Jacaylbaro Posted February 20, 2008 Waxaa magaalada Dhoobley ee ku taal xadka Kenya ay koox hubaysani ku dileen dad shacab ah oo waqtigaasi fadhiyay goob biibiito ah ama maqaaxi ayna ku dhagaysanayeen rikoodh ayna dad badani si wayn ugu xoon sanaayeen. Kooxdan falkan sida aad ka ah looga naxo ku dhaqaaqday ayaa waxa ay dadkii halkaa taagnaa ku amreen inay damiyaan rikoodhka u baxayay iyadoo dadkii halkaa isugu yimi ay ka dhago adaygeen inay damiyaan rikoodhka una hoogaan samaan awaamiirta kasoo baxaysa kooxdan hubaysan. Kadib diidmadii ay diideen dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa maqaaxidaasi inay damiyaan rikoodhka u baxayay ayaa waxa ay sababtay inay kooxdii hubaysnayd ay rasaas ooda kaga qaadaan dadkii halkaa ku sugnaa iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen saddex qof halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Hadaba dadkii xalay ku dhintay magaalada Dhoobley ayaa waxaa lagu aasay qubuuraha magaaladaasi iyadoo dhimashada dadkaasi ay dhalisay xiisad colaadeed oo ku aadan dadkaa sida khalad ka ah loogu laayay magaalada ayna kulaayeen koox hubaysan. Hadaba ilaa hadda waxaan cidna loo qaban falkkan lagu laayay dadka shacabka ah iyadoo aysan jirin cid kadba tagtay kooxaha falkan gaysatay oo isaga baxay magaalada kadib markii ay dileen dadka shacabka ah lamana oga ilaa hadda meesha ay u baxeen iyadoo uusana ciidanka Police-ka ee magaaladaasi ka daba tagin kooxahaasi. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites