Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab , Hizbul Islaam get ready for war...

Recommended Posts

Xisbul Islam & Shababka Oo Hub & Maleeshiyaad U Diray Muqdisho

 

05 May, 2009 05:09:00 Diinah

Font size:

 

Balcad,06-May-2009:- Kulan Qarsoodi ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay in Horjoogyaasha maleeshiyaadka Ururka Xisbul Islam & kuwa Shababka ku heshiiyeen in si wada jir ah loo difaaco magaalooyinka Muqdisho, Balcad & Afgooye hadiiba ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Dowlada & Kuwa AMISOM, waxaana la sheegay in Maleeshiyo & Gaadiid dagaal oo xoojin ah, hubkii & rasaastii ay ku deeqday Dowlada Eritrea ayaa xalay laga talaabiyay buundada Afgooye iyagoo aaday waday wad jay ah oo Dayniile soo gashay.

 

 

Xogtaan ayaa Tilmaamatay in Maleeshiyadani ay ku hubeysan yihiin 15 Gadiidka dagaalka & 3 madaafiicda goobta ee noocyada 85, sidoo kale waxaa ku wehliyay 2 booyadood oo shidaal ah iyo gaari siday saad isugu jira raashin & rasaas. Gadiidkani ayaa goobo jooge uu sheegay iney filayaan iney gaaraan Muqdisho, iyadoo ka talaabay buundada Afgooye, gaadiidkani oo afka saaray wadada jayga ah ee aada degmada Balcad ka aada ayaa lagu soo waramayaa in ay u leexdeen iyaga oo doonaya halkaasi in ay kaga soo galaan dhanka wadada Dayniile sidaasina Muqdisho lagu keeno.

 

Maleeshiyaadkani ayaa warar kale ay sheegayaan iney ilaalo ka yihiin tiro hub ah oo dhowaantani laga soo dejiyay garoonka bali doogle ayna ku deeqday Dowladda Eritrea. Xiligaan adag ayaa sida muuqata waxaa la filan karaa in dagaalo & duqeyn ay qaadaan Xoogaga Islaamiyiinta maadama ay heleen xoogaa Rasaas & hub ah, waxaana hubaal ah in Ciidamada AMISOM & kuwa Dowlada hadiiba weerar lagu qaado, iney dhibaato xoogan ka soo gaari doonto shacbiga Soomaaliyeed ee aan weli ka soo kabsan duqeyn xooganeyd ee Ciidamada Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wa ariin fiican mar uun hala kala adkaado

somalidu waxay ku mah mahaan kii roon ba reerka oo hadhii.

 

i bet my money on xisbal islaam wa kuka yusuf indha cadow. meesha xundjuf haku ceebeyn lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Dawlada Somalai oo ku celisay eedeynta Eritrea ay u jeedisay iyo hub nuucyo culus ah oo Muqdisho soo galay

5. maj 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Wasiirka warfaafinta dawlada Somalia Farxaan Cali Max'ud ayaa mar kale eedeyn ba'an dusha kaga tuuray dawlada Eritrea oo uu ku eedeyey in ay so kordhisay daad gureyn ay soo daad gureyneyso Ciidamo mucarad ah oo dalkeeda tababar ku soo dhamesytay .

 

Farxaan aya tibaaxay in Eritrea ay laba jibaartay dagaalka ay ku heyso jiritaanka dawlada Somalia s, waxaana uu sheegay in wali ay ogyihiin in ay qorsheysay in saad kale oo rasas ah ay soo galiso gudaha dalka .

"Eritrea waxaan uga dacwoneynaa beesha caalamka , waxaana leenahay ha nalaga qabto " ayu yiri farxaan wasirka warfaafinta.

 

Wasiirka ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta idaacadii Radio Muqdisho , waxaana uu ku celceliyey in dawlada Somalia aanay gacmaha la laaban doonin siyaasadaha guracan ee eritrea ku hesyo Somalia.

 

dhawaan ayay ahayd markii cumar xaashi wasiirka amaanka uu Eritrea ku eedeyey in garoonka Balidoogle ay ka soo dajisay shixnado hub ah oo ku socday mucaaradka.

 

Dhinaca kale wariye jooga Afgooye aya AllPuntland u sheegay in uu arkay gawarida la jiido oo ay ku xiranyihiin hubka waaweyn oo ka soo gudbaya Afgoye kuwaas oo ku so socday Caasimada.

 

Xafiiska wararka Muqdisho Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Religious warlords will plunge the people in another conflict.

 

Insha allah, Mogadishu will rebounce and the current religious warlords will be thrown in the dustpin of history.

 

My prediction: extremist-religious warlords will never gain control over Mogadishu and will lose their last strongholds: Merca-Baidoba-Kisman yo in that sequence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When they start fighting xisbal al islaam and al shabaab and sh hotel will be on the sideline. You will see he will lose all credibility as president for Somalia. Kala qaban karrey mayo na.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada aan weli tegin Ceelasha biyaha ee Somalia oo soo saartay digniino dagaal oo ay abaabulaayan mucaaradka.

 

(06-05-2009)Wasiirka warfaafinta dawlda Somalia Farxaan Cali Max'ud ayaa ka shanqariyey in dawlada ay dareemeyso hurinta colaad ay abuurayaan mucaaradka dawlada ku kacsan, wuxuuna sabab uga dhigay dhaqdhaqaayo ciidan oo sida uu sheegay laga dareemayo Muqdisho iyo gobolada u dhow dhow.

 

Farxaan Cali Max'ud ayaa sheegay .in saansaanta colaadeed ee la wado ay ka soconeyso gobolada dalka iyo caasimada Muqdisho intaba , waxaaana uu tibaaxay in rabshadahaan lagu doonayo in lagu wiiqo xasiloonida dalka iyo hanaanka dib u heshiisiineed ee ay dawladu ka dhexwado shacabka Somaliyeed.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah loo diray G/hiraan ayna ogyihiin in looga dan leeyahay in lagu sii huriyo dagaalada gobolka ka socda, tallaabadaasina ay markhaati cad u tahay sida ay kooxaha nabad-diidka ahi u doonayaan dagaallo dhaca, sida uu hadalka u yiri.

 

Wasiirro ka tirsan dowladda busteyaasha huwan ee aan ceelasha biyaha weli tegin, ayaa maalmahan soo saarayey digniino dagaal iyo in hub u yimid mucaaradka dawlada oo ka soo dagay garoonka Balidoogle ee G/sh/Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaabul dagaal midkii ugu xooganaa oo ka socanaya Magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho,(WNT):-Koox aha sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne sheekh shariif sheekh Axmed ayaa la shaaciyay in Magaalada Muqdisho ka wadaan abaabulkii ugu xooganaa oo ka dhan ah dowlada somalia.

 

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay hub iyo gaadiidka dagaalka kuwaasi oo intooda badan ka imaanaya dhinaca iyo Gobolka shabeelaha Hoose.

 

Gawaaridaan dagaalka ah ayaa si weyn loogu arkayaa qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho kuwaasi oo ay saaran yihiin Ciidamo Taabacsan Xisbul Islaam iyo Al-shabaab.

 

 

Lama oga waxyaabaha ka dhalan doona hubkaan faraha badan ee iminka sida is xig xiga u soo gaaraya Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka warfaafinta DKMG ah ee Somalia Farxaan Cali Maxamed oo shalay galinkii dambe shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hubka soo gaaraya Muqdisho qeyb ka yihiin sida uu hadalka u dhigay hubka ay dowlada Eritrea ugu deeqaday Kooxaha dowlada ka horjeeda.

 

Si kastaba shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa dareen xoogan arintaan ka muujiyay iyaga oo ka baqi qaba in markale la kulmaan dagaalo lagu hoobto oo ka dhaca Caasimada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

koonfuurrians wa lugu dawakha imikana waxaba ku soo biiray qaar la yidha al ansaar al islam, kuwasna maxay tageersanyihin
:D

Waar inaar armaad mijintii xalaye baarixiga ahayd ku yara dawakhsan tahay un? Illeen qaadirada dhafoorra-hays badan iyo madax-faluuq ayeey keentaaye? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub & Ciidan la keenay Muqdisho

6 May 6, 2009 - 6:02:04 AM

 

Hub, ciidamo iyo saanad ayaa ku qulqulaya labadii maalmood ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka imaanayay gobolada koonfureed ee ay gacanta ku hayaan kooxaha dowlada ka horjeeda.

 

Madaafiicda goobta iyo gaadiidka tikinikada loo yaqaan ayaa galay Muqdisho, iyadoo kooxaha mucaaradka ah ay qoryaha M-30 iyo D-30 ku rakibeen deegaano ay ka mid yihiin Suuqa Xoolaha iyo Dayniile oo waqooyiga Muqdisho ku yaala.

 

"Gaadiid waaweyn oo jiidaha Madaafiicda goobta [M-30 & D-30], ayaan ku arkay duleedka degmada Dayniile, qaarkood waxaa la dhigay degmada, kuwo kalena waa la dhaafiyay" ayuu yiri Culusow Raage oo ka mid ah dadka degmada Dayniile.

 

Ruuxan ayaa sheegay in hubkan ay leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka horjeeda dowlada Somalia, iyadoo kooxahan ay horay ugu baaqeen dagaal ka dhan ah dowlada Sh. Shariif.

 

Sarkaal ka tirsan Xisbul Islam oo diiday inaan magaciisa xusno ayaa ****olka ka qaaday inay dhawaan dagaalo ku qaadi doonaan saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

 

"Ujeedadeenu waa inaan dalka iyo dadka badbaadino, waxaan la dagaalamaynaa ciiidamada AMISOM iyo kuwa gabaadka ka dhiganaya" ayuu yiri mas'uulkan oo intaas raaciyay: "Cid walba oo ka horjeeda dowalada waan kaashanaynaa".

 

Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiyaha kooxdan mucaaradka ah ayaa dhawaan sheegay inaysan jirin wadahadalo uu la galayo Sh. Shariif, isagoo ku tilmaamay nin ka baxay mabda'ii la isku ogaa.

 

"Cid walba oo nabada doonaysa waan la hadlaynaa, cidii dood kale qabta, waxaan leenahay waa inay sugaan labada sano ee xukuumadu talinayso kadib, markaasna ay isa soo sharaxdo, balse waxaan ka digaynaa in dagaalo la huriyo" ayuu Sh. Shariif dhawaan u sheegay saxaafada.

 

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa sheegay in shalay mid ka mid ah askartooda lagu toogtay Muqdisho, kadib markii meel fog lagas oo toogtay, waxaana dilkaas ay ku tilmaameen saraakiisha AMISOM iyo Madaxda Midowga Afrika mid fulaynimo ah oo ay ka dambeeyeen koox nabada diidan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Originally posted by Paragon:

quote:Originally posted by Xaaji_xundjuf:

koonfuurrians wa lugu dawakha imikana waxaba ku soo biiray qaar la yidha al ansaar al islam, kuwasna maxay tageersanyihin
:D

Waar inaar armaad mijintii xalaye baarixiga ahayd ku yara dawakhsan tahay un? Illeen qaadirada dhafoorra-hays badan iyo madax-faluuq ayeey keentaaye?
:D
:D:D Laba kala daran

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this