RedSea Posted December 19, 2007 The million plus that have fled and those still living in the nighmare in Muqdisho under the thugs, criminals, occupiers did not experience Eid at all. Magaalada Muqdisho oo aan maanta si weyn looga ciidin Arbaco, December 19, 2007(HOL): Maanta waxay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidda Carafo, waana maalin farxad leh oo ay dadka Muslimiinta ah si weyn u maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay dadka Muslimiinta ah leeyihiin. Hayeeshee Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaan maanta si weyn looga ciidin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Muqdisho, isla markaana dagaallo ka dhacay ay ku barakaceen dad boqolaal kun gaaraya, kuwaasi oo badankood ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Maamuuska ay Dadka Muqdisho u sameeyeen Ciidda Carafo waxay kaliya sanadkan ku soo koobantay in ay guryahooda iyo masjidyada ku yaala xaafadahooda ay ku tukadaan Salaadda Ciidda, kadibna ay isal xaafadahooda ku xafladeeyaan. Sidii horay u dhici jirtay ma jirin saaka Dad isu maalin joogayay oo isa soo booqanayay, waxaana qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa aysan nabadgelyo darrada ka jirin lagu arkayaa caruur aan badneyn oo ku ciyaaraya guryahooda hortooda. Sidoo kalena, Ciiddan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay jiraan Dad badan guryahoodii ka barakacay, isla markaana ku nool geedo hoostood iyo weliba aqallo cooshado ka sameysan, kuwaasi oo ay ka sameysteen meelaha ay u qaxeen, waxayna dadkaas inta badan ku nool yihiin deegaanada Ceelashada Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, Dayniile, Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Magaalada Muqdisho duleedyadeeda. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Muqdisho ayaa saaka marka ay isugu hambalyeeyaan munaasabada Ciidda kadib waxay ku duceysanayeen in Allaah uu dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu Ciidaha soo socda gaarsiiyo iyadoo dalku nabad yahay. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 19, 2007 Yaan la ilaabin Dhiiga Xamar yaala: "Never Forget Never forgive"...it year ago when the occupiers rolled into somalia's capital city. Axaddii 16/12/07 waxa indhaheygu qabteen dhacdooyin naxdin leh oon hore laabta ugu hayey, bal se aanaan indheha saarin. Waa warbixin uu si geesinimo ah u soo tebiyey Wariyaha Aljazera English ee Maxamed Caddow. Goobtu waa Muqdisho iyo suuqa Bakaaraha, waxa dhankaad eegtaba yaal mayd dhiig baxay, dhawacyo gurmad waayey, dad naxdini engejisay. Waa sawir cid kasta oo damiir lihi ka naxayso. Toddobaadkii hore ayaa anigoo dhakhtar u tegay, ayuu dhakhtarkii iiga sheekeeyey maqaal uu ka akhriyey jariidada Independent ee dalkan Ingiriiska ka soo baxda. Taas oo soo qaadatay dilka shacbiga Xamar iyo dhibaatada dhakhaatiirta, dawo la’anta iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan. Waxuuna ii sheegay inuu cabashadii uu shaqada ka qabay uu iloobay, Illaahayna u mahadnaqay koluu arkay duruufaha ay dhakhaatirtaasi ku shaqeeyaan. Waxuuna bilaabay inuu la xidhiidho Dhakhaatirti aan Xuduudka Lahayn (MSF), isagoo isu diyaarinaaya inuu seddex bilood sanadkii ka hawl galo. Waxuu I weydiiyey sida aan Soomaali ahaaan u dareeno dhibaatada Xamar ka taagan. Waxay igu noqotay dhinbiil dab ah. Waxaan la dhididay dareenka ninkaas iyo dhaayo la’aanteyda. Waxaan u sheegay kolka arrintaas oo kale adiga kugu dhacayso inaad yeelanayso adkeysi aad balaayada u barato. Kolkaas muddo labaatan sano ka badan ayaa Soomali dil iyo burburin ku jirtay taas ayaa dareeenkeena qalajisay. Waxaan u sheegay in ay dhibta iyo dhiiga loo barto, oo horaa loo yidhi balaayana barasho leh. Waana mid aan admigu ka soo waaqdeen aafooyinka ku habsada haddii ayna jirin. Waa nimco markaad sidaas u eegto. Haddana markaan sawiradii TVga arkay mar kaliya ayaa qalbigu I qoyey, waxaana indhaheyga la jaanqaadeen dareenka qalbiga iyo maskaxda taabtay, oo waxay ugu soo gurmadeen ilmo aan oohin wadan. Waxaana igu adkaatay inaan indhaha la raaco sawirada midba mid ka daran yahay. Kolba waan ka yare jeestaa, waxaa se si taam ah u furnaa dhegaha oo si qotodheer u duubaayey warbinta Al-Jazeera TV. Dhacdooyinkani waxay si kedis ah u fureen cajalad ku kaydsanayd qaybta xusuus-dhowrka ee maskaxdayda. Waxa i hor yimid cajalad 1988kii laga sii daayey TVga Wales, U.K oo markii ugu horeysay dunida loo soo bandhigay duqayntii dhul iyo cirba lahayd ee Hargeysa loo geystay, iyo qaxootigii Geeddeeble dayuuradahu kaga dabo tageyn. Cajaladdaas waxaan ka qaaday Cardiff anigoo ku imid fasax, geeyeyna Sacuudiga oon ka shaqayn jiray, deedna intaanu badinay meel walba u dirnay. Waa ayaan darro inaan labaatan sano ka dib sawirkaasi dareenkeyga dib ugu soo noqdo, iyadoo weliba waxa kiciyey tahay dhacdo u dhiganta oo manta dhab u taagan. Waxa meesha ku dhimanayaa waa shacbi taag iyo tamari ka idlaatay,oo meel ay u hayaamaan iyo gabad ay rasaasta noocyada badan ka galaan heysan. Waa dhimasho labada garab ee is haya midna faa’iido ugu jirin, bal se ay tahay mid labadaba wiiqaysa. Waa mid kala durkinaaya ehel, jaar iyo xigaal dhul iyo dad wadaaga. Waa mid raadkeedu kala fogayn karo fac aan weli dhalin, haddaan la dabo qaban. Ma rabo inaan cidna eedeeyo. Waayo xili xisaabtan iyo anfac u dirir lama joogo. Kursi doon iyo aargoosi waxa laga dhaxlaa waa colaad iyo gaajo. Waxa la gudboon in cidda dabka shidaysaa ay keli u xisabtanto, oo ay qiimeyso hooga iyo halaaga ku habsaday dad aan galabsan. Ha eego mustaqbalka iyo nolasha ehelkiisa, ha xuso inaan xoog iyo is-muquunini aan wanaag lagu gaadhin. Xumaan waliba xumaan ayey dhashaa. Nabadda ayaa fure u ah wax kasta oo wanaagsan. Xaq iyo cadaalad iyadaa ka horeysa. Dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, iyo horumar bulsho dhammaan waxa ka mudan nabad. Dhinac waliba, qoff waliba, qoys waliba, jilib waliba, qabiil iyo beel waliba iskeed ha la timaado xabad joojin. Ha la timaado toobad ay Illaahay cafis ku weydiistaan. Ha tanaasilo oo awrka cirka ee u sawirmay ha ogaado inay tahay riyo been ah. Waxa wanaag iyo wado-tashi lagu waayey xabad iyo xoog ma soo xareyn karo. Dagaal kasta oo dhaca, awood kasta oo leysku riixo, dab kasta oo la shido, dil kasta oo la geysto, .dhac kasta oon waxba leyskaga tegin, waxa soo afjara nabad iyo tanaasul ka yimaada dhinacyada carooga iyo bigilka colaadda afuufay. Odhanmaayo waa dabaalnimo in dad ehel ah oo qoys keliya ihi ka dhergi waayaan dhiigooda 20taneeye sano, iyagoon dhawaaqa rasaasta habeena ka nasan. Waxaan se odhanayaa waa ma’siibo ku hoortay reer Muqdisho. Waana mid u baahan inay ka ducaystaan, loogana duceeyo. Geesigu ma aha kan dirirta ku wacan, geesigu waa kan colaadda ku soo afjara nabad iyo deganaanshe. Waxa ah waajib islaam oo ina saran inaynu dhammaan ku biirino dhawaaq, taakulin, iyo talooyin nabadeed. Waxa xil gaar ihi saran yahay aqoonyahanka, isimada, siyaasiinta iyo ugu horreyn culumada diinta. Colkeena nabadda haysta waxa inala gudboon inaynu ka qayb qaadano baaq iyo talooyin nabadeed. Waa inaynu ka naxnaa dhiiga sakooye, ee aynu inagu tol, xigaal iyo xigtaba u nahay. Waxa dareen walaalnimo looga baahan yahay Soomalida oo dhan meel ay joogaanba. Wa in isla mar sawaxan nabadeed laga maqlaa Soomaaliland, Jabuuti, Soomaalida Galbeed, NFD iyo gobal kasta oo ka tirsan Soomaaliya. Waxa sidoo kale looga baahan yahay qorbojooga, oo weliba looga fadhiyo tageero dhaqaale iyo baaqyo ay u qoraan Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Urub, iyo Maraykanka iyo dawlad kasta iyo ha’yad kasta oo wax la moodo, laguna baraarujiyaa mugga ay dhibaatada aadmi ee Xamar ka jirtaa leegtahay. Iyadoo aynu ku jirno ayaamihii xajka, waxa inala gudboon inaynu duco, qoraan akhri iyo anigoo ku eegna indho raxmadeed walaalaheena colaaddu naafeysay. Gabayaaga iyo suugan yahanka waxa looga fadhiyaa hanuunin iyo wacyi-gelin nabadeed. Waana in hadafku ahaadaa xabad joojin iyo wada hadal soo afjaro dhiiga dharaar iyo habeenba sida roobka qulqulaaya wadooyinka iyo darbiyada Muqdisho. Waa in dhalinyarada jidhkooda la solaayo loo sheegaa inay dal xor ah oo ubadkoodu ku nasto, ay ku heli karaan oo keliya intooda diriraysa oo gacmaha is qabsada, nabad la yimaada, oo u guntada badbaadinta dadkooda iyo dalkooda. Mustaqbalka dhalinyaradaa leh, maantana iyagaa loo adeegtaa burburka iyo halaaga hadheeyey hoygoodii iyo nolashooda oo dhan. Illaahay aan barino inuu ciiddan inooga dhigo mid la kowsata nabad mar uun si dhab ah u hadhaysa dhammaan degaanada Soomaalidu degto. Qof walow gacmaha kor u tag laabta ku qabo duco Illaahay aad ka barido inuu nabad degdeg ah u soo dejiyo meel kasta oo Colaadi ka jirto oo Islaam dego, si gaar ah ugu xuso Muqdisho iyo degaanada Soomaalida. Seddex Qul Wale akhri, Fataxadana ku afjar iyo Saliga nabiga SCWS iyo Aamiin. Illaahow naga aqbal ducada, waxaanu nahay addoontaadii oo tamar u weyday inay wanaaga is-tusaan, ee Illaahow na soo hadee. Rabow nagu soo weeci wadiiqada xaqa iyo nabadda, naga leexi dhabbada colaadda iyo dhaca. Illaahow camalkayaga xun, ha nagu ciqaabin, taladana hanoogu dhiibin dar aan kaa baqeyn anagana noo naxeyn. Aamiin. DHAMMAANTIIN CIID MUB’AARIK IYO MAALIN DUCO. Fiiro gaar ah la socda barnaamajyada Aljazeera ee ay sida wacan adduunka ugu soo tebinayaan dilka iyo darxumada Soomaaliya ka jirta. Ahmed Arwo Cardiff, U.K. samotalis@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 20, 2007 Nolol meel aysan ka jirin Ciid kama dhicikarto Maanta waxa ay aheyd maalin farxad leh, maalin ciid ah, maalin Muslimiinta ku weyn, maalin qadari leh, maalin waajib ah oo gudasho mudan islamarkaasna muslimiin aad u farabadan ay ku gudajereyn gudashada Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka, waa sax Muslimiinta waa ay faraxsanaayiin, waana ay u dabaaldagayeen Ciida laakiin dhib baa jiray gobo badan oo Dunida Islaamka ka mid ah Soomaaliya, Palastian, Ciraaq iyo Afghnistan dhibaatooyin ayaa muslimiin loogu geystay intee lagu gudajiray diyaargarowga iyo dabaaldaga Ciida, goobo ka mid ahan wadamada aynu soo sheegnay maba aysan jirin dad isugu soo baxay oo farxada ciida sidaa looga dhiihan karay marka laga reebo tukashada salaada ciida oo ay muslimiinta ka wadamideysnaayeen. Soomaaliya Muqdisho waa magaalada ugu weyn Soomaaliya, waana magaalada ay ku noolaayeen dadka ugu badan Somalia ka hor imaanshaha Itoobiya ee Muqdisho, waxa ayna ka mid aheyd magaalooyinka sida weyn looga dareemo Maalinta ciida, wadooyinka, gawaarida, goobaha dad weynaha isugu yimaadaan waxa ay ahaan jireyn goobo aad u mashquul badan, taa waxaa sii dheeree Caruurta oo iyagana qeyb ka qaadan jiray farxada ciida oo wadooyinka iyaga oo xeyn xeyn u socda hadba dhinac ugoynjiray, sax,taas waa ay jirtay waaxa ayna aheyd Caado in wadooyinka ay buuxsamaan, garaawida mashquulkoodu bato, Laakiin Labo ciid oo aynu hadda tii labaad ku gudajirno waxaas oo dhan Muqdisho ma ka jireyn. Maanta "Masaajidyo tiro yar ayaa laga maqlayay Codka Takbiirta, mana jirin Caruur labisan ama farxad ay ka muuqato oo wadooyinka magaalada dhexmarayay, sidoo kale mashquul magaalada laga dareemayay ayaan jirin," sidaas waxaa ii sheegay Mid ka mid ah saxafiyiinta soomaaliyeed oo jooga Muqdisho laguna magacaabo Axmed Aadan Ibraahim (Saadaam). Xiligaas waxa uu Axmed ku sugnaa Banaanka hore ee Gurigiisa oo laga kala qaxay waxa uuna kasoo noqday Masaajid u dhawaa oo isaga iyo dad tiro yar ay salaadii ku tukadeen, waxa uu ka hadlayaa sababta uu Guriga kucileneysa ee uusan uga fogaan hoygiisa. "Sababta waxa ay tahay ma jirto marka koowaad Goob aan aado maxaa yeelay magaalada dhan ayaa cidla ah gaar ahaan xaafadeyda, mana lahan dad aan qaraabo salaam u adaado maxaa yeelay Aniga iyo dad ila mid ah ayaa magaalada ku haray si ay guryaha uga caabeyaan kooxaha gurayaha u dhaca". Calas Maxamed Guutaale waxa uu isna ka mid yahay dad tiro yar oo ku haray Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid oo fariisimo ay ku leeyihiin Askarta Ethiopianka ah,waxa uu fadhiya dhayax yar oo u dhow Gurigiisa si haddii ay rabshado ama iska horimaadyo ay ka dhacaan xaafada uu horay ugu sii galo Gurigiisa. "Waxa aan dareemayaa nolol Mugdi ah, cidlo, cabsi saa'id ah iyo murugo joogta ah, aniga iyo rag kale oo tira yar ayaa xaafada kusoo harnay, Maanta salaada waxa aynu ku tukanay Gurigiina dhexdiisa maxaa yeelay ma aysan jirin Masaajid noo dhow oo aynu aadi karnay si aan salaado usoo tukano." Isaga oo laga dheehan karo sida uu uga xunyahay xaalada uu ku jiro waxa uu yiri, "Xarunta Istaadiyaamka Muqdisho oo aheyd goob maanta oo kale la isugu yimaado waxaa ku sugan xoogag Itoobiyaan ah, sidoo kale Masaajidyo farabadan ayeey ku jiraan ama dardood u xiran, Suuq iskaba daa". " Maxaan ciidnaa Nololshii ayaaba meel noo saarneyne, cunto la'aan ayaa na heysta adinka waxa aad ka hadleysaan Ciid ," sidaas ayaa laga soo xigtty hooyo Soomaaliyeed ah oo tiro caruur ah heysta islamarkaasna ku sugan xaafada Suuqaxoolaha ee Degmada Hurwaa ee Magaalada Muqdisho. Waxa ay ka mid tahay qoysas ayaad u tabaryar ama u liita oo aan wali ka qixin Xaafada Suuqa xoolaha sababo dhaqaalo awgood. "Salaada aniga iyo caruurteyda waxa aynu ku tukanay gurigeena, walaaloow farxad iyo ciid ciid nooma taal, haddii aan taas awoodno halkan khatarta badan ayaan ka bixi laheyn ," ayeey ku cataabtay hooyadaan Soomaaliyeed. Waa wiil 12-sano jir Soomaaliyeed ah kuna sugan Deegaanka Suuqa xoolaha, "Aniga ma ciidin, caruurtii dhan waa ay naga guureyn aniga ayaa halkan joogno kale". Fagaarayaasha waa weyn ee Muqdisho ayaa xiligan waxaa ku sugan ama xarun ay u tahay Kooxo Itoobiyaan ee jooga Muqdisho. Sheekh C/raxmaan Sheekh Maxamed Xasan Diirshe waxa uu ka mid yahay Culumada Soomaaliya, hadda waxa uu ka mid yahay tiro Soomaaliya aad u farabadan oo Magaalada Muqdisho kasoo qaxay, waxa uuna ku suganyahay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waxa uuna ka hadlayaa Xaalada Muqdisho iyo ciida. "Maanta Iyadoo ay tahay Maalin faxadeed oo ciid ah, hadda waxa aan aad uga xumay dhibka Muslimiinta somaliada ku heysta Muqdisho, iyadoo ay si weyn ay iitaabaneyso Masaajidyada ay Xarumaha Cibaadada ee aan maanta shaqeyneynin". Ayuu yire Sheekha. Tiro dad Soomaali ah oo isugu jira Qeybaha kala duwan ee Bulshada kana soo qaxay Muqdisho ayaa Soo gaaray Nairobi oo caasimad u ah Kenya. Dadkan waxa ay manta Ciida kala qeybqaateen Muslimiinta Kenya, waxa ayna u ciideyn si wanaagsan, laakiin waxa ay wali ka murugsanyihiin dhibka heysta Soomaaliya Muqdisho oo manta ka hor istaagay inay ciida si wanaagsan oo siddii hore la mid ah ugu taan. Bilaal Cabdi Faarax waa 19-sano jir Soomaali ah oo kasoo qaxay Muqdisho iminka waxa uu ku suganyahay Magaalada Nairobi waxa aan kula kulmay Xaafada Soomaalida ay u badan yihiin ee Islii, waxa uuna muujiyay dareen ka xumaansho xaalada Muqdisho . "Waxa aan joogaa Kenya oo aan waqti dhow imid waxa aana Aniga oo ciidaya aan Murugo haddana la qeybsanayaan dadkeyga Somalia ee Muslimiinta ah, kuwaas oo aan maata si fiican uga qeyb qaadan Ciida". Isaga oo dhinacyada eeg-eegaya, kana baqanaya Kooxda police-ka Kenya oo Somalia ugaarsata waqtiyadan oo kale ayuu waxa uu yiri, "Sax, maanta waa maalin Farxad leh laakiin Murugada waa in aad la qeybsataa walaalahaaga Muslimiinta ah ee Gacanta u galay Cadow xitaa haddii aad adiga dalka kasoo baxday". Labo Ciid oo Muqdisho ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya iyo Askarta Itoobiya ee soo afjartay Xukunkii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa Muqdisho waxa ay noqotay goob ka duwan wadanka Inteese kale, dadkii daganaana waxa ay noqdeen kuwo geeriyooda, kuwo dhaawacma iyo kuwo ka carara oo ka qaxa Guryahooda. 28-December ayeey aheyd Markii Muqdisho ay soo galeyn Askarta Ethiopia waxaana iminka naga xiga wax aan sidaas uga badneyn Todobaad Haddaba Su'aasha waxa ay tahay Muqdisho sedan miyeey sii ... Xigasho [Afeef: Qoraalka waala tifaftiray si sahlan in loo aqristo daraadiis.] Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted December 20, 2007 Qof walow gacmaha kor u tag laabta ku qabo duco Illaahay aad ka barido inuu nabad degdeg ah u soo dejiyo meel kasta oo Colaadi ka jirto oo Islaam dego, si gaar ah ugu xuso Muqdisho iyo degaanada Soomaalida. Seddex Qul Wale akhri, Fataxadana ku afjar iyo Saliga nabiga SCWS iyo Aamiin. Illaahow naga aqbal ducada, waxaanu nahay addoontaadii oo tamar u weyday inay wanaaga is-tusaan, ee Illaahow na soo hadee. Rabow nagu soo weeci wadiiqada xaqa iyo nabadda, naga leexi dhabbada colaadda iyo dhaca. Illaahow camalkayaga xun, ha nagu ciqaabin, taladana hanoogu dhiibin dar aan kaa baqeyn anagana noo naxeyn. Aamiin. DHAMMAANTIIN CIID MUB’AARIK IYO MAALIN DUCO. Aamiin and Eid Mubaraak to everyone. These amazing scenes are from last year when it looked like Xamar had finally turned the corner. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted December 20, 2007 Soomaaliya Muqdisho waa magaalada ugu weyn Soomaaliya, waana magaalada ay ku noolaayeen dadka ugu badan Somalia ka hor imaanshaha Itoobiya ee Muqdisho, waxa ayna ka mid aheyd magaalooyinka sida weyn looga dareemo Maalinta ciida, wadooyinka, gawaarida, goobaha dad weynaha isugu yimaadaan waxa ay ahaan jireyn goobo aad u mashquul badan, taa waxaa sii dheeree Caruurta oo iyagana qeyb ka qaadan jiray farxada ciida oo wadooyinka iyaga oo xeyn xeyn u socda hadba dhinac ugoynjiray, sax,taas waa ay jirtay waaxa ayna aheyd Caado in wadooyinka ay buuxsamaan, garaawida mashquulkoodu bato, Laakiin Labo ciid oo aynu hadda tii labaad ku gudajirno waxaas oo dhan Muqdisho ma ka jireyn. Common MMA, you want to show us Mogadishu was PARARDISE before ethiopian invasion. don't be so NAIIVE or perhaps BLIND. show us other side of the coin. Milions were suffering in Mogadishu while several FAT CATS were enjoying with UMMADDA XOOLEHEEDA. since 1991, Mogadishu has seen LIVE just LIXDA bilood ee Maxkamaduhu xukumayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites