Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maxay Geysteen ?? ?????????????

Recommended Posts

Waxaa magaalada Dhoobley ee ku taal xadka Kenya ay koox hubaysani ku dileen dad shacab ah oo waqtigaasi fadhiyay goob biibiito ah ama maqaaxi ayna ku dhagaysanayeen rikoodh ayna dad badani si wayn ugu xoon sanaayeen.

 

 

Kooxdan falkan sida aad ka ah looga naxo ku dhaqaaqday ayaa waxa ay dadkii halkaa taagnaa ku amreen inay damiyaan rikoodhka u baxayay iyadoo dadkii halkaa isugu yimi ay ka dhago adaygeen inay damiyaan rikoodhka una hoogaan samaan awaamiirta kasoo baxaysa kooxdan hubaysan.

 

Kadib diidmadii ay diideen dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa maqaaxidaasi inay damiyaan rikoodhka u baxayay ayaa waxa ay sababtay inay kooxdii hubaysnayd ay rasaas ooda kaga qaadaan dadkii halkaa ku sugnaa iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen saddex qof halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Hadaba dadkii xalay ku dhintay magaalada Dhoobley ayaa waxaa lagu aasay qubuuraha magaaladaasi iyadoo dhimashada dadkaasi ay dhalisay xiisad colaadeed oo ku aadan dadkaa sida khalad ka ah loogu laayay magaalada ayna kulaayeen koox hubaysan.

 

Hadaba ilaa hadda waxaan cidna loo qaban falkkan lagu laayay dadka shacabka ah iyadoo aysan jirin cid kadba tagtay kooxaha falkan gaysatay oo isaga baxay magaalada kadib markii ay dileen dadka shacabka ah lamana oga ilaa hadda meesha ay u baxeen iyadoo uusana ciidanka Police-ka ee magaaladaasi ka daba tagin kooxahaasi.

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this