Sign in to follow this  
Allamagan

Maleeshiyada Maxaakiimta Oo Buaale ku Laayay Maxaabiis Ay Ku Qabteen Dagaalkii Dajuum

Recommended Posts

Wararka ka imaanaya Degmada Buaale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in maxaakiimta islaamiga ah ay dileen shan nin oo Maxaabiis ahaa oo lagu qabtay iska horimaadkii ku dhex maray Dajuuma ciidamada taabacsanaa wasiirka Gaashaandhigga iyo kuwa maxaakiimta.

 

warka la xariira Dilka Maxaabiixtaan oo soo baxayay tan iyo shalay galinkii dambe ayaa xaqiiqo noqday markii uu magaalada kismaayo xalay soo gaaray Gudoomiyaha Maxaakiimta J/Hoose Axmed Sh Maxamed Islaan (Madoobe) oo ka soo ambabaxay Buaale watayna dhawaacii dagaalka ee dhinaciisa oo isla maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Hadal haynta ugu Balaaran ee dadka ku nool magaalada kismaayo ayaa waxaa ay ahayd maanta talaabada ay maxaakiimtu ku dileen Maxaabiistaas ay gacanta ku hayeen lixdii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Xubno ka tirsan ragga uga jira Beesha **** maxaakiimta islaamiga ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay Gedonet in ragaas ay laayeen Niman maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Beesha Xasan Turki ayna u dileen arimo qabil ayna qaadi doonaan tallaabooyin hadii aan tiirka cadaalada la hor keenin raggii xasuuqa geystay uu ugu horeeyo madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose Axmed Madoobe.

 

Dhinacoodana odayaasha dhaqanka Beesha **** ayaa maanta kullan xasaasi ah ku yeeshay xafiskooda kismaayo, waxaana ay kaga hadleen xasuuqa Buaale loogu gaystay dhaawaca maxaabiista ka soo jeeda beesha ****.

 

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, afhayeenka golaha dhaqanka Beesha **** ee J/hoose ayaa sheegay in ka dalbanayaan maxaakiimta in ay Jawaab cad ka bixiyaan falalka arxan darro ee ka fog shareecada ee loo gaystay dhaawaca. "Waa waxaan horay loogu arag islaamka iyo soomaalida in dhaawaca la toogto inta maalmo la hayo waxayna u muuqataa arin aargoosi ah oo kolley cawaqaib xun uu ka dhalan karo ayuu yiri Nabdoonka oo ka digay dagaalo ahli ah oo ka dhallan karo hadii hadafka maxaakiimta la huwiyo shaati aano qabiil.

 

Qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee ka soo jeeda Beesha **** ayaa iyaguna dareen carro leh ka muujiyay falka lagu dilay maxaabiistaan oo ka soo kala jeeda Beelaha reer dalal, reer Ugaas Sharmarke, habar Ciise, talxe iyo reer shirwac Diini.

 

GedoNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this