Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: Uganda to send 250 more troops

Recommended Posts

Ciidamo Horleh Oo Dowladda Uganda Usoo Direyso Somaliya

 

Kampala, Uganda (Calanka.com) 15-Augosto-2007

 

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ey u direyso dalka Somaliya ciidamo horleh oo gaaraya tiro lagu qiyaasay 250-askari kuwaasoo tababaro u fidin doona ciidamada dowladda Somaliyeed.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ey gaari doonaan magaalada muqdisho 30-cisho gudohood, waxeyna qeyb ka ahaan doonaan ciidamada midowga Afrika ee ka jooga Somaliya gaar ahaan kuwa Uganda oo ey ka joogaan iminka Somaliya ilaa 1500 oo askari.

 

Aronda Niakarima oo ah taliyaha ciidamada Uganda mar uu ka hadlayay ciidamadan kusoo fool leh Muqdisho ayaa ku sheegay in ey yihiin oo kaliya kuwo halkaa u tagaya howlo tababar isla markaana eysan shaqo ku leheyn howlo kale.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in tababarkan ey u furayaan ciidamadooda kuwa Somaliyeed uu qaadan doono fakta hore mudo lix bilood ah.

 

Ciidamada midowga Afrika ee ka jooga Somaliya ayaa waqti loogu daray kadib markii uu ka dhamaaday xilligii loogu talo galay oo ahaa 6-bilood, waxaana loogu kor dhiyay iminka lix bilood oo kale.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Ugandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Somaliya

Posted to the MOL August 16, 2007, 11:09 am

 

Dawlada Ugandha ayaa maanta ku dhawaaqday inay ciidamo cusub u soo direyso dalka Somaliya. Saraakiisha ciidamada Ugandha ayaa arintaan ogaysiiyay baarlamaanka wadanakaasi. Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 250 ayaa ah tababarayaal ciidan oo tababari doona ciidanka dawlada KMG ah.

 

Dawlada Ugandha ayaa horey waxay Somaliya ugu soo dirtay ciidamo gaaraya 1500 oo askari kuwaasoo la rabay inay qayb ka ahaadaan 8000 oo askaro oo ururka midnimada Afrika u balanqaaday Somaliya balse illaa hadda dalalkii ciidamdaas balanqaaday aysan keenin wax ciidan ah.

 

Dawlada Ugandha ayaa u muuqata mid ka dhabaynaysa balanqaadkeedii wallow dalalka kale ee Afrika ay arintaas uga gaabsadeen dhaqaale la’aan soo foodsaartay iyo cabsi ay ka qabaan ciidanka ay u soo dirayaan gudaha Somaliya.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this