Gar-haye Posted May 10, 2008 Wareysigii ay aljazeera la yeelatay cabdi kariim sh muuse oo ka mid ah taliyayaasha sare ee jabhada wadaniga xoraynta ******ya 2008/4/27. Mabaadii,da iyo hadafka jabhada iyo meelaha ay waxka soo galaan Dawrka dawladaha iyo hay,adaha iyo mustaqbalka loolanka S= Jaamcan nuur Marka hore waxaan ku bilaabaynaa cadeynta jabhada iyo goorta la aas aasay jabhadan? J= cabdi kariim sh muuse jabhada waxaa la aas aasay 1984 taasina waxay ahayd midhihii ka soo baxay halgankii dheeraa ee ay umada somaliyeed kaga soo horjeeday qabsashada Ethiopia ay qabsatay dhulkooda laga soo bilaabo halgankii axmed gurey oo ahaa qarnigii 16 naad iyo kii ka danbeeyay ee sayid maxamed cabdulle xasan kii sadexaad oo ahaa jabhadii nasrulaah 1964 tii iyo midkii ka danbeeyay oo ahaa 1977kii kaasooy dawladii somaliya ka qayb qaadatay halgankaa dheer ee u jeedadiisu ahayd in wadanka ******ia la xoreeyo waxuu soo maray dhibaatooyin badan oo taariikhi ah , Hadaba Jabhada wadaniga xoreynta ******iya waxay ka dhalatay halgamadaas taxanaha ahaa waxaana loo aas aasay sidii loo hagaajin lahaa geedi socodka siyaasada halganka ******iya loona cusboonaysiin lahaa maamulkiisa taasina waxay ka timid rabitaanka shacabka oo raba inuu soo ceshado rabitaankiisa iyo madaxbanaanidiisa taas ooy ka dheceen khaaimiintii ingiriisku iyagoo u dhiibay xuquuqdii shacabku lahaa siiyayna dawlada Ethiopia S= Jaamac nuur waxaan Ognahay jabhadiinu inay ku bilaabatay dhaqdhaqaaq aan hubaysnayn maxay tahay sababta aad uga wareegteen ee ad qoriga u qaadateen? J= cabdi kariim sh muuse is badalkii dhacay 1991 dhicitaankii xukuumadii mungiste waxay ahayd midhihii ka dhashay halgankii iyo dadaalkii quwadahii mucaaradka ku ahaa ee la gumeysan jiray sida shacabka ******iya sida qawmida tigreyga iyo ereteriya markaa nasiib ayuu u helay ururka Tplf taas oo u dagaalamaysay inay xaqa shacabka tigreyga soo celiso ayaa waxay nasiib u heshay inay caasimadii adis ababa qabsadaan intaas ka dib waxaa lagu heshiiyay laba sano oo ku meel gaadh ah heshiiskaasi waxuu siinayay qowmiyad walba inay madaxbanaani hesho iyadoo u soo maraysa in dadka afti laga qaado aftidaas oo la waydiinayo parlemanka qowmiyadaas sidaas darteed jabhada wadaniga xoraynta ******iya waxay samaysay maamul goboleed iyo baarlamaan gobolku leeyahay si ay ugu diyaar garoobaan in afti la qaado jabhadu waxaa kaloy samaystay talaabooyin wanaagsan oo xaga horumarka ah iyo inay shacabka u diyaar garoobaan xoriyad inay gaaraan laakiin xukuumada Ethiopia kuma ayna farxin horumarka ay jabhadu gaarsiisay gobolka waxayna sameeyen talabooyin cadawnimo ah oo ay ku burburinayso jabhada iyada oo ka duulaysa damaceedii gumaysi doon waxay ku talaabsadeen inay weeraraan maamulkii jirey waxayna xireen madaxweynihii dawlad goboleedka sidaa darteed jabhada wadaniga xoreynta ******iya waxay go,aansatay inay nafteeeda iyo shacabkeeda difaacdo difaacdana aaya ka talintooda S= jaamac nuur mudane cabdi kariim marwalba waxaad ka warantaan meel ka dhacyo ay samaynayaan ciidamada Ethiopia kulana kacayaan dadka shacabka ah mahaysaa wax cad oo la taaban karo inay dheceen danbiyo dagaal oo lagu sameeyay shacabka ? J=cabdi kariim sh muuse meel ka dhacyada ay ciidamada Ethiopia gobolka ka samaynayaan gaar ahaan labadii sano e u danbaysay cidna kama qarsoona ii sug aan tusale ku siiyo e Magaalada shilaabo iyo magaalada wardheer waxay isu jiraan 120 km dhulka dhererkiisu intaas le,eg yahay waxaa ku yaalay 30 tuulo dhamaantoodna si weyn u camirnaa maantana hal tuulo oo dad joogo lagama helaayo waa mid la gubay iyo mid laga cararay sidaasna waxaa sameeyay ciidamada Ethiopia hadaad wadadan marto kuma arkaysid wax cid ah oo ku nool Iska daa waxay jabhadu ku tiraahdo ama aan anagu ku leenahay shacabka waydii waxay ciidamada Ethiopia ku sameeyeen la kulan agoonta aabayaashood la dilay oo waydii Waxaad kaloo waydiisaa haweenka ragoodii la laayay Waydii kuwa xoolahoodii la boobay hanti,doodiina la bur buriyay wax waydii dadka wax waydii si aad u ogaataan balaadhka uu le.egyahay xadgudubyada ay ku keceen ciidamada Ethiopia S= jaamac nuur waxaad ka abaabushaan hawlgaladiina goobahan xaqiiqo ahaana shacabku wayku noolyihiin miyayna suurto gal ahayn inaynu niraahno dhibka shacabka soo gaaraya sabab ayaad u tihiin? J= cabdi kariim sh muuse ujeedadanadu waa inaan xorayno shacabka oo aan ka difaacno xadgudubyada Ethiopia waxaanu nahay qayb shacabka ka mid ah Awoodanaduna isagay ku tiirsan tahay waxaanu ka xoraynaynaa shacabkanaga gumaysiga waxaanu qorshayaashanada ku diyaarinaa geedahan hoostooda Majiraan meelo gaar ah oo loogu talo galay inaan gumaysiga iskaga hornimaadno waxaanu kula dagaalamaynaa magaalooyinka waxaanu ka ugaarsanaa wadooyinka kuma dagaalano shacabka gudihiisa qof sheegi karaa ma jiro inan isku qarino shacabka gudihiisa dagaalyahanada jabhada waa la yaqaanaa labiskooda iyo muuqaalkoodaba waxay weeraraan ciidamada Ethiopia meelahay saldhigyada ku leeyihiin iyo meelahay marayaan ciidamada Ethiopia hanagula dagaalameen meelaha shacabku ka dheeryahay waana inay joojiyaan beegsashada shacabka waana inay nagula dagaalamaan goobaha banaanka ka ah shacabka Waxaanu ognahay inay ciidamada Ethiopia bartilmaameed ka dhiganayaan goobaha shacabka si qorshaysana ay shacabka u waxyeelaynayaan iyagoo qorshayaalkooda magacyo u samaysanaya sidaas darteed jabhadu iskuma dhex qariso dadka shacabka ah kamana dhigato gaashaan ama difaac S= jaamac nuur xagee iyo side ayaydun kaalmo iyo maalgalin ugu heshaan dagaalka aad Ethiopia Kula jirtaan ? J= CABDI KARIIM SH MUUSE waxaa yaalay gobolka qalab military oo badan , geeskana Africa wuu bur buray dhamaantii somaliya way bur burtay Ethiopia way burburtay waxaana jiray jabhado badan oo ka hawlgalayey gobolka geeska Africa arimahaas oo dhan ayaa keentay in hubku ku faafo meelo badan hada waxaa nagu filan hubka aan haysano dhinaca kale maalin walba hub cusub ayaan ciidamada Ethiopia ka furana malihin eirport iyo degad midna kuwas oon hub kala soo dagno mana jiraan dawlado nasiiya wax qalab miletery ah hubkii hore iyo waxii aan ka qabsano ciidamada Ethiopia ayaanu kula dagaalanaa waxaanu ku dagaalanaa maalkayaga iyo naftayada shacabkanaguna waxuu na siiyaa taageero buuxda illaahayna taageero ayaan ka hellaa mida ugu muhiimsana waa midaas illaahay isagaa gacmaha nahaya guushana na siiya waligano isagayna mahad u sugnaatay S=jaamac nuur somaliya waxay ahayd albaabka aad caalamka dibada uga sii gudubtaan hadana ciidamada Ethiopia ayaa jooga muqdisho sided u aragtaan isbalaadhinta Ethiopia ay gobolka isku balaadhisay hawl galadiinase wax saamayn ah maku yeelatay ? J=cabdi kariim sh muuse waxaanu ahayn kuwo ay dhibaato badani haysato mashaakilkii nahaystay oo kale ayaa ka u gudbay somaliya waan ka xunahay in badan waxa uu la kulmayo shacabka somaliyeed waxaa ka xunahay waxa ka dhacaya muqdisho dhaxdeeda midaas waa na xanuujinaysaa in badan laakiin marka dhinaca kale laga eego waxaan aragnaa shacabka somaliyeed waxuu bilaabay inuu nagala qayb qaato dabka taas oo ahayd mid uu ku gubtay shacabkagana reer ******iya iyo khatartii handadaada ahayd ee nagu koobnayd waxay gaadhay dhamantano anaga iyo somaliya Cadawgii nagu dilayay kobtantada ayaa iyagan halkaas ku dilaya cadawganagu waa hal mid ah waxuu doonayaa cadawgaasi inuu qabsado somaliya dhamaanteed gaar ahaan budhcada tigreygu waxaan ugu baaqayaa shacabka somaliyed inay u midoobaan siday uga hortagi lahaayeen cadawgan isaga ah oo ay ka xoraystaan wadankooda oo ayna difaacaan naftooda kana hortagaan cadawga ku soo duulay S=jaamac nuur waxaa la sheegaa in laydinka taageero dhinaca ereteriya dhinac maal galin iyo xag asgariba midaasi run ma tahay ? J=cabdi kariim sh muuse su,aashaas iyada ah waa nagu soo noqnoqotay In badan waxaad cilaaqo la leedihiin ereteriya waa arin dad badan ay soo cel celiyaan waxaanu marar badan sheegnay anagu inaanaan kala kulmin wax taageero ah noocay doontaba ha noqotee ereteriya Ereteriya waa naga fogtahay juqraafi ahaan lama wadaagno xuduud xuduudkeeda somaliya jabuuti iyo Ethiopia hadii ayba go,aansato inay na saacido malihin meelo ay wax nooga soo gudbi karaan oo ay naga soo gaadhsiin karto musaacadaadkaas xageebay soo mari marka musacadaadkaasi ? laakiin waxan garanaynaa sababta naloogu tuhmo in nalaga caawiyo ereteriya cadaw ayay nala wadaagtaa waana cadawga Ethiopia kaasi oo doonaya burburinta ereteriya iyo inay adoonsato shacabkeeda anaguna waan la dagaalamaynaa Ethiopia taasoo qabsatay ******iya waxaanuna u soconaa xoraynteeda S= jaamac nur laakiin waxaa laga helayaa dagaalyahanadiina qaar ka mid ah Oo tababar ku soo qaatay ereteriya Iyo qayb ka mid ah hogaamiyaashiina oo ku sugan asmara ? J=cabdi kariim waxaan tagnaa dawladaha caalamka ereteriya yeman iyo dawladaha carabta ee kale waxaan joognaa dawlada maraykanka jabahada madaxdeeda qayb ka mid ah waxay booqdeen Paris ereteriyana waa dawladaha xorta ah ee aanu booqano , markaa ma la oran karaa faransiisku waxuu idiin fidinayaa hub maxaa yeelay wafti jabhada ah ayaa booqday ? america mahubay nasiisaa !? hadaan soo kobo waxay ereteriya ka mid tahay dawaladaha aan cilaaqaadka la leenahay cilaaqaad aan midaas ahayn oo isku kaana xidha malihin S= Jaamac nuur dastuurka Ethiopia waxuu ogolaanayaa xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashiga dhamaan gobolada shardina waxaa ah in afti laga qaado shacabka maxaad u dalban waydeen xuquuqdiina dariiqa dastuuriga ah oo aad uga badbaadin weydeen naftiina iyo shacabkiina dhibaatada dagaalka ? J=cabdi kariim sh muuse haduu dastuurka Ethiopia yahay mid fiican waxaa uu u fiican yahay Ethiopia namana khuseeyo ethiopiana ma nihin hadii aan nahay kuwo aqbalaya dastuurka Ethiopia amase inaan la midowno waxaan xaq u leenahay inaa marka hore nala weydiiyo ra,yiganaga waxaan hore kuugu soo sheegay inaanu kala saxeexanay heshiis ama balan jabhaduhuna ay u dhanaayeen markii uu bur burey nidaamkii mingiste waana midka waajibiyay go,itaanka ereteriya ay ka go,day Ethiopia Anagase waa na khayaameen waxay weerareen jabhada waxayna burburiyeen shacabka waxaanu maanta leenahay haduu dastuurka Ethiopia damaanad qaad fiican leeyahay ha u ahaado Ethiopia haduu yahay mid xun ethiopia haw xumaado Ma doonayno inay cidi nagu qasabto inan aqbalo dastuurka Ethiopia mana nihin Ethiopian waxaan dalbanaynaa afti shacab laga qaado oo uu ku go,aansado waxa uu doonayo taasi aya ah mida aanu doonayno S=jaaman nuur qalabkiina casgari waa mid daciif ah xukuuumada ethiopiana waxaa lagu yaqaanaa xoog badan ciidan badan sided uga hortagaysaan ? J= cabdi kariim sh muuse ka dib markay qabsatay dhulkanaga waxaan go,aansanay inaan wax ku difaacno awooda aan leenahay iyo waxa gacanta noogu jira xaqaana ah midka hiiliya Maahmaah somaliyeed baa ahayd dad yaraan loogama haro dagaal duunyo yaraana deeq loogama haro Haa waxaan nahay shacab la haysto qalabkooduna daciif yahay hase ahaatee waan dagaalamaynaa maxaa yeelay waxaan nahay dadka dhulka iska leh waxaan u huraynaa maalkanaga iyo naftanada iyo dhamaan waxaan heli karo Waanu hor istaagnay ciidamada Ethiopia waanan jabinay waanan sii wadaynaa la looltanka iyo difaaca illaa aan ka xorayno illaa taakada u danbaysa ee dhulka ******iya balantanadu waa taas wanan jabinay waanan jabin doonaa S=jaamac nuur hadaan ka soo qaadno idinku inaad ku guulaysataan saaritaanka ciidamada Ethiopia ee gobolka ma samaysanaysaan dawlad madaxbanaan mise waxaad ku darsanaysaan somaliya si aad u xaqiijisaan hadafkii iyo riyadii somaliweyn ? J= cabdi kariim sh muuse dawlada aan rajaynayno inaan ka taagno ******iya waa dawlad matasha shacabka shacabkuna waa midka arintiisa go,aaminaya sida ay dawladaasi ahaanayso waana midka go,aansan ciduu la midoobi doono dhamaan waxaan u soconaa u dhisitaan dawlad amuuraha kale oo ku saabsan sida ay noqon doonto dawladan waxay u taalaa shacabka oo kaliya dawladaas arinkeedana isagaa go,aansan doona Dawrka dawladaha iyo hay,aduhu ku leeyihiin loolankan mustaqbalka S=jaamac nuur seed u aragtaan heshiiska adag ee ka dhexeeya Ethiopia iyo dawlada mareykanka ? J= cabdi kariim sh muuse waxaan aaminsanahay dawlada mareykanku inay masuul ka tahay qayb weyn oo ka mid ah dhibaatooyinka ka dhacaya ******iya hubka ay u adeegsadaan ciidamada Ethiopia dilka shacabka ******iya waa hubka maraykanka iyo lacagta maraykanka waxay siiyaan tababaro ciidamada Ethiopia Dawlada maraykanku waa dawlad wayn oo caalami ah waxaa waajib ah inay daafacdo xaqa shacabka ******iya laakiin maaha inay ka qayb qaadato laynta shacabka iyo barabixinta shacabka somalida ******iya si toos ah iyo si aan too ahyn ba waxaan ka codsanaynaa dawlada mareykanka inay joojiso dhamaan taageerada dhaqaale iyo ta miletery ee ay siiso dawlada Ethiopia waxaan ka codsanaynaa inay cadaalad samayso kama codsanayno inay anaga nala safato kamana codsanayno inay Ethiopia calaaqaadka u goyso waxaan ka codsanaynaa oo kaliya inay il cadaalad ah ku dhawrto qadiyadanada Adiguba waxaad ogtahay in hubka iyo lacagta America lagu laayo shacabka oo lagu tirtiro Dawlada maraykanku yaysan shacabkeeda wax cadaawad ah u abuurin cidnana yaysan ku xadgudbin S= jaamac nuur waayadan danbe waxaa soo muuqda gobolka hay,adaha xuquuqda u dooda iyo kuwo qaramada midoobay ka socda ma qiimayn kartaa waxay qabteen maxaadse ka fileysaan ? J=cabdi kariim sh muuse haa dadaalo ayay sameeyeen waftiyadaas ka socday caalamka iyo hay,adihii xuquuqul insanku marar badan ayay isku dayeen inay gobolkaas galaan oo ay soo arkaan sida shacabkaas xaaladiisu tahay laakiin maamulka Ethiopia ayaa carqalado badan ku keenay Haa wey garteen wax badan oo ah dhibaatooyinka shacabku ku noolyihiin iyo isir baabi,inta ay la kulmayaan laakiin dhibaatadu waxay tahay hay,adahani uma ayna gudbinin caalamka sawirka dhabta ah ee ka jira gobolka waxay qariyeen wax badan oo ka mid ah ceebaha Ethiopia Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waan soo dhaweynaynaa wafuudkasta o u socota xaqiiqo raadin ha ahaadaan qaramada midoobay ama dawladaha deeqda bixiya iyo qof kasta oo xaqiiqo raadinaya laakiin hal shay ayaan ka codsanaynaa taasoo ah inay xaqiiqada jirta cadeeyaan siday u jirto iyo waqtiga ay munaasibka ku tahay Maanta waxay arkaan dad dhimanaya oo lalaynayo oo laga barabixinayo guryohooda dabadeedna lix bilood ka bacdi ayay odhan doonaan waxaan aragnay dad dhibaataysan taasi wax miyay anfici? Waxay arkeen tuulooyinkii oo la gubay hantidii oo la dhacay dabadeedna waxay odhanayaan sanad ka dib tuulooyin iyo magaalooyin ku yaala wadanka ******iya ayaa lagubay waxaan ka codsanaynaa xaqiiqada inay gudbiyaan siday u jirto iyo waqtiga ku haboon S= Jaamac nuur waxaad tiraahdeen ingiriisku isagaa u dhiibay gobolkan dawlada Ethiopia muxuu yahay dawrka ay ku leedahay dawlada ingiriisku dhibaatooyinka shacabka haysta ? J = cabdi kariim dawlada ingiriisku way khaaintay shacabka reer ******iya intay khaaimeen ayay buriyeen balankii ay la galen odayaasha iyo wax garadka ******iya dabadeedna si kadis ah ayay gacanta u galiyeen xukuumada Ethiopia wadanka ******iya shacabka reer ******iya waxay garbaduub ugu xiran yihiin geedkii ay ku xireen ingiriisku kaasoo wali dugaagu ku cunayo Sida wanaagsani waxay tahay in uu maamulka ingiriisku masiiliyadiisa ka soo baxo Oo jiilka maanta joogaa ay hagaajiyaan waxii ay aabayaashod iyo awowyadood ay xumeeyeen waxaa la yiraahdaa dhulka ******iya waxuu le,egyahay dhulka ingiriiska haduu uusan dhulka ******iya wax yar ka weynayn Dhulka baaxadiisu intaa le,egtahay halwado ihi kuma taalo warshad kuma taalo lagama helo ceel biyo nadiif ah leh oo dadku ka cabaan dugsi sare lagama helo jaamacadna warkeedba daa haldhakhtar ah malaha oo hadii qof mas qaniino lageeyo Irbad xanuun baabi,iso ah lagama helo hadii loo baahdo mesha ugu dhaw ee xaalad deg deg ah haday timaado waa magaalada adis ababa Wakaa dhaxalkay nooga tageen ingiriisku S= jaamac nuur 13 sano ayaad kala soo horjeedeen dagaal hubaysan ciidamada Ethiopia wax is badal kuma imaanin joogitaankeeda ilaa hada miyayna gaarin waqtigii aad siyaasadiina ku laaban lahaydeen oo aad la furtaan wada hadal ? J= cabdi kariim muuse anagu maanaan diidin waligano wada hadal inaan la furo dawlada Ethiopia wadahadalkanaguna waxuu dhacay lix mar 1994 waxaan u diray wafdi wada hadal waxayna sameeyeen balan fur waxayna dileen madaxii wadahadalka iyo qayb ka mid ah waftigii la socday Marlabaad ayaan wadahadal la galay waxaanan u diray wafti xanbaarsan qodobadii wadahadalada waxayna ku riday xabsi waxayna nagu kaliftay inan xoog ku soo furano markii danbe Wadahalku waxuu ka imaanaynay markasta dhinacanaga nabad jeceyl awgeed iyo inaan kala dhawrano dhiig daata Laakiin waxaa la yiraahdaa Ethiopia maskax xabadu gasho ayay leedahay ee maskax hadal galo malaha anagoo og arintaas hadana waxaan doonay inaan maqashiino codka caqliga Waxaan doonay inaan u sheegno inayna ku guulaysanayn adeegsiga hub iyo awood kasoo horjeedkanaga waxaan u sheegnay inaan wada fadhiisano oo aan xalino mashaakilaadka naga dhexeeya ee aas aasiga ah si aan uga fogayno shacabka dhibaatada iyo halaaga iyo dhiig daadinta waana ay diideen S=jaamac nuur ma rajeynaysaa inay guushii dhawdahay loolankiina Ethiopia idinkala dhexeeya ? J= cabdi kariim sh muuse haa xalku waa dhawaaday xaqiiqdii waan jabinay quwadii Ethiopia waqtigan isaga ah bixitaan ayayna ku jireen ay gobolka kaga baxayaan markii ay isu raacraacday jab iyo guuldaro ee ay garaysteen faaiido la,aan inay tahay ku sii jiritaanka gobolka ******iya waa ka guurayaan midaas ayaa ah dariiqa xalka ah Waxaa jira dariiq labaad oo uu xal ku iman karo waana inuu mujtamaca dawliga ahi uu soo dhex galo qadiyadanada loolankan cimrigiisu aadka u dheeryahay , caalamka dhamaantii waxuu isutaagay mushkilo yar ee daafuur ee mudadeedu dhawdahay waxaanu caalamku is ilowsiinayaa qadiyad uu cimrigeedu yahay 50 sano waxuuna hada marayaa markii ugu xumayd hadii uu mujtamaca dawliga ahi masuuliyadiisa qabsado uuna ku qasbo xukuumada Ethiopia unay u ogolaato shacabka ******iya aayo katalintiisa markaa waxaa suurowda inuu xal yimaado Waxa Turjumay Xaashi Dhicis source: www.Hanqadh.com the interview in video. Quote Share this post Link to post Share on other sites