. Riyale`s one-year term extension, which was approved in April by the House of Guurti, the upper house of parliament, Mr. Bihi said. But he stated that it is "illogical" to have a "vacant seat" at the presidential seat of power in Hargeisa, the separatist region`s capital city. Somaliland, in northwestern Somalia, has functioned as an independent government since the 1990s as the southern regions were devastated by conflict among armed clans and foreign military interventions. The region has not been recognized internationally to date. web page Quote Share this post Link to post Share on other sites
STOIC Posted May 22, 2008 Despotic rulers like Riyale will always cloak their rule with a show of “democracy” and free and “fair” election rules. I think it is up to the citizens of Somaliland to make sure that their views are known before any rules are enacted by both the government and the opposition parties. With the prior experience of totalitarian system and military dictatorship people of Somaliland must make sure that their politicians preserve the political culture they have worked hard to achieve. Somaliland people need to realize that to achieve their various rights their government will have to give equal consideration to the good and the interest of what is good for Somaliland. Nothing shapes the political landscape of a democratic government more than the electoral system and its political parties. If the electoral system is corrupt and inept we can reasonably certain that democracy will not be achieve. The usual outcome will be authoritarian regime. PS The Somaliland Community in Atlanta didn't arrange the May 18th celebration this year.They used to be so organized back in the days. Quote Share this post Link to post Share on other sites