General Duke Posted May 12, 2007 Francois Fall oo Puntland ku ammaanay nabadgelyo iyo horumar Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia Mr. Francois Lonesy Fall ayaa dawlad goboleedka Puntland ku ammaanay xasilooni iyo horumar, waxana uu u soo jeediyey maamulayaasha Puntland in ay xoojiyaan arrimaha nabadgelyada iyo dhinacyada horumarka. Francois Fall ayaa hadalkan jeediyey kahor inta aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Konoko ee duleedka magaalada Garoowe, kadib markii uu madaxtooyada magaalada Garoowe habeenkii xalay kulamo gaar ah kula yeeshay madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud. Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay arrimaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn waxana uu maamulka Puntland ku tilmaamay wada hadalladaas kuwo la isku af gartay. Mr Fall ayaa sheegay in Puntland iyo Qaramada Midoobey ay iska kaashan doonaan xasilinta koonfurta Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu xafiis hoosaad ka furan doono magaalada Garoowe ee caasimadda ah. Mr Fall ayaa maanta u dhoofay magaalada Hargeysa waxana garoonka Konoko ee Garoowe ku sii sagootiyey madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud. Cabdinaasir Yaasiin SBC Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites