Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa , Balcad: Tension high as Al Shabaab fighters take control of south

Recommended Posts

Shababka Oo Loo Qabtay Muddo 2-Maalmod Iney Uga baxaan Balcad

23 January, 2009 04:18:00 Diinah

Font size:

 

Muqdisho,24-Jan-2009:-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim oo ku sugan magaalada ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay uu shirar qarsoodi ah u socda saraakiisha Maxamadaha Islaamka, Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sh.dhexe oo dhinac ah & Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shabaabka, kulankaani oo looga doodaayay sidii looga saari lahaa magaalada Balcad maleeshiyaadka Shabaabka oo duulan ku qabsaday magaaladaasi dhowr maalmood ka hor kadib markii xoogag dacaad u ahaa looga itaal roonaaday dagaalkii ka dhacay magaaladaasi.

 

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Kulankani ahaa mid 3-geesood ah, muddo dhowr maalmood ahna socday, iyadoo looga wada hadlaayay sidii si nabad ah looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaabka ee Magaalada qabsadya, iyadoo laga duulaayo balanqaadyo ay horey u sameeyeen iney kala baxaayaan Maleeshiyaadkooda muddo gaaban gudahood, ayaa dib dib u dhacyo aan sababeysneyn keeneen, taasi waxey horseeday in kulamadii lagu xalinaayay gacan ka hadalkii ka dhacay magaalada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe uu galay marxalad adag, isla markaasna uu hakad ku yimid dadaalada nabadeed ee ay garwadeenka ka ahaayeen Odaayaasha degaanka & saraakiisha MMI.

 

Wararkaani ayaa sheegaya in maalintii shalay uu qabsoomay kulankaasi, waxaana la sheegay in durbadiiba jawiga goobta wada hadalka uu hareeryay muran xoogan oo xambaarsan hanjabaado, kadib markii ay diideen wakiiladii Maleeshiyaadka Shabaabka iney fuliyaan balanqaadkoodii ahaa iney ka baxayaan Degmada Balcad, kadib markii xaalku uu heerkaasi gaaray, ayaa la sheegay in Saraakiishii Maxkamadaha Islaamka ay u qabteen Xoogaga Shabaabka muddo laba maalmood ah iney uga baxaan magaalada, hadii ay la adeegsan doon awood Ciidan oo sida la sheegay ay iska kaashan doonaan Ciidamada MMI & maleeshiyaadka degaanka. wararka ayaa intaasi raaciyay in xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayo degaanka kadib markii lagu kala dareeray kulankii, waxaana hadda ka socda abaabul xoogan & hub isku uruursi u dhaxeeya maleeshiyaada MMI & kuwa Shabaabka,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaq dhaqaaqa Alshabaab oo qorsheynaya inay la wareegaan Magaalada Baydhabo marka ay faarujiyaan Ciidamada Ethiopia.

 

Dhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Alshabaab ayaa qorsheynaya inay la wareegaan Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka, marka ay halkaas ka baxaan oo ay faarujiyaan Ciidamada Ethiopia.

 

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo Xoogaga Alshabaab ayaa bilaabay diyaar garow iyo dhoolatus ay ku sameynayaan Tuulooyin u dhow dhow Magaalada Baydhabo, taasoo ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada Ethiopia ka baxeen Degmooyin ka tirsan Gobolka Baay.

 

Xoogaga Alshabaab oo u badan dhalinyaro ku hubeysan hubka boobayaasha iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana tilmaam cad ay u tahay sida ay u doonayaan inay la wareegaan Magaalada Baydhabo, waxaana ay halkaas ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo xoog leh.

 

Dhaq dhaqaaqii Magaalada Baydhabo ayaa maanta laga dareemayay xaalad kala guur ah, waxaana albaabada u xiran ganacsiga carwooyinka iyo dukaamada waa wayn kadib markii ay soo ifbaxay in Ciidamada Ethiopia ay dhowaan ka bixi rabaan Magaalada Baydhabo.

 

 

Ciidamada tabarta daran ee Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo masuuliyiinta degmada Baydhabo iyo kan gobolka Bay ayaa iyagana dhinacooda waxay ku jiraan diyaar garow ay isaga difaacayaan haddii xoogagga wax iska caabinta ay soo weeraraan magaalada Baydhabo, waxaana taasi ay cabsi iyo wal-wal ku abuurtay qoysaska ku dhaqan Baydhabo oo qaarkood haatanba bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda.

 

Dadka ayaa kuu sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay kaliya yihiin awooda celin karta Xoogaga wax iska caabinta, waxaana la sheegaa in Ciidamada Dowladda oo aan tabar laheyn aanay u babac dhigi karin cududa milateri ee Alshabaab.

 

Magaalada Baydhabo oo ah Magaalada labaad ee gacanta ugu jirto Dowladda KMG, ayaa hadii ay gacanta u gasho ay noqoneysa mid Alshabaab niyad usii dhista sidii dalka oo idil ay gacanta ugu dhigi laheyd, iyadoona haatan ay gacanta ku hayaan Magaalooyin waa weyn oo ka tirsan dhowr Gobol oo ku yaal Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this