Juje Posted January 12, 2010 Dilkii ka dhacay Minneapolis oo loo qabtey labadii nin ee ka danbeysey KN: Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in ciidamada Amnigu ay gacanta ku dhigeen labadii nin ee lagu tuhunsanaa iney ka danbeeyeen dilkii saddexda nin ee ka dhacdey magaalada Mineapolis. Dilkan oo dhacay maalinimadii Arbacada ahayd saacadda Maraykankuna ahayd 7:45 ayaa niman dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ay soo galeen dukaan iyo Kawaan isku dhexyaalla halkaasna ay ku dileen laba wiil oo ilma adeer ah iyo nin kamid ahaa macaamiishii ka adeeganeysey dukaanka kana soo jeeda Qawmiyadda Oromoda. Labada wiil ee ilma adeerka ah ayaa kala ah Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa meesha wiilka Oromada ahna lagu sheegey Anwar. Nasiib wanaag dilkii ay geysteen dhalinyaradan waxaa si wanaagsan looga arkay Camerooyinka wax duuba waxaana Boolisku ay markiiba sheegeen iney ahaayeen laba dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed ayna soo qabandoonaan iyagoo ka codsadey Soomaalida ku nool gobolkaas iney ka caawiyaan qabashada gacan ku dhiiglayaasha. Midkamid ah labadii wiil ee dilka geystey ayaa la qabtey laguna sheegey inuu yahay 17 jir meeshii midkii kalena uu iskiis isu soo dhiibey markii uu ogaadey inuusan baxsan karin. Illaa iyo hadda lama caddeynin sababta ka danbeysey dilkan. Dilka loo geystey saddexdan wiil ayaa argagax ku noqotey bulshada Soomaaliyeed ee waddanka Maraykanka waxaana laga yaabaa in arintanni isu soo dhaweyso Soomaalida iyo maamulka ka jira gobolka iyo magaalada Mineapolis. Waxaan illaahay uga baryeynaa in wiilashaas janadii geeyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Source Quote Share this post Link to post Share on other sites