Liqaye Posted January 10, 2009 Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo mar sii horeysay uu Madaxweynihii is casilay C/llaahi Yuusuf u magacaabay Ra'iisul Wasaare, ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee banaan. Gacma Dheere oo ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay halkaas ka sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, isagoona muujiyay sida uu doonayo xilkaas. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si weyn u rajeynayo inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada, isla markaana shacabka uu doonayo inuu dhibaatada ragaadiyay ka samata bixiyo, isagoo adeegsanaya waaya aragnimo iyo karti dheeraad ah. Mr Gacma Dheere ayaa sheegay in dhowaan uu safaro ku kala bixinayo dalalka deriska ah sida Ethiopia iyo Kenya, si uu taageero ugu helo ololahiisa doorashada xilka Madaxweynaha ee uu baneeyay C/llaahi Yuusuf. Dhowaan ayay aheyd markii uu iska casilay xilka Ra'iisul Wasaarenimada ee uu C/llaahi Yuusuf u magacaabay, kadib kolkii uu si sharci daro ah looga qaaday Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde Gacma Dheere ayaa ka mid noqonaya Xildhibaano caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedd iyo Maxamed Qanyare, oo dhowaantan shaaciyay inay u taagan yihiin musharaxnimada xilka Madaxweynenimada. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites