Jacaylbaro Posted July 4, 2010 Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa jimcihii toddobaadkan markii u horaysay ka hadlay doorashadii Somaliland iyo weliba madaxweynaha loo doortay hoggaaminta qaranka. Madaxweyne Geele, waxa uu warqad hambalyo u soo diray madaxweynaha dhowaan la doortay ee jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. “Waxa aad hadda heshay dhammaan sharciyaddii lagama maarmaanka u ahayd in aad qeexdo isla markaana fuliso dhammaan qorshayaasha aad u arkayso in ay anfac u leeyihiin horumarka iyo dhismaha shacabkiina” ayuu madaxweyne Geelle ku yidhi dhambaalkiisa hambalyada ah, oo lagu baahiyay barta Internetka ee Wakaaladda wararka Djibouti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida uu ku sheegay qoraalkiisan oo ku qornaa luuqadda Faransiiska waxa uu si farxad leh u soo dhoweeyey hufnaanta iyo xasiloonida ay ku qabsoomeen doorashooyinka madaxtooyada ee Somaliland ka dhacay 26-kii June. “Hufnaantaas iyo deggenaanshiyaha ay ku dhacday doorashada madaxtooyada ee Somaliland waxa ay caddaysay sida ay dimuqraadiyaddu ugu xididdaysatay iyada oo isla markaana kor u qaadaysa sharafta sawirka dhammaan gobolka Geeska Afrika oo inta badan lagu xidhiidhiyo rabshado iyo qas siyaasadeed” ayuu madaxweyne Geelle ku yidhi qoraalkiisaa hambalyada ah ee uu u soo diray madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Ugu dambayntiina waxa uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u rajeeyey Madaxweynaha la doortay ee Siilaanyo, nasiib wanaag iyo guul dhamaystiran oo uu ka soo hooyo ilaalinta xasiloonida iyo kala dambaynta Somaliland. Labada ummadood ee Somaliland iyo Djibouti, waxa ka dhexeeya xidhiidh sokeeye oo qoto dheer, waxaana maalmihii u dambeeyay dalka Djibouti laga dareemayay inay si xiiso leh ula socdeen dhaqdhaaqyadii siyaasadeed ee doorashada Somaliland ka hor iyo ka dib. Madaxweynaha la doortay ayaa hore u balan qaaday inuu xoojin doono xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 4, 2010 Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa jimcihii toddobaadkan markii u horaysay ka hadlay doorashadii Somaliland iyo weliba madaxweynaha loo doortay hoggaaminta qaranka. Waxaa ka horreeyay Shariifka TFGda oo ka hadley doorashada Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 4, 2010 ^^ oo sh dalxiis ma dawlad ba , ka la ma tirsado sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites