miles-militis Posted August 6, 2003 CABDULLAHI YUUSUF WAA KUMA? "Cabdullaahi Yuusuf waxa aan oran karaa waa shini aan waligeed loo ogolaan in ay malabka dhamaystirto WQ: Duuliye-Sare Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax). Qormadan oo ah mid aan ugu talo galay dadka aragtida dheer ee waaya la noolka ah, ma aha mid aan ugu talo galay muranka iyo doodaha dadka maalin la noolka ah. Inta aanan u gundo dagin ubucda dulucda qoraalkan marka hore ii ogolaada inaan inyar anigu iska dhaho; shaqsiyan ma ahi siyaasi, mana jecli siyaasadda, waxaan Duuliye Sare ka ahaa Shirkadii Diyaaradaha Soomaaliyeed ee Somali Airlines, waxa kale oo ay dad badan malaha xasuusan karaan in aan ahaa duuliyihii diyaaradda B 707 oo loo afduubi jiray dalka Ethoipia. 11kii sano ee Burburka dalka kama bixin waxaanse tagay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya, sida; Muqdisho iyo Hargeysa oo aan marar badan ku laabtay, waxaan wakhtigayga intiisii badnaa ku qaatay degaanka Puntland. Mudadaas dheer waxa aan qalbiga iyo niyadda ka ahaa qaxooti aan ka agab sokayn kuwa ku jira xeryaha qaxootiga, ugu yaraan toban caruur ah oo ay caruurtaydu dhaleen ayaa ku dhashay qurbaha, kuwaas oo aragooda iyo farxadooda ay iga hor taagan tahay la'aanta qaran Soomaaliyeed oo aan marar badan si gaar ah u danayn jiray hogaamiyayaasha aan u arko in ay isku taxalujinayaan baadidoonka qaran Soomaliyeed.Idinka oo ka raali ah wakhtiga aan idinkaga lumiyay akhrinta ama dhagaysiga xogwaranka gaaban ee aan soo xusay; waxaan jeclahay in aan haatan u sii qalin qaato bandhigga taariikho run ku dhisan, runtiina Jecloow ama necboow'e xaqiiqooyinka taariikhdu waa marag ma doonto aan la inkiri Karin. Marag ma doontada 1-aad: 1978 mudane Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ahaa hormuudkii aasaaskii SSDF, oo uu ka abuuray meel banaan (sagxad); taas oo muddo gaaban ku gaartay heer aan jabhadi hortiis gaarin, marka la eego, awoodda, tayada iyo tirada ciidan. Waxay dhashay jabhadihii ku xigay ee taariikhda Soomaalida magaca ku yeeshay, taas oo ujeedka laga lahaa ay ahayd si loo kiciyo beelaha kale ee xooga leh doorkana ka qaadan kara soo dadajinta rididii dawladdii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad. Awooddii SSDF ee fajicisada ku riday dadyowgii la socday arrimaha Soomaaliya waxay naxuustay markii kuwii Cabdullaahi la shaqaynayay hawaysteen inay awoodda sare ee siyaasadda kala wareegaan, isku daygaasina uma suurtoobin. Dawladdii Jabhaddu martida u ahayd oo fulinaysa arimo u gaar ah ayaa ugu danbayntii xabsiga u taxaabtay C/laahi, hase ahaatee Cabdullaahi ayaa la xiraye SSDF xabsi looma taxaabin. Dadkii ku hawlanaa inay badalaan, ayaa dhaxlay waxayse ku guul daraysteen inay sii wadaan oo muddo gaaban ayey ku burburtay oo gacmohooda ku bas-beeshay. Marag ma doontada 2-aad: 1991-kii burbrukii qaranka kadib; waxaa dib loo abaabulay SSDF, si loogu difaaco dadka iyo degaanka, hase ahaatee illaa Cabdullaahi Yuusuf xabsiga ka soo baxay, loona magacaabay Guddoomiyaha Xaaladda deg-dega ah (GXD) SSDF ma buuxin kalinteetii siyaasadeed, mana yeelan haybad lagu qadariyo. Cabdullaahi markuu xabsiga ka soo baxay, wuxuu la kowsada caalamka oo dhibaatada Soomaaliya u yaqaanay oo kaliya loolankii ka dhexeeyey Cali Mahdi iyo Caydiid. Shirarka dib u heshiisiinta sida kii Djibouti 1iyo DJ 2 waxaa lagu saleeyey heshiisiinta laba aan kor ku soo sheegnay inta kale waxy ahaayeen Soomaalida kale waxay ahayd kuwo la kala safan. Mudadii yarayd ee uu ahaa GXD wuxuu baadi doonkii u galay in la soo afjaro colaada baahday, wuxuuna hawshaas nabadeed u tagey Muqdisho, halkaasna waxa uu ku soo saxiixay heshiiskii nabadeed ee degaanka gobolada dhexe 4 June 1993-kii, kaas oo faa'iidooyinkiisa si cad looga garan karo magaalada Gaalkacyo. Marag ma doontada 3-aad: 1995-kii Cabdullaahi Yuusuf waxaa soo wajahday xaalad caafimaad daro, wuxuuna fuulay sariir, mudadii uu sariirta saartaana waxaan la inkiri karin in siyaasadda Soomaaliya sariir saarnayd, waxayna dhaqdhaqaaqyadii isku dayga xal raadinta Soomaaliya dib u soo tooseen markii uu sariirtii ka soo kacay. Marag ma doontada 4-aad: 1996-kii ayaa caalamku garaystay inay jiraan dad kale oo aan ahayn xil-doon balse ah xal-doon iyo qaabkii lagu gaari lahaa qaran Soomaaliyeed. Markii Cabdullaahi Yuusuf uu ka soo baxay isbitaalka ee uu Sodare ka abaabulay shir wayne gogol xaar ah oo ay ka soo qayb galeen dhamaan jabhadaha Soomaaliyeed mid mooyaane, shirkaas waxaa ka soo baxay golihii National Somali Council (NSC), golahaasi waxa uu aqoonsi ka helay beesha caalamka, Cabdullaahi Yuusufna waxa uu xilligaas magaca Soomaaliyeed kaga qayb galay shirkii OAU ee Haraare, calankii Soomaaliyana la hor qotonshay. Aqoonsigaas ka sokow ahmiyad kale oo dhismahaasi lahaa ayaa ahayd in shirarkii dib u heshiinta Soomaalida ee lagu qaban jiray dalka dibadiisa lagu qabto Bosaaso ayadoo laga duulayo aragtida ah in Soomaalidu dhibteeda ayadu xalisato, si aysan dhibaatadu u soo labo kaclayn. Markaas wixii ka danbeeyay loolankii Jabhadaha Soomaalida kala dhexeeyay Cabdullaahi waxaa booskoodii soo galay dawladdo xoog leh, oo jamhadihii geed buu isaga xiray. Ugu danbayntii waxaa dawladahaasi abaabuleen qorshe lagu burburinayo NSC iyo shirkii Bosaaso lagu qaban lahaa. Shirkii Desembar 1997 ee Qaahiro lagu qabtay ayayna ugu danbayntii dawladahaasi ku gaareen in ay ku burburiyaan qorshihii baadi doonka qaran ee uu Jeexay kornayl Cabdullahi Marag ma doontada 5-aad: Dawladihii majo xabiyey waxay ku seexdeen in Cabdullaahi uusan dib u soo noolaan doonin, waxaase fajiciso galisay markuu muddo gaaban dhidibada u aasay dhismihii Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo aanay jirin tabarucaad iyo hanti hawl baaxadaas leh lagu hawaysto ayuu u bareeray in uu dayn ku dhiso Puntland, waxaa la laalay jabhadihii degaanka Puntland ka jiray markaas sida; SSDF, USP iyo SNDU, arintaasi saamayn toos ah ayey ku yeelatay jabhadihii ka jiray Soomaaliya kuwaas oo maqalkooda la waayey. Shirkii OAU ee Aljeeriya ayaa markaas kadib qaatay aragtidaas oo lagu go'aamiyey in aan dib danbe shir loo qaban Hogaamiye Kooxeedyada Soomaalida, waxaaana shirkaas lagu dhiirigaliyay maamulada iskood isu dhisay ee Puntland iyo Soomaaliland, dhiiragalintaasay labada maamul ku heleen in mashaariic lagala loo fidiyo ida dayactirkii jidadka labada degaan iwm. Agaasimaha ee Sahqada iyo shaqaalaha Cabdulaahi Axmed Cabdule (Az-hari) wuxuu caddeeyey in goloyaasha Dawladda, shaqaalaha iyo kuwa Dawladaha Hoose ee mushaarka joogtada qaadan jiray ay kor u dhaafayeen 10,000 (Toban kun) oo aysan bil kaliyana mushaarkooda waayin, taasoo aan dawladaha Bariga Afrika qaarkood wali gaarin heerkaas. Puntland Soomaaliya ayay xoog ku yeelatay, Cabdullaahina intaas kuma ekaane wuxuu wakhti iyo dhaqaalaba galiyay sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa, wuxuu kaalin wayn ka qaatay dhismihii SRRC. Hase ahaatee, intii Cabdullaahi ku hawlanaa horumarinta Puntland iyo baadi doonka qaran ayaa kooxihii ahaa ‘ma daalayaasha, maquustayaasha, masheexayaashu’ hawshoodii ku dhaqaaqeen ayaga oo markaas isku tiiriyey Isimada ka aradan abtirsi Isin (Been Jilad) sidoo kale nabaddoonada Qobtolka ah oo ay jahawareeriyeen Isimadii soo jireenka ahaa oo talada looga danbeyn jirey ciska iyo sharafka ku lahaa dalka iyo dadkaba. Gabo-gabadii: haddii aan intaas kaga gudbo xasuusintaydii ku jeeday dadka waayo la noolka ah, waxaa quman in aan dadka maalin la noolka ah ee dhaleecaynaya Cabdullaahi Yuusuf aan waydiiyo su'aal ah ‘maxaad filaysaan haddii Cabdullaahi hawsha uu inoo hayo uu faraha kala baxo?. Maxaa damaanad ah oo aad u haysaan dadka Puntlnd iyo kuwa Soomaaliyaad ee ay rajadoodu ku xiran tahay dadaalka Cabdullaahi Yuusuf?. In aan dib loogu noqon heeryadii saarnayd dadkaan? Miyaanay muuqan in lagu ordayo godkii uu ka soo saaray sideed sano ka hor.?. Si kale hadii loo yiraahdo miyaanay haboonayn in dadka iyo dawladaha hawsha ka dhigtay in ay dhooqeeyaan ceel kasta oo uu qodo marka laga biyo gaaro, in ay sugaan inta uu ka dhamaystirayo dhismaha qaran Soomaaliyeed, si aad ugula dhagtaan wax qiimo leh oo uu idiin ebyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites