Sign in to follow this  
Fiqikhayre

We need to be sufficient for ourselves now because it seems there's a delay!

Recommended Posts

The government is doing the right thing by conscripting more reliable soldiers and move them to Mogadishu but I'm hopeful inshallah for the future as the troops are already advancing in their hundreds on Mogadishu!

 

What we need is reconciliation and the declaration of the President today that he will call all somali parties to a peace conference inside Somalia can be hailed as a major stepping point inshallah!

 

We hope for the best possible outcome inshallah and the reemergence of our country! Amiin.

 

Dagaal Ka Dhex Qarxay Ciidamadii Laga Ururiyey SSC Iyo Malayshiyo Ka Soo Jeeda Deegaanka Jawhar!

 

 

Jan 30, 2007 By:

 

Jawhar(jidbaale.com):-Wararka ka imaanaya magaalada Jawhar ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo malayshiyooyin ah iyo ciidamo ka tirsan ciidamada dawaladda Soomaaliya uu iska hor imaad ku dhex maray duleedka magaalada Jawhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

 

 

Iska hor imaadkani ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawac meen ku dhowaad 5 ruux oo badankooda ka tirsan malayshiyooyinkii weerarka soo qaaday.

 

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dawladda hor kacaysa ciidamada dawladda ayaa waxa ay malayshiyooyinkii soo weeraray ka qabsadeen gaari tikniko ah.

 

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Jawhar ayaa waxa ay sheegeen in magaalada la soo gaar siiyay dhaawaca qaar ka mid ah malayshiyooyinkii weerarkaasi gaystay.

 

Xaaladda goobihii dagaalku ka dhacay ayaa haatan dagan iyada oo ciidamadii dawladuna ay sii wateen safarkoodii ay ugu sii jeedeen magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadani oo laga soo kala uruuriyay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland recruitment going well!

 

Sool Sanaag Cayn Oo Ciidamo Xoogan Laga Qoray Laguna Wado Muqdisho

 

 

{Laascaanood}29.01-07

Holwo ciidamo loogu aruurinayo Dowlada Federaalka somalia ayaa Dowlada Goboleedka Puntland waxa ay si xoogan uga wadaa Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn iyo qeybo kale oo hoos yimaada Xukuumada Garoowe.

 

Ciidaman ayaa xoogooda laga ururiyay Gobolada sool Sanaag Iyo Cayn taas oo lagu sababeeyay deegaanadan oo ay haatan shaqo la'aani ka jirto iyo dhalin yaro xoogan oo wax camala aaney hayn.

 

Maamulka Puntland ayaa wuxuu xooga si gaar ah u saarayaa ciidamadii hore ee Dowladii Dhexe ee Somalia , haatana kamid noqonaya Dowlada somalia.

 

Ciidamada laga keenayo gobolada hoos yimaada Puntland ayaa la sheegay in la isugu keenayo xerada ciidamada Abqaale ee Gobalka Mudug, iyadoo halkaasi ay joogaan ciidamo lasoo diiwaan galiyay dhawaan.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in boqolaal ciidamo ah ay is soo diiwaan galiyeen isla markaana ay dhawaan u furi doonaan tababaro si ay ugu biiraan ciidamada Dowlada somalia.

 

Dhawaan ayuu Raysal wasaaraha Dowlada somalia Cali Max'ed Geedi uu sheegay in cidii dooneysa inay kamid noqoto ciidamada Dowlada ay iska diiwaan galiso goob kasta oo ay Ciidamada Dowlada joogaan.

 

Jordan::Widhwidh Online News Desk..media center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal laguqaday Ciidamdii Kategay Gobolada SSC Iyo Kuwa Puntland Oo Wada Socda

 

(Jawhar}30.01-07

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal dhex maray ciidamadii laga soo ururiyay Gobolada Sool Sanaag Cayn iyo qaar kamid ah gobolada kale ee puntland iyo kooxo maleeshiyo ah agagaarka magaalada Jowhar..................

 

Hal ruux ayaa geeriyooday 3 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, ka dib markii iska horimaad uu magaalada Jowhar duleedkeeda ku dhex maray ciidamo laga soo ururiyay gobolada sool sanaag cayn oo ay la socdaan ciidanka Puntland iyo kooxo maleeshiyo ah oo isbaaro u tiilay halkaasi.

 

Qofka geeriyooday ayaa waxa uu ahaa maleeshiyadii isbaarada u tiilay halka 3da dhaawacantayna ay ahaayeen ciidamdii Puntland ee halkaasi mareyay, sida uu warbaahinta u sheegay Goobjooge halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday magaciisa.

 

Ciidamada laga keenay gobolada Sool Sanag Cayn iyo kuwa Reer Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo gudbeen dhanka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka yimid dhinaca Gobolada Puntland maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ujeedkoodana uu yahay sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada dowladda Somalia.

 

Ciidamadan Puntland ayaa waxaa la tilmaamayaa in fadhiisin ka dhigan doonaan xeryaha qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Jordan::Widhwidh online News Desk..media center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this