Sign in to follow this  
General Duke

Curfew on parts of the capital..

Recommended Posts

Bandow saaran xaafada Huriwaa ee Muqdisho.

Last Updated::2007-05-16 19:04:45

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho

Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa wareegto uu soosaaray waxa uu amar ku siiyey ciidanka inay bandowsaaraan xaafad Huriwaa oo ayaantaanba uu amaankedo faraha ka siibaxayey.

 

Bandowgan ayaa waxa uu ka bilaabandoonaa 6:00 maqribnimo illaa 6:00 subaxnimo sida lagu sheegey wareegtada Gudoomiyaha.

 

Waxay wareegtadani timid ka dib markii shalay qarax xoogbadani kadhacay xaafadaasi iyadoo maalmo ka horna lagu dilay gudoomiyihii xaafadaasi.

 

Waxa uu gudoomiyuhu wareegtadan ku sheegey inuu gaar u yahay bandowgu xaafadaasi oo qura cid kasta oo isku dayda inay jabiso amarkaasna tallaabo ciidanku ka qaadi doonaan.

 

Wareegtadan ayaa ah tihii ugu horreysay ee Maxamed Dheere uu soosaaro amraysana bandowgan oo kale tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay.

 

Maxamed Maxamuud Welcome

Fanaan@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandow lagu soo rogey Heliwaa

16 May 16, 2007 - 9:02:13 AM

 

Degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa maanta bandoow aan la sheegin mudada uu socon doono waxaa kusoo rogay maamulka gobalka Banaadir.

 

Bandowgani lagu soo rogay degmada Heliwaa ayaa lagu micneyay kadib markii mamulku uu arkay xaalada nabadgalyo xumi ee ka jirta Heliwaa iyo dilkii loogaystay gudoomiyihii degmadaasi, oo kooxo hubaysani ay ku dileen agagaaraha gurigiisa iyo sidoo kale marka uu xaqiiyey maamulku weerarkii lagu qaaday saldhigii degmada.

 

 

Guddoomiyaha gobalka Banadir Max'ed Cumar Xabeb "Max'ed Dheere" oo bandoowgan maanta kusoo rogay degmada Heliwaa ayaa sheegay in wax badan laga qaban doono xaalada degmadaasi oo u ku sheegay inay tahay tan ugu ammaan daran marka loo eego degmooyinka kale ee gobalka.

 

Max'ed Dheere waxa uu sidoo kale sheegay inaan loo dulqaadan doonin kooxaha uu ku tilmaamay argagaxisada oo uu sheegay inay fowdo iyo qalalaaso ka abuuri rabaan magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha waxuu sheegay in bandoowga uu bilaaban doono 6 Marqibnimo xiliga Somalia isagoo ku goodiyay in cidii la arkaa xiligaasi kadib iyadoo socota in talaabo adag oo aan horey loo arag lagu qaadi doono.

 

"Inta aan ahay Guddoomiyaha gobalka Banaadir lagama yaabo inay gobalka joogaan kooxo kasoo horjeeda nabada waana la dagaalamayaa, waxaana ku dadalaayaa sidaan gobalka ugu ciribtiri lahaa kooxahaasi" ayuu yiri Max'ed Dheere.

 

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan in qof walba uu nadiifiyo iridkiisa isla markaan reerkii lagu arkaa qashin hor yaala la ganaaxi doono.

 

Isku soo duuboo, bandoowgaan lagu soo rogay degmada Heliwaa ayaa yimid kadib markii maalmihii ugu dambeeyay degmadaasi ay ka dhaceen falal ammaan daro ah.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere: "Qaraxyada ka dhaca Muqdisho waxaa ka dambeeya kooxo xiriir la leh Al-Qaacida waana..."

 

MAY 16. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdsiho Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan dad xiriir toos ah la leh Al-Qaacida.

 

Maxamed dheere wuxuu sheegay in qaraxyadaas ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan dad caddaan ah oo ka tirsan Al-Qaacida kuna sugan Muqdisho, waxaana uu yiri waxaan doonaynaa inaan kuwaas gacanta klu soo dhigno.

 

"Howsha aan ku doonayno inaan nabad ku soo dabbalno Muqdisho waan sii wadanaynaa mana dhacayso inay na argagax geliyaan kooxaha yar ee fara-ku-tiriska ah ee doonaya inay dhibaatooyin ka abuuraan Muqdisho" ayuu yiri Maxamed dheere oo sheegay in wax walba haku qaadatee nabadda Muqdisho ay curinayaan.

 

Duqa Muqdisho Maxamed Dheere ayaa afka ku adkeeyay in kooxaha ka dambeeya Qaraxyada Muqdisho ay dhawaan damacsan yihiin inay sharciga hor keenaan, waxaan u maraynaa waddo kasta inaan soo qabqabanno kooxahaas ka wada Muqdisho dhibaatooyinka.

 

"Nabadda Muqdisho waa mid muqaddas ah oo aan naf iyo maalba u huraynno, mana dhacayso inay koox yar afka ciidda u darto… waa mid aan ka gilgilanayno taas, waxaana u sheegaynaa cid walba inay ka shaqeyso nabaddeeda oo ay soo gaarsiiyaan ciidammada Dowladda khatar kasta oo ay la kulmaan" ayuu yiri Maxamed dheere oo ku hanjabay in ciddii lagu helo iyadoo gacan-siinaysa kooxaha falalka argagaxa ah wada inay mudan doonto dil.

 

Hadalkaan uu jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdsiho Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed dheere) ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta qarax weyn uu ka dhacay Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidammada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, qaraxaasoo sababay dhimashada 4-askari oo ka tirsan AMISOM iyadoo ay ku dhaawacmeen 5-kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandow Xalay lagu soo rogay mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadiro oo hirgalay

 

Bandow balaaran oo xalay lagu soo rogay mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Boolisku ah degamda ugu khatarsan Gobolka Banaadir, ayaa hirgalay iyadoo xalay dgemadaasi lagu arkaayey ciidamada dowlada Soomaaliya oo wata baabuurta dagaalka oo gaaf wareegaya dhamaan qaybaha kala gadisan ee degmada.

 

Sidoo kale waxaa bandowgaasi ka qeyb qaatay ciidamada dowalda Ethiopia,oo wata baabuurta gaashaaman ee loo yaqaano Ural sida ay sheegeen dadka degmada Hiriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in degamda Hiriwaa ay noqotay degmada ugu khatarsan degmooyinka Gobolka Banaadir, taasi oo uu sabab oga dhigay qaraxyadii lala beegsaday saldhiga degamda Hiriwaa oo uu ku dhaawacmay mid kamid ah ciidamadii kusugan saldhigaas, sidoo kalana waxaa dhac iyo boob loogu geystaa dadka rayidkaa sida uu sheegay sargaal sare oo katirsan ciidamda booliska Gobolka Banaadir,

 

bandowgii xalay lagu soo rogey degmada HIriwaa ayaa hirgalay, sida ay sheegeen saraagiishii ka qeyb qaadatay bandowgaas.

 

Lama shaacin inta uu bandawgaan soconaayo, waloow dadka degamda Hiriwaa lagu wargaliyey in ay san xiliga hameynkii ah aysan socon.

 

Bandowgaa ayaa ah kii ugu horeeyey ee maamulka Gobolka banaadir uu ku dhawaaqo tan iyo markii loo magacabaay madax sare ee Gobolka Banaadir Maxamed Cuamr Xabeeb (Maxamed Dheere.

 

 

Said Ahmed Husein,umalx85@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this