Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar BOOMS: National radio+ Offices+Airport

Recommended Posts

Les than a week and a Somali town in Middle of no where is booming. Why because the government is there and no roadblock in sight.

 

 

Jowhar: Idaacad dalka oo dhan laga Maqlo oo dawladdu Hirgalin doonto iyo Xafiisyada DFKGS ee Jowhar oo Bari hawlbilaabaya.

- Monday, June 20, 2005 at 18:11

 

Jowhar(AllPuntland)-Wasiir kuxigeenka warfaafinta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo haatan kusugan magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in Xafiisyada DFKGS ee magaalada Jowhar ay maalinta Bari ah ee Talaadada ah ay hawl bilaabi doonaan.

 

Wasiir kuxigeenka ayaa intaasi raaciyay in shaqo bilaabidda xafiisyadan ay la xiriirto in si dhaqso ah ay dawladdu u noqoto dawlad shaqaynaysa oo wax qabad leh.

 

Wuxuu Xusay Wasiirka in maamulka Siyaasadda gobolka Shabeellada Dhexe uu kamadax bannaanyahay xafiisyada dawladda Federaalka ah ee Jowhar.

 

Mar uu wasiir kuxigeenka Warfaafintu uu ka hadlayay saxaafadda wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya laga hirgalin doono Idaacad dalka oo dhan laga dhagaysto.

 

Idaacaddan ayuu sheegay inay ku deeqayaan goor dhow dalalka Liibiya iyo Faransiiska oo sheegay inay dawladda Federaalka ah is garab taagayaan.

 

Mar uu ka hadlayay Idaacadaha Tirada badan ee dalka Soomaaliya ka shaqeeya ayuu sheegay in Dawladdu ay qorshe u dajin doonto oo ay xadidi doonto idacadahaasi.

 

Wuxuu xusay in Wargayskii dalka uu horay usoo baxay haatanna uu ka hawlgalo Nairobi hase ahaatee dalka Soomaaliya loo soo wareejin doono.

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu bilaabay Dayactir deg deg ah, si Howlaha Dowlada Federaalka ah ay ugu fududaato.

 

Garoonka Diyaaraha ee Jowhar oo Madaxwayne C/llahi yuusuf ay u suura Gali wayday in uu ku soo dago, ka gadaal markii wax laga arki kari waayay Meeshii ay diyaaradu ku soo dagi lahayd ayuu Maamulka Degmada Jowhar Bilaabay in uu wax ka qabto Garoonka.

 

Garoonka ayaa waxaaa la sheegay in lagu darayo sideed Boqol oo mitir halka uu Markiisii hore ka ahaa Laba kun iyo Laba Boqol oo Mitir, waxaa la sheegay oo kale in lagu xiri doono Nalal aad u waawayn, siduu u shaqeeyo Habeen iyo Maalinba.

 

Dhinaca kale Magaalada Jowhar ayaa amaankeedu aad u adagyahay, waxaa dhamaan la adkeeyay Amniga Xubnaha labada Gole iyo Goobaha laga soo galo Magaalada.

 

Maamulka Shabeelada dhexe ayaa lagu tilmaami karaa mid isagu ku dadaalay Nabad in shacabku uu ku noolaado, iyo Sharci iyo kala danbayn taas oo la oran karo waa waxa ay Soomaaliya Maanta u bukto.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof.Geedi oo booqday Meelihii ay Dowladiisu Degi lahayd,iyo Xildhibaano ku soo fool leh M.Jowhar

Posted to the Web Jun 20, 15:59

 

 

Muqdisho:-R/Wasaare Geeddi ayaa maanta booqday goobo la sheegay in ay Dowladdu degeyso oo ku yaala Magaalada Jowhar.iyo wafti ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo ku soo fool leh maanta Jowhar.

 

wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka sh/dhexe ayaa sheegaya in R/wasaaraha Dowladda FKMG-ka Soomaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi uu maanta kormeer ku tagay goobo cayiman oo la sheegay in loogu talagalay inay degto Dowladda .

 

Raysal wasaaraha iyo xubnaha labada gole ee uu hogaaminayey ayaa mudada labada maalmood ah ee ay joogaan magaalada Jowhar waxa ay kormeer ku tagayeen gobo muhiim ah sida saldhigyada Booliiska iyo xarumihii ay horey u degeneyd Xukuumaddii Maxamed hore ee Siyaad Siyaad Barre.

 

Sido kale R/wasaaraha ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Xubnaha labada gole ee Jowhar ku sugan isagoo uga warbixiyey qorshaha la doonayo in ay dowladdu ku shaqeyso,oo ka kooban seddex qodob oo ay ugu horeyso soo celinta nabadda.sida uu saxaafadda usheegay Afhayeenka R/wasaaraha C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo sidoo kale xaqiijiyey in maalmaha soo socda uu magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho uu kusoo fool leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,oo haatan ku sugan wadanka Yeman,iyadoo haatanba ay qabanqaabada soo dhaweyntiisa ka socoto magaalooyinkaas.

 

Dhinaca kale waxaa la filayaa in maanta galinka dambe ay magaalada Jowhar soo gaaraan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo isugu jira Wasiiro iyo Xaildhibaano, iyagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi, ee dalkaasi Kenya.

 

Waxaa sidoo kale isla maanta magaalada Jowhar ka ambabaxay wafti uu hogaaminayo Wasiirka kaluumeysiga ee DFKS Mudane,Xasan Abshir Faarax oo u kicitimay dhinaca maamul gobaleedka Puntland.

 

Dhinaca kale war ka soo baxay xafiiska R/wasaare Geedi ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay Soomaaliya u balan qaaday in ay ka caawiso dhinaca qalabyada xafiisyada loo isticmaalo iyo matooro la geynayo ilaa 90- Magaalo oo Soomalia ka tirsan.Heshiiskaasi ayuu prof.Cali Maxamed Geedi la soo saxiixday Dowlada Talyaaniga safarkiisii ugu danbeeyey ee uu ku soo maray Dalka Talyaaniga.

 

Waa Markii ugu horaysay uu Raysal wasaaare Soomaaliyeed uu qalinka ku soo deego arrimo muhiim u ah dalka iyo dadkaba,mudadii wadanka Soomaaliyeed uu bur burka ku jiray mudo ku dhowaada ilaa 15 sano.

 

C/risaaq Cabdullahi Moxamed (indhojaceel)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Good news. This is one of the reasons I was such a staunch supporter of Baydhabo to become the interim capital as planned. There is no other city than Bay Dhabo that suffered so tremendously, they deserve the honor and progress that naturally comes along with hosting the government. Of course Jowhar deserves this too, but it saddens any Somali to see how one greedy man (Xaabsade) prevented all of this to happen for the Baidoians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar oo Dhaqdhaqaaq Ganacsi oo Xoogani uu Ka Bilaamay

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

Liiibaan Cabdi Cali, Muqdishu

 

 

1423.jpg&w=210&h=139

Safarkii C/hi Yusuf iyo Geedi ee Jowhar

 

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa aad uxoogaysatay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada dhexe tan iyo markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ay soo dageen magaalada .

 

Jowhar oo ka kooban afar xafadood,ayaa hadda waxa ay noqotay mid si aad ah ay dadku u buux dhaafiyeen,iyadoo gaadiidka yar yar iyo kan waa wayna ay ku sii qul qulayaan,si ay ugu shaqeeyaan dowladda oo la sheegayo in culayskeeda halkaasi la gayn doono.

 

 

Waxaa si aad ah magaalada Jowhar sara ugu kacay agabka guryaha,oo dadka magaalada ku soo biirayi aad u gadanayaan,iyadoo afarta hotel ee magaalada ugu caan san hadda ay buux dhaafeen .

 

 

 

Waxaa jira dad hantiilayaal ah oo iyaguna bilaabay dhismayaal cusub oo ay sheegeen in ay hoteello ka dhigayaan,si mas’uuliyiinta dowladda ka sokow ay u dagaan dadka kale ee imanaya magaalada ee shisheeyaha iyo soomaalidaba isugu jira.

 

 

 

Dhinaca kale maamulka degmada Jowhar ee uu madaxda ka yahay haggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa aad loo adkeeyay ammaankeeda,iyadoo dhammaan waddooyinka soo gala la dhigay ciidammo aad u baaraya waxyaabaha soo galaya iyo waxa baxaya intaba.

 

 

 

Magaalada Jowhar oo dhacda goob aad u istiraatiiji ah ayaa la filayaa in joogitaanka mas’uuliyiinta dowladdu uu sara u sii qaado dhaqdhaqaaqeeda ganacsi uuna gacan ka gaysto sii ballaarashada magaalada oo muhimmada gaar ah yeelanaysa haddii aan xubnaha dowladda loola qaybin magaalada Baydhabo oo horay loogu guul darraystay in la geeyo magaalada Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this