Sign in to follow this  
MoonLight1

Mr Pearl eyed oo ka badbaaday Qarax isku day dil.

Recommended Posts

Faah faahin Qaraxa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Indha Cadde oo ka bad baaday

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay nawaaxiga Hotelka Ampassador ee Wadada Maka Al-Mukarama, qaraxaasoo sida la sheegay ka dhashay Gaari wadada dhinaceeda yaalay oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa lala beegsaday Kolonyo uu la socday Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo, hase yeeshee uu ka bad baaday.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah Gaadiidka Wasiiru dowlaha uu gubtay Qaraxaas ka dhashay Gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee yaalay wadada dhinaceeda.

 

Lama oga Gaariga uu isku qarxiyay qof naftii hure ah iyo in kale, hase ahaatee gaariga ayaa ahaa mid wadada dhinaceeda u yiil si Parking ah, waxaana uu qaraxu sameeyay xilli ay dhinac marayeen Kolonyada.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Wasiirada Horumarinta Reer Miyiga Khadiijo Maxamed Diiriye ay ka mid aheyd wasiirada qaraxaas ka bad baaday, oo Kolonyada la socotay.

 

Qaraxa ayaa ilaa iyo hada la ogeyn qasaaraha rasmiga, hase ahaatee waxaa jira qasaare kala duwan oo gaaray Ciidamada Dowladda ee la socotay Kolonyada iyo dad rayid ah oo ka ag dhowaa goobta.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this