Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi , I represent the clan.. audio interview..

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaare Geedi::: Dagaalka Muqdisho waxaa wada Fidno wadayaal aan ku hadli karin magac qabiil

 

Last Updated::2007-03-30 14:32:27

 

Riyad:- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho xili uu ku sugan yahay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu yahay mid ay xanuunkiisa dareemi karaan, maadaama ay dad badan oo shacab ah khasaaro kasoo gaareen.

 

Balse wuxuu sheegay in dhibaatadan iyo burburkan ay horseed u yihiin kooxo kasoo horjeeda nidaamka iyo dowladnimada.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo la hadlayey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Dowlada ay marar badan isku dayday in ay nabada wax walba ka hormariso balse weli ay kooxo daneystayaal ah ay ku wadaan dagaalo hubeysan.

 

Geedi oo ka jawaabay su'aal ahayd in kooxaha kasoo horjeeda ay yihiin Qabiilka ******, ayaa sheegay in kooxahaasi aysan ku hadli karin magaca beesha ******.

 

Wuxuuna Prof.Geedi sheegay inuu asagu yahay xubinta ugu sareysa ee Beesha ****** uga jirta dowlada Soomaaliya, isla markaana looga baahan yahay cidii wax tirsaneysa in ay soo bandhigto.

 

Geedi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho 90% xaafadaheeda ay yihiin kuwo xasiloon balse ay jiraan qeybo kamid ah Muqdisho oo ay weli fowdo ka socoto.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this