Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabbelle update

Recommended Posts

Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose Oo Isku Ballaariyey Degmooyinka Gobolka.

 

06/05/07

Aadan Cusmaan - DMC-Qoryooley

Maamulka cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose ee uu hoggaaminayo Dr. Cabdulqaadir Sheikh Maxamadnuur oo beryahaanba kormeer hoowleed ku soo maraaye Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa iminka ku sugan magaalada Qoryooley iyadoo maanta ay u ahaayd maalintii labaad oo ay ku joogaan Degmada Qoryooley.

 

Warar aannu goor dhow ka helney magaalada Qoryooley ayaa tibaahayaa in maamulka cusub ee Degmada Qoryooley oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub Mudane Cali Xusseen Calio uu ku martigeliyey Guddoomiye Dr. Cabdulqaadir iyo wafdigiisa in ay si ku meelgaar ah ay xarun ka dhigtaan magaalada Qoryooley bacdaame ay Qoryooley ku taallo dhaxbartanka Gobolka Shabeellada Hoose. Waxaay wararku intaasi ku darayaan in Guddoomiyuhu uu martigelintaasi aqbaley inkasta oo wafdigu uu sii wadi doono socdaalkii ay ku mari doonaan Degmooyinkii kale sida Marka, Baraawe, Kunturwaarey iyo weliba Sablaale.

 

Wafdiga ayaa shaley la kulmey dadweeynaha iyo cuqaasha ku dhaqan magaalada Qoryooley iyadoo la dejinaayey maamulka cusub ee Degmada ka aramin doona. Wuxuu Guddoomiyuhu iyo wafdigiisu ay si gooni gooni ah la kumeen beelaha Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada iyadoo la isla afgartey waxyaalihii la isku soo qaadey oo dhan. Waxaa soo ifbaxaya in odeyaal iyo Salaadiin ka kooban beelaha wax ka dega degmada lagu casumey kulankaas oo weliba la isku afgartey in guddi isku dhaf ah oo beelaha oo dhan metela la dhiso si ay iskala shaqeeyaan suggida ammaanka Degmada iyo Gobolkaba. Waxaay beelaha oo dhan ay iska soo xuleen shan qof oo ka qeeybgala guddiga nabadgelyada.

 

Illa iyo hadda lama soo sheegin wax iska hor-imaad ama diidma ah oo lala beegsadey maamullada cusub oo ku faafaya Gobolka oo dhan. Waxaase la sheegayaa in maleeshooyinka iyo mooriyaantii wax ka arramin jirtey Gobolka ay isku aruursadeen gobo u dhaxeeya Marka, Shalanbood iyo Qoryooley iyadoo warar kalena ay sheegayaan in madaxdii mooriyaantii Indhacadde ay ku shirayaan magaalada Baraawe. Lama garanayo wixii ay sameeyn doonaan haddii uu maamulku soo gaaro goobahaas.

 

Wareegto cusub oo maanta laga soo saarey xafiiska Guddoomiyaha cusub ee Degmada Qoryooley Mudane Cali Xusseen Calio ayaa lagu soo bandhigey in la mamnuucey canshuuraadkii dadweeynaha laga qaadi jirey laga billaabo maanta. Wuxuu Guddoomiyuhu wareegtadaas ku sheegey in Dowladda Federaaliga Soomaaliya iyo Maamulka Cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose ay soo saari doonaan jadwal cusub oo ku aadan dhaqaale aruurinta iyo wax ka qabadka arimaha bulshada. Illaa taasi laga gaaraayana la qaadi doonin canshuur. Waxaa ammarkaasi dadweeynaha lagu gaarsiiyey aalada ay ka mid yihiin maykarafoonno iyo wareegto lagu dhejiyey gidaarada guryaha ku yaalla magaalada Qoryooley. Waxaa naloo soo xaqiijiyey in ammarkaasi uu durbadiiba dhaqan galey oo si wanaagsanna loogu hoggaansamey.

 

Wararku waaxaay intasi ku darayaan in maleeshooyinkii horey uga aramin jirey magaalada Qoryooley ay laba ukala jabeen. KUwii u dhashey Gobolka waxay ku biireen maamulka cusub, kuwii ka yimid Gobolada Dhaxena waxaay doorbideen in ay u cararaan Marka iyo Shalanbood meeshaas oo ay isku aruursanayaan iyaga iyo kuwa kale oo ay isku beel yihiin oo ka soo cararey Awdheegle iyo Tuulooyin kale.

 

Guddoomiye Dr. Cabdulqaadir iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay in kicitimaan Magaala Madaxda Gobolka Shabeellada Hoose ee Marka inkasta oo la sheegey in uu ku soo noqon doono Qoryooley, halkaas oo noqon doonta xarun meel-ku-gaar ah.

 

Wixii war ah oo ku saabsan socdaalka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa halkaan kala soco.

 

Aadan Cusmaan

Xafiiska Warbaahinta Shabakada DMC – Qoryooley

Share this post


Link to post
Share on other sites

GUDDOOMIYAHA G/SH/HOOSE OO BOOQDEY GOOBO MUHIIM AH EE KU YAALLA QORYOOLEY:

 

06/06/07

Aadan Cusmaan - DMC-Qoryooley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. Cabdulqaadir Sheikh Maxamednuur ayaa kormeer howled ku marey gobo muhim ah oo ka tirsan magaalada Qoryooley iyo nawaaxigeeda. Goobaha uu wafdigu booqdey waxaa ka mid ah Saldhigga Booliska, Dugsiyada iyo Cusbitalka magaalada oo ah kan ugu weyn eek u yaalla Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Wafdigii Guddoomiyaha waxaa ka mid aha Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Mudane Cali Xusseen Calio Ibraw, Taliyaha Booliska Degmada Qoryooley Mudane Nuur Shaakooy Jibriil iyo dhammaan maamulada Degmooyinka Baraawe, Marka, Kunturwaarey iyo Sablaale oo weli la socda Guddoomiyaha Gobolka. Waxaa kale oo lasocda odeyaasha iyo waxgaradka degmada Qoryooley iyo dadweeyne aad u tira badan.

 

Mudane Cali Xusseen Calio Ibraw oo ka Hadley shir jaraaid oo lagu qabtey Cusbitalka Qoryooley ayaa sheegey in marxalad aad u adag ay soo mareen dadweeynaha Degmada Qoryooley iyo dhammaan dadka ku nool Gobolka Shabeellada Hoose. Wuxuu Guddoomiyuhu sheegey in wax alle wixii deeq ahaan loo soo diri jirey Cusbitalka Qoryooley iyo Dugsiyaduba ay booby jireen ********* xoog ku haaysatey Gobolka. Wuxuu sheegey in iminka wixii ka billoowda uu maamulkiisa la xisaabtami doono hay’adaha gargaarka oo ku sugan Degmada si loo hubiyo in wixii loo soo direy dadweeynaha Degmada Qoryooley ay sida loogu talagaley loo isticmaaley iyo in kale. Wuxuu caddeeyey in ay dhammaadeen canshuuraadkii xaaraanta ahaa oo laga qaadi jirey dadweeynaha Gobolka iyo Degmadaba.

 

Dr. Cabdulqaadir Sheikh Maxamednuur oo ka Hadley isla goobtaas ayaa ku dhawaaqey in naas-nuujinta ka jiri jirtey Gobolka Shabeellada Hoose ay iminka dhammaatey iyo in si sharci ah lala xissaabtami doono hay’adaha Samafalka Caalamiga iyo madaniba si loo xaqiijiyo in ay howshooda u qabsadaan sida looga baahanyahay. Wuxuu Guddoomiyahu ku celceliyey in loo hoggaansamo maamulada cusub iyo in la’isu tanaasulo si loo sugo ammaanka Gobolka iyo degmooyinkiisaba. Wuxuu kale uu Guddoomiyuhu ku darey in uu maamulkiisu ballanqaadi doono ammaanka hay’adaha ka hoolgala Gobolka, taas oo ka dhigi doonto in aysan qarash badan ku galin maaleeshooyin gaar ah. Wuxuu Guddoomiyuhu sheegey in uu ku rajaweeynahay in wixii qarash ah oo ay gali jireen hay’adahaasi u hari doono si ay u labalaabaan wax-u-tarka bulshada.

 

Kormeer waqti badan qaatey ka dib Dr. Cabdulqaadir iyo wafdigiisu waxay booqasho gurigiisa ugu tageen halgama can ah oo la yiraahdo Mudane Cali Xassan Caalin oo ka mid ahaa aasaasiyaasha Xisbiga SYL ee u halmaayey xurriyadda wadanka Soomaaliya. Wuxuu Mudane Cali Xassan ka mid ahaa 13ka nin oo aas-aastey SYL wuxuuna iminka yahay qofka kali ah oo ifka ku nool. Mudane Cali oo hadal kooban ku soo dhoweeyey wafdiga wuxuu u duceeyey maamulka cusub wuxuuna Ilaaheey uga baryeeynaa buu yiri in uu noqdo mid nabadda ku soo dabaala Gobolka oo dhan.

 

Inta uu wafdigu kormeer ku maraayey magaalada waxaa baar kontrool ah lagu qabtey baabuur Land Cruiser ah oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa. Baabuurkaasi oo dareewal kali uu ku jirey ayaa gacanta lagu dhigey inta uusan soo galin magaalada Qoryooley iyadoo lasoo sheegey in ninkaas iminka lagu haaysto saldhigga Booliska ee magaalada Qoryooley. Warar hor dhac ah oo saldhigga ka soo baxey wuxuu sheegayaa in ninkaasi uu sheegey in dad badan ay ka dambeeyaan falal argagagixiso ah oo lala dhamacsanyahay maamulada cusub ee Gobolka iyo Degmooyinkiisaba loo magacaabey. Afhayeen u Hadley saldhigga Booliska ee Qoryooley ayaa sheegey in war cad laga soo saari doono ka dib markii baaritaanka la dhameeyo taasi uusan sheegin goorta ay ku aadantahay. Qofka la qabtey iyo kooxda uu ka mid yahay weli lama soo sheegin.

 

Wafdiga Guddoomiyaha wuxuu u baxi doonaa magaala madaxda Gobolka ee Marka wixii ka biloowda burrito Insha Allah. Waxaa kale oo la sheegey in wafdigu uu tagi doono Baraawe inta uusan ku soo noqonin Qoryooley oo u noqon doonto xarun meel-ku-gaar ah.

 

Aadan Cusmaan

Shabakada Warbaahinta DMC – Qoryooley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this