Sign in to follow this  
General Duke

Update on the sweeps.

Recommended Posts

Wakiilkii shirkada Amal oo la sii daayay

14 Jun 14, 2007 - 5:29:02 PM

 

Waxaa xoriyaddiisa dib u helay madaxii shirkadda xawaaladda ee Amal C/weli Muuse Maxamed oo mudo todobo maalmood ah ku jiray xabsi ay leedahay dowlada Federalka KMG kaasoo ay xafiiskiisa ka soo qabteen ciidamada nabadsugida dowladda Soomaaliya.

 

Cabdi Weli oo mudo todobaad ah ay su’aalo weydiinayen saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugida dowladda KMG isagoo sheegay in markii la qabtay loo gudbiyay xaruntii danbi baarista kadibna lagu xiray halkaasi oo ay ku jireen maxaabiis tira badan.

 

Madaxa shirkadda Amal oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sidii loola dhaqmay iyo sababta loo xiray, isagoo amar lagu siyay inuu fasaxan yahay markii loo baahdana loo yeeri doono.

 

Dhinaca kale waxaa xabsigaasi ku jira weli Maxamed Rooble Jimcaale Gaabaale iyo Xusen Cali Wehliye Cirfo iyo wadadada loo yaqaan Tabliiqa oo laga soo xiray masjidka Al-Huda ee loo yaqaan afarta Minaradood oo ku yaala nawaaxiga degmada Huriwaa kuwas oo DF sheegtay in lagu tuhunsan yahay iney ka danbeeyan falalka qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka jira Muqdisho.

 

Horay waxaa xabsigaasi looga sii daayey Xaaji Cabdi Iimaan Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, Ganacsade Deylaaf iyo xubno kale oo dowladdu u aqoonsan tahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira Muqdisho.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this