General Duke Posted March 24, 2008 Banaanbax lagu taageerayay dadaalada dib u heshiisiineed ee ra’isul wasaaraha uuna ka qeyb galay wasiirka arrimaha gudaha oo maanta ka dhacay Stadium Banaadir. Kumanaan ruux ayaa isugusoo baxay dibad bax aad u ballaaran oo maanta ka dhacay garoonka kubada cagta lagu cayaaro ee Stadium Banaadir ,waxaana banaanbaxaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir ka qeyb galay masuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Muuse Nuur Amiin. Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo lagu taageerayo qorshaha dib u heshiisiinta dalka kaabaya ee dhawaan uu soo bandhigay ra’isul wasaaraha Jamhuuriyad Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo guud ahaan dowladda federalka Soomaaliya. Masuuliyiintii dibad baxaa hadalada ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Muuse Nuur Amiin, Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxmed Dheere,ku xigeenkiisa dhagaxtuur iyo masuuliyiin kale oo dhamaantoodba sheegay in dowlada federalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay geed gaaban iyo mid dheerbana ay u fuusho sidii dalka dib u heshiisiin waarta loo gaarsiin lahaa. Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay diyaar u tahay meel kasta in ay u tagto danaha umada Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiin buuxda oo dalku uu gaaro,isagoo faafaahin dheeraadana ka bixiyay qorshaha dib u heshiisiineed ee dowlada Soomaaliya ay dooneyso dalka in ay daganaasho ugu raadiso. “Maamulka gobalka ee aan madaxda ka ahay aad ayuu usoo dhaweynayaa dadaalada dowlada Soomaaliya ay wado ee xaga dib u heshiisiinta ah,waxaana ka qaadanayna talaabada nooga aadan”ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Dheere oo hadal ka jeediyay banaanbixii maanta. “Waxaan u aragna in ra’isul wasaaraah Jamhuuriyadu uu qaaday talaabo geesnimo leh oo mudan in lagu daydo”ayuu yiri maxamed Dheere oo u muuqday nin aad ugu kalsoon in barnaamijka dib u heshiisiineed ee dowladda Soomaaliya hada wado uu wax ku ool yahay mira dhalna noqon doono. Dad weynaha degmooyinka ayaa kasoo qeyb galay banana baxaasi waxaana la arkayay iyadoo degmo kasta dadkeedu ay meel gooni ah fadhiyaan,halka ay ka yimadeena waxaa lagu garan karay calanka degmadooda iyo kan jamhuuriyada oo ay isku dhinac wateen. Banaanbaxan oo ahaa kii sadexaad oo lagu taagero dowladda federalka Soomaaliya ayaa hadana ahaa kii ugu ballaarnaa ee inta la og yahay ka dhaca magaalada Muqdisho. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 24, 2008 Banaanbax lagu taageerayay dadaalada dib u heshiisiineed ee ra’isul wasaaraha uuna ka qeyb galay Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere ,wasiirka arrimaha gudaha oo maanta ka dhacay Stadium Banaadir. Mar 22, 2008 Banaanbaxan oo ahaa kii sadexaad oo lagu taagero dowladda federalka Soomaaliya ayaa hadana ahaa kii ugu ballaarnaa ee inta la og yahay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa qudbad ka jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Halyey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere Wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Amiin xigasho Midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites