Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: PM Nur Cade returns from EU summit meets cabinet members

Recommended Posts

Raysal wasaare Nuur Cade oo Baydhaba ka dagay-Shirar kala duwana Bilaabay.

Last Updated::2007-12-14 19:41:44

 

Baydhaba(HRNet):- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Nuur Xasan Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay iyadoona sidiiran loogu soo dhaweeyey garoonka ayaa lagu ar kaayey

xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Baarlamaanka oo ka qayb qadanya soo dhaaweynta wafdigaan qaran.

 

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo safaro dibadda ah ku soo kala bixiyay dalal ka tirsan Yurub, wuxuuna magaalada Lispon ee dalka Portugal kaga qeyb galay shirweynihii looga hadlayey xiriirka iyo iskaashiga dalalka Yurub iyo Afrika, halkaasi oo sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah uu kula soo qaatay madax ka tirsan caalamka.

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya in ra’isul wasaaruhu uu kulankii ugu horeeyay la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Sh Madoobe oo uu war bixin ka siiyay kulamadii uu madax ka tirsan beesha caalamka kula soo yeeshay magaalooyinka Addis Ababa iyo Lisbon.

 

Intaa Kaddib ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa kulan kale uu la qaatay ku xigeenadiisa oo kala ah Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo,waxaana uu sidoo kale war bixin ka siiyay safaradiisii dibadeed sidoo kale madaxdaan ayaa raysalwasaare nuur cade uga war baxshay arimhii ugu dambeeyey ee dalka madama uu banaanka ku maqnaaa.

 

Waa socdaalkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde uu ku tago qeybo ka tirsan dalalka aduunka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo kala gooni gooni ah la qaatay guddoomiyaha barlamanka iyo ra’isul wasaare ku xigeenada.

 

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyada Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo maanta uun dib ugu soo laabtay xarunta dowladda ee baydhabo ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay..

 

guddoomiyaha baarlamanka Sh Aadan maxamed Nuur Madoobe iyo labada ra’isul wasaare ku xigeen Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo AVV Ceydiid C/llaahi Ilka xanaf.

 

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya in ra’isul wasaaruhu uu kulankii ugu horeeyay la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Sh Madoobe oo uu war bixin ka siiyay kulamadii uu madax ka tirsan beesha caalamka kula soo yeeshay magaalooyinka Addis Ababa iyo Lisbon.

 

Intaa Kaddib ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa kulan kale uu la qaatay ku xigeenadiisa oo kala ah Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo AVV Ceydiid C/llahi Ilka xanaf,waxaana uu sidoo kale war bixin ka siiyay safaradiisii dibadeed.

 

Ra’isul wasaaraha ayaa tan iyo intii uu dalka dib ugusoo laabtay aan la hadlin saxaafada waxaase la filayaa in sacadaha inasoo aadan uu war baahinta la hadlo.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka camrooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raisal Wasaaraha Somaliya Nuur cadde oo soo gaaray baydhabo kadib safar uu ku tagay qaaradda Yurub.

 

Raisal wasaaraha oo booqashadii ugu horaysay ku tagay wadamo ka tirsan qaarada Yurub ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada baydhabo kadib safar uu kaga soo kicitimay magaalada Nairobi isagoo siwayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo.

 

 

Waftiga raisal wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tirsan labada gole ee dawlada golaha wasiirada iyo golaha wakiilada ee barlamanka iyadoo loo galbiyay hoygiisa si uu ugu nasto.

 

Wasiirka koobaad ayaa intii uu safarka ku maqnaa wuxuu soo maray wadamo ka tirsan qaarada yurub isagoo ka qayb galay shirwayne looga hadlayay xaaladda wadanka somaliya ee oo ka dhacay magaalada Lispon markii uu shirkaasi soo dhamaaday ayuu sidoo kale raisal wasaaruhu booqday Magaalada London isagoo kula kulmay Madaxwaynaha somaliya oo xaalad caafimaad u tagay London.

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaare Nuur Cadde oo maanta lagu wado inuu xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyo safaradii uu ku soo maray dalal dowr ah

 

Muqdisho Sabti , December 15 2007 SMC

 

Waxaa maanta lagu wadaa in Ra’iisul weasaare Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] uu Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyo safardii uu dhawaan ku tagay dalal dhowr ah.

 

Nuur Cadde oo isagu tagay dalalka Kenya, Itoobiya, Bortaqiiska iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa inuu u soo bandhigo Baarlamaanka waxyaabihii uu kala soo kulmay dalalkaas iyo shirkii weynaa ee ay yeesheen Midowga Yurub iyo dalalka Afrika.

 

R/wasaaraha ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo shalay gelinkii dambe, wuxuuna islamarkiiba kulan gaar ah uu la yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur [sh. Aadan Madoobe].

 

Dhinaca kale kulanka lagu wado inuu R/wasaaraha la yeesho manta Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaarado xooggan lagala hor yimid xukuumada cusub ee uu dhawaan soo magacaaay, islamarkaasna ay xubno ka tirsan xukumadiisa cusub iska casishay xilalka uu u magacaabay.

 

Nuur Cadde ayaan la ogeyn inay xukuumadiisu kalsooni ka heleso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo in kale, inkastoo aarlamaanka tiro ka mid ah ay mucaaradsan yihiin qaabka uu R/wasaaraha uu wax u soo dhisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this