Sign in to follow this  
Zoobe

Newly trained Somali troops begin military operations in Baydhabo

Recommended Posts

Zoobe   

Ciidamo tiro Badan oo Lagu So Tababaray Itoobiya oo ka Howlgalaya Baydhabo

 

 

Mudane yaasha Baarlamanka Soomaliya Ee ku sugan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta gobolka bay ayaa Maanta kulan ay ku Yeesheen Magaalada baydhabo aya Waxaa ay uga Hadleen Xaaladihii ugu Dambeeyay Ee Dhinaca amaanka magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Gobolka Baay .

 

Mudane yaasha baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya aya Waxaa ayu tilmaameyn in Xaalada Amaan Ee Ka jira Guud ahaan gobolka Baay Gaar ahaan Magalada Baydhabo loo aaneynkaro tirade Ciidamada Amaanka oo ka yar intii loogaga Baahnaa in ay howlgalaan .

 

Xubnaha Baarlanka ayaa Dooddheer iyo Falanqeykadib ay Arintan ka Yeesheen Waxaa ay isku Raaceen in 1500 oo Askeri oo Bolice ah oo Tawabar ugu So Dhamaaday Itoobiya ay ka howlgalaan Magaalada baydhabo iyo gobolka Baay si Amaanka ay u Xakameeyaan .

 

Gudoomiye kuxigeen ka Koobaad Ee Golaha Baarlamanka Bro. Max’ed Cumar Dalxa oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Sheegay in uu Aaminsanyahay tiradani Ciidanka Boliceka oo Tiro intaasi Gaareysa ay Wax ka Qaban karaan Xaladaha Amnidaro Ee ka jira Magaalada Baydhabo .

 

Go aankan ka soo Baxay mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Waxa uu yimid ka gadaal Markii Shalay oo police ah uu Tawabar ugu So Dhamaaday gudaha Dalka itoobiya ay Soo Gaareen gudaha Magaalada baydhabo ee Fariisinka KMG u ah Baarlamanka Soomaaliya .

 

Saakay goor Barqadi ah ayaa Magaalada baydhabo Waxaa lagu arkay Ciidamadani oo Iyagu Raxan raxan u Socda gudaha Iyo Daafaha Magaalada Baydhabo oo Markaasi Si Caadi ah u Dhaxmarayay .

 

Hadii Ciidamadani ay Sidaan u Sii Joogaan Magaalada Baydhabo in amaanka Magaalada oo Mudooyinkii Dambe aan la isku Haleynarin uu noqonayo Mid ka Sii Hagaaga sidii uu Horay u ahaa.

 

C/fitaax Amiin Max’ed

SBCInternational- Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan DF oo lala dar-daarmay

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheikh Aadan Madoobe iyo wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka DF Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa duleedka magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kula hadleen Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan dowladda oo lagu soo tababaray wadanka Itoobiya.

 

Labada Mas'uul ayaa si isku mid ah ugu baaqay Ciidamadaasi inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee gobolka Bay islamarkaana ay iska difaacaan xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalada ka wada deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay qaarkood gacanta u galay Kooxda Al shabaab.

 

Sidoo kale afhayeenka Baarlamaanka Somalia ayaa Ciidamada ku dhiiragaliyay in laga shaqaynayo sidii Ciidamadaasi ku heli lahaayeen xaquuqdooda Mushaar.

 

Wasiirka Gadiidka iyo cirka iyo dhulka Xabsade ayaa khudbad uu u jediyay Ciidamada Booliska ugu baaqay inay eegaan daruufaha iyo marxaladaha adag ee dalka ku jiro islamarkaana ay tallaabo Ciidamadaasi ka qaadaan xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda DF wuxuuna intaa raaciyay in xaalada ammaan ee Magaalada Baydhabo ay iminka faraha ka baxday sidaas dartedna looga fadhiyo inay wax ka qabtaan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gabogabadii hadalka qaatay ayaa kala dardaarmay Ciidamada Booliska ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya inaysan ku biirin xoogaga dowladda iyo Itoobiyaanka ka soo horjeeda. wuxuuna halkaasi ka jeediyay aayado quraan ah oo u muuqanayay inuu ku wacyi galinayo Ciidamada.

 

Ciidamadan ku sugan duleedka Magaalada Baydhabo oo dhamaantood ah Boolis ah ayaa noqonaya qeybtii labaad Ciidamo ka tirsan DF oo lagu soo tababaray Itoobiya kuwaas oo soo gaaray Baydhabo iyo Muqdisho waxana dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay inay ka howlgalaan gobolka Bay iyo gobolada kale ee ku dhaw dhaw, iyadoo dadka intooda badan ay is waydiinayan waxan Ciidamadaani ka bedeli karaan xaalada ammaan ee koofurta dalka Soomaaliya oo faraha ka sii baxaysa.

 

MM Odowaa,Garowe-Online.

Muqdisho..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this