Sign in to follow this  
Xoogsade

2 Uuraal oo maanta ciidamada gumeysiga looga gubay xaafada Xararyaale ee M/Muqdisho

Recommended Posts

Xoogsade   

2 Uurraal oo maanta ciidamada gumeysiga looga gubay xaafada Xararyaale ee M/Muqdisho.

Beerdhiga 23.11.2007 21:31

 

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa waxaa maanta barqanimadii 2 gaari oo Uuralo ah waxaa looga gubaya barxada weyn ee xaafada Xararyaaale oo ka tirsan degmada Wardhiilay oo miino loo dhigay halkaa oo uu mararay midkood oo ay qumaati u haleeshay miindii loo dhigay

 

Uuraalka labaad aya waxa uu soo doonay bur burka uuraalkii ay miinadu haleeyashay waxaana isna sidoo kale ay haleeshay miino noceedu yahay mid meelaha fog laga hago taasi oo anaan waxba ka reebin.

 

Ilo ku dhow dhow Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in uuraalka hore iyo kan dambaba ay dhamnaatood miinadu si fiican u wada haleeshay ayna bas beeleen.

 

Isla ilahaas ayaan intaa ku daray in labada uuraal ciidamadii saaraa uusan mid ka baxsan waxaana tirada ciidamada saaraa 2 uuraal lagu qiyaasay 30 ilaa 50 askari.

 

Dhanka kale warar deegaanka ay Beerdhiga ka heshay ayaa xaqiiyay in la arkayay maskax iyo timo daadsan laamiga oo ahayd halka ay uuraaladu kula kacday Miinada , waxaaana gobtii ay ku gubteen 2 uuraal yimid ciidamada gumeysiga oo ka sida la sheegay ka yimid dhanka madaxtooyada Villa Soomaaliya .

 

Gubashad 2 uuraal ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii socdaan wali weerarada iyo qaraxyada ay Xoogaga Muqaawamada ku wadaan ciidamada gumeysiga, taasi oo marba saan saan cusub ay u badalaan Xoogaga Muqaawamadu tabayaasha ay isticmaalaan.

 

 

www.Beerdhiga.com

 

 

Where is Xararyaale? Thought this place was baadiyaha Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Fatxun millahi wa nasrun qareeb, wa bashir'il Mu'mineen.

 

Isla ilahaas ayaan intaa ku daray in labada uuraal ciidamadii saaraa uusan mid ka baxsan waxaana tirada ciidamada saaraa 2 uuraal lagu qiyaasay
30 ilaa 50 askari

Duke, Caamir, and the rest of the dhabo-dhilifs on these boards,

 

I exhort you to start sending condolence letters to the Ethiopian ambassador in your respective country of residence. Tell him how sadly you feel and how deeply you appreciate the service of those 50 brave Ethiopian soldiers who died in the defense of Aabo Zenawi and Maamo Cabdullahi. Better yet, wear black for mourning. Randomly walk up to Ethiopians in the streets and hug them tightly "Sank yoo, brazzar, Sank yoo foor yoor hilib and saboort"

 

Integrity demands it, adeeryaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Gaari Ural ah oo Ethiopia ay leedahay oo xalay lagu qarxiyey Shabellaha Hoose

 

 

Wanla weyn 24, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya degmada Wallawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi qarax xoogan lagula eegtay gaari Ural ah oo ay saarnayeen Ciidamo Ethiopian aad u fara badan.

 

Sida ay ku waramayaan dadka degmada Wanla weyn qaraxani ayaa ahaa mid xoogan iyadoo lagu bartilmaameedsadey ciidamadan Ethiopianka ahaa oo la sheegey in ay ku sii jeedeen magaalada Baydhabo, kuwaasoo ka soo tagey Muqdisho.

 

Dadka degmada Wanla weyn ayaa shaaca ka qaadey in waxa gaariga qarxiyey loo maleynayo miino dhulka lagu aasey, iyadoo burbur uu soo gaarey gaarigii la qarxiyey, waxaanse la ogeyn qasaaraha ciidamadii saarnaa gaariga inta uu gaarsiisan yahay.

 

Ciidamada Ethiopianka ah ee qaraxaasi lagu beegsaday ayaa la sheegaya in xalay ay fariisimo ka dhigteen deegaankaasi, iyadoo aan kala caddeyn bal in ay sameyn doonaan baaritaano iyo in ay sii wadan doonaan safarkoodii Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Iska hor-imaadyo xaley ka dhacey fariisimo ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Muqdisho

 

 

Mogadishu 24, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-Kooxo hubeysan ayaa waxa ay xaley weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhex marey iska hor imaad muddo socday.

 

Ku dhawaad 10 hoobiye, ayey kooxdan hubeysan ee kacdoonka ka wadda Muqdisho, waxa ay xaley ku qaaden fariisimada ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Warshadii Baastada iyo dhismaha xeyle Bariise ee Muqdisho, iyadoo weeraradaasi ka dibna ay dhaceen iska hor imaad qaraar oo aan la xaqiijin qasaraha dhabta ah ee uu ka dhashey.

 

Fiidkii xaley ayaa waxa deegaanada ku dhow dhow meelihii ay wax ka dhacayeen laga maqlayey dhawaqa madaafiic la is weydaarsanayey iyo rasaas xoogan, iyadoo dadka kale ee ku dhaqan degmooyinka Banaadir ay daawanayeen holaca ay bixinayeen rasaastii xooganeyd ee la isku ridayey.

 

Madaafiic habow ah ayaa waxa ay ku kala dhaceen xaafado ku yaala degmaayinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir, iyadoo aan la xaqiijin wali wax qasaare ah oo ay geysteen.

 

Dadka deegaanka ayaa saaka sii laba jibaarey barakacii hore uga jirey deegaanadaasi, iyadoo dhalinta ay goor dambe oo habeenkii aheyd ka baxeen xaafadihii lagu dagaalamey, iyagoo ka cabsi qaba in ay saameeyn ku yeelato baaritaano ay ka baqayeen in ay ciidamada Ethiopianku ka sameeyaan xaafadahaasi.

 

Saaka ayey wararka ka heleyso Shabakadda warbaahinta Shabelle deegaanadaasi waxa ay sheegayaan in ay xaaladdu dagan tahay oo ciidamadii xaley la weerarey aaney billaabin wax baaritaano ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this