Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Italian delegation finish a working visit to Galkacyu Garowe

Recommended Posts

Gaalkacyo:Wafdi Talyaani ah oo Gaalkacyo kusoo gabagabeeyey Booqasho...(Faafaahin Booqashada Wafdigan),

14. maj 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maalmihii lasoodhaafay Magaalooyinka Puntland kusugnaa Wafdi kasocda Dawlada Talyaaniga,isla markaasna ahaa Gudi heer caalami ah oo ka shaqeeya Samaynta Madxafyo aanan xuduud lahayn & Taageerista Bulshada,waxayna Wafdigani tageen Magaalooyinka Gaalkacyo & Garoowe halkaas oo ay kula kulmeen madax kasocota Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Wafdigan oo uu horkacayey Gudoomiyaha Ururka Perigeo International Dr,Gianluca ayaa waxaa kamid aha Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee ururka Madxafyada aan xuduuda lahayn & Saraakiil sar sare oo ururka ka tirsan,waxayna Wafdigu kulamo laqaateen madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland Jen,Cabdisamed Cali Shire,Wasiirka Caafimaadka,Wasiir xigeenka Qorsheyta & Iskaashiga caalamiga ah & Saraakiil sar sare oo katirsan Dawlada Puntland.

 

Wafdiga ayaa kulan khaas ah la qaatay Madax katirsan Wasaarada Warfaafinta isgaarsiinta,Hidaha & dhaqanka ee Dawlada Puntland,waxayna lakulmeen wasiir xigeenka Wasaarada Warfaafinta,agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta & Agaasimaha Akadeemiyada Hidaha & Dhaqanka ee Dawlada Puntland,waxayna Khadka Taleefoonka kuwada hadleen Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka ee Dawlada Puntland Mudane,Cabdixakiin Axmed Guuleed oo ay kala hadleen Madxafyo ay Puntland yeelato & sidii uu ururkani u kaalmeynlahaa Wasaarada gaar ahaan Waaxda Hidaha & Dhaqanka.

 

Saraakiishan kasocota Ururada Talyaanigu waxay maalin kahor soogaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxayna kulamo laqaateen Gudoomiyaha gobolka mudug,duqa magaalada Gaalkacyo,qaarkatirsan xubnaha golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo,takaatiir & madax katirsan Jaamaca PSU ee Puntland.

 

Prof,Maxamed Jaamac Salaad oo ah Hurmuudka jaamacada PSU isla markaasna wafdigan daadihinayey ayaa sheegey in ay Jaamacada PSU xafiis kasiisay ururka Magaalada Gaalkacyo,isla markaasna ay Jaamacadu qeyb kamid ah Xafiisyadeeda ugu deeqday Ururka Perigeo,wuxuuna Prof,Maxamed Jaamac Salaad intaas ku daray in ururkani uu qeyb weyn ka qaadan doono Hor'umarka Magaalada gaalkacyo & guud ahaanba Puntland.

 

Saraakiishan talyaaniga ah ayaa si gaar ah u arkay duqa Magaalada Gaalkayo & Madaxda Isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo,waxayna wafdigani taageereen Hor'umarka weyn ee ay dhanka amaanka & Hor'umarka kaleba ka gaartay Gaalkacyo & guud ahaanba Puntland,waxayna sheegeen in ay doonayaan in lasiiyo Dhulkii laga dhisilahaa Madxafka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliyeed,waxaana ay is afgarad ka gaareen Kulamadi ay qaateen,saaka Aroortii ayeyna Wafdigani soo gabagabeeyeen Booqashadii & howshii shaqo oo ay Puntland ku joogeen waxayna ka duuleen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo iyagoo kusii jeeda Magaalada nairobi ee Dalka Kenya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this