General Duke Posted March 31, 2007 Ra'iisul Wasaare Geedi::: Dagaalka Muqdisho waxaa wada Fidno wadayaal aan ku hadli karin magac qabiil Last Updated::2007-03-30 14:32:27 Riyad:- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho xili uu ku sugan yahay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu yahay mid ay xanuunkiisa dareemi karaan, maadaama ay dad badan oo shacab ah khasaaro kasoo gaareen. Balse wuxuu sheegay in dhibaatadan iyo burburkan ay horseed u yihiin kooxo kasoo horjeeda nidaamka iyo dowladnimada. Ra'iisul Wasaaraha oo la hadlayey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Dowlada ay marar badan isku dayday in ay nabada wax walba ka hormariso balse weli ay kooxo daneystayaal ah ay ku wadaan dagaalo hubeysan. Geedi oo ka jawaabay su'aal ahayd in kooxaha kasoo horjeeda ay yihiin Qabiilka ******, ayaa sheegay in kooxahaasi aysan ku hadli karin magaca beesha ******. Wuxuuna Prof.Geedi sheegay inuu asagu yahay xubinta ugu sareysa ee Beesha ****** uga jirta dowlada Soomaaliya, isla markaana looga baahan yahay cidii wax tirsaneysa in ay soo bandhigto. Geedi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho 90% xaafadaheeda ay yihiin kuwo xasiloon balse ay jiraan qeybo kamid ah Muqdisho oo ay weli fowdo ka socoto. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites