Sign in to follow this  
General Duke

Latest heavy fighting in Mudug...

Recommended Posts

Galkacyo: 12-11-06 {Allmudug.com}

 

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bandiiradley:

 

Allmudug.com 12-11-2006:- Daqaal qaraar ayaa saaka ka bilowday deegaanka Bandiiradley dagaalkaan oo udhexeeyay ciidamada qaybdiid iyo kuwa Maxaakiimta ayaa hada u xuub siibtay mid u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Maxaakiimta oo ah labada awoodood ee ku loolamaya Gobolada dhexe.

 

Ciidamada Puntland ayaa dagaal qaraar kadib gadaal uriixay ciidamada Maxaakiimta iyadoo laga qabsaday gawaari dagaal ciidamada maxakiimta dagaalka ayaa hada wali si toosa uga soconaya duleedka bandiiradley iyadoo labada qolo guula sheeganayaan.

 

Dhanka kale warar aan ka helayno ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in dhimasho aan la shaacin tiradooda iyo dhaawac 20 nin ka badan la geeyay Degmada Cadaado sidoo kale waxaa magaalada Galkacyo ka socda diyaar garow aad u xoogan oo ay samaynayaan ciidamada Daraawiishta iyadoo la arkayay Gawaari dagaal oo ku sii qulqulaysa aaga dagaalka.

 

Mar aan la xariinay ila goob joogayaal ku sugan deegaanka Bandiiradley ayaa waxaa naloo xaqiijiyay inay wali daafaha magaalada ka socoto Madaafiic aan kala go’ayn oo ay is dhaafsanayaan labada ciidan goob joogayaashaan ayaa waxay kaloo noo sheegeen in markii hore ciidmada Maxaakiimtu ay ka awood roonaadeen ciidamada Qaybdiid balse markii dambe ay gurmad usameeyeen Ciidamada Puntland halkaasna uu ka qarxay dagaal balaaran.

 

 

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

Qalay2005@gmail.com

 

Allmudug.com

 

Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Puntland oo ku soo foole Galkacyo saacadaha soo socda kadib Dagaal ka qarxay Gobolka.

 

Allmudug.com 12-11-2006:- Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu soo gaaro magaalada Galkacyo kadib markii uu ka soo amba baxay Caasimada DG Puntland ee Garoowe.

 

Safarka madaxwaynaha ayaa waxaa uu la xariiraa dagaal ka soo cusboonaaday deegaanka Bandiiradley una dhexeeya Maxaakiimta Muqdisho iyo Ciidamo kala taabacsan Puntland Iyo Cabdi Xassan Cawaale qaybdiid.

 

Madaxwaynaha oo ay la socdaan Ciimado lixaadle oo sida la sheegay gurmad usamaynaya Ciidamada Jiida hore ayaa kusoo foole Magaalada Galkacyo iyadoo lagu wado inay usii gudbaan Deegaanka Dagaalku ka socdo.

 

Mar aan saaka booqday Xarunta Gobolka mudug ayaa waxaa la ii sheegay in amar guud ay haystaan Ciidamada Daraawiishta oo ah in lagu jiro xaalad dag dag ah amarna ay u haystaan inay talaabo cad ka qaadaan cidii loo arko inay ku lugleedahay dagaalada ka socda Bandiiradley.

 

 

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

qalay2005@hotmail.com

 

Allmudug.com

 

Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Bandiiradley

12 Nov 12, 2006, 02:51

 

Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xirsi oo wata Gawaari Dagaal ayaa hadda ka baxaya Xarunta Madaxtooyadda DGPL si uu uga qayb-qaato Dagaalka ka socda Deegaanka Bandiiradley.

 

Magaaladda Garowe ee Caasiamdda DGPL aya si weyn looga dareemayey saakay dagaalka ka dhacay Bandiiradley, waxaana lagu arkayey hadal haynta dagaalkaas oo ka socta meelkasta oo ka mid ah Meheradaha lagu ganacsado Magaaladda.

 

Sidoo kale, Dumar iyo haween ku dhawaaqayey doonimayno Maxkamadaha iyo Dagaal ayaa saaka ka dhacay Magaaladda Garowe walow uu Mudaharaadkaasi ahaa mid aan sidaasi u sii balaarnayn.

 

dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Galkacyo waxay shegayaan in dhaawac badan la keenay Isbitaalka Magaladda Galkacyo ee dhinaca Konfurta (Baraxley).Akhri wararka dagalka oo dherada ah

 

Axmad Maxamad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this