Sign in to follow this  
Xudeedi

Faalo:Talada Gobolka Sanaag yey ka go'daa?

Recommended Posts

Xudeedi   

Great analysis on the politics of Sanaag region of Somalia.

 

Faalo:Talada Gobolka Sanaag yey ka go'daa?

Faalo:- Waxan shaki ku jiran oo hubaal ah in uu dalku gacata ugu jiro Ethiopia, bal eeg oo u fiirso waxaa ka soconaya guud ahaan somaaliya ha ahaato Koonfurta Somalia, puntland,somaliland markaad u fiirsato waxaad oo dhan kartaa oo xaqiiqsankartaa in uusan dalku gacata ugu jirin dad Somali ah. hadii an mid mid u soo qaato:-

 

 

Puntland State of Somalia:

 

Waxay ahayd dabayaaqadii 1998 markii Beelaha Herti isugu yimaadeen magaalada Garoowe si dhidibka ugu asaan maamul u gaar ah maadaama uusan dalku lahayn dowlada dhaxe wallow ay jirtay dulmiyo farabadan hadana tanaasul ay sameeyeen beesha Warsangali ayuu maamulkii ku dhisamay .

 

Xaqiiqatan maamulkii looma qaybsan si cadaalad xildhibaanadii 80% waxa laseeyay hal beel madaxwaynihiina waa loogu daray Caasimadiina iyada hadalkeedba daa iyadoo ay jireen dulmiyaadaas faraha badan oo loo gaystay beelwaynta G/sanaag taas ay sabab u tahay siyaasi matala beesha oo aan jirin ,isim matala danaha beesha oo aan jirin iyo isku duubnaan la,aan jirta owgeed ayaa waxaa dhacda in dhamaan maamulka gacanta u galo hal beel oo ay saydoonto ugu tagri fasho danaheedana ay socodsiisato.

 

Bal eeg oo u fiirso Laasqoray waxaa maanta ka soconaya bal xasuuso shalay iyo Majiyahan .waxaa nasiib xumo ah in markii ay Beeshii damacday in ay lasoo baxdo macdanata dhulka oo lagadiiday oo ay dagaalna ay wax kuwaayeen oo la ogaa waxii karaacay in ay maantana shaati kale soo xirtaan oo shaati Ethiopian soo qaataan si ay u joojiyaan Dakada Laasqoray iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo Maxaakiimtii ayay hub uga soo dagaan,waxay beesha Warsangali ku xirantahay dhaqdhaqaqii maxaakiimta islaamiga taas oo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo larabo in dakada Laasqoray Lagu majaxaabiyo.Taasna maaha mid ay qaadanayso beel waynta Warsangeli waan mid ay ka simantahay .

 

Hadal badani haan ma buuxsho tan kaliya oo arintaan lagaga hortagi kara waa Dagaal waayo majiro siyaasi beesha matala oo ugu jira maamulka haduu jirana waa nin wax ku maqan yihiin oo horay bay somalidu u tiri (AF WAX CUNAY XISHOO), taas waxaa dheer ma jiro isim beesha matala oo tanahooda iyo wax ka maqan u raadiya hadii uu jirana horaa loo arki lahaa .haday codayn noqotona xildhimaanad beeshu gabigoodiba waa 9 xildhibaan out of 66 markaas taasna wax laguma keeni karo .hadii ay noqoto golaha wasiiradana waa hal wasiir ou of 16 .

 

Isku soo wadaduuboo tankaliya oo arintaan looga hortagi karo waa Dagaal lala galo Ethiopia iyo cida ay adeegsanayso.

 

Somaliland:

 

Somaliland iyadu hadalba male oo waxay gaartay in ay u gaarsato shacabka reer Sanaag oo ay ka iibsato Ethiopia taasna waxaa u markhaati ah ardaygii reer Sanaag ee in kabadan 5years ku xirnaa xabsiga Hargaysa meelkastana lasoo mariyay illaa ethiopia maalin kastaana mudaharaadadu ka dhacayaan magaalada Dhahar oo odayaasha codsigoodii la fulin waayay taasina waxay ku tusaysaa in aan waxba kuu oolin somliland .

 

Koonnfurta Somalia:

 

Waxay ilatahay nina looga warami maayo waxaa ka socda koonfurta Smalia iyo sida loola dhaqmayo lakiin waxaan kaliya oo leeyahay oo kuu sheegayaa in aysan iyaga qura ku koobnnayn ninkii ku farxayow oo iminkana loo soo dhigatay xira Warsangali ha ahaato Gobolka bari ama Sanaag.

 

Waxaysan ka filanayn sida ay isaga caabinayaan wallaalaheena reer koonfureed in layskaga caabiyo oo lagu jihaado waa fursad eh Ethiopia iyo cida u adeegaysa.

 

Qore: Seid Abdi Abdalle(Seid black)

profnaalaye@hotmail.com

Haydarabaad. India

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this