Gabbal Posted March 22, 2006 MAXAMUUD SAYID AADAN: “Ammaanka Jowhar iyo Baydhabo wuxuu kala yahay maalin iyo habeen waayo Jowhar laguma arko Maleeshiyo hubeysan balse halkan waxaad ku arkeysaa…†Talaado, March 21, 2006(HOL): Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in uu farqi weyn u dhaxeeyo nabadgelyada magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. “Nabadgelyada Jowhar iyo Baydhabo waxay kala tahay habeen iyo maalin, waayo Jowhar laguma arko maleeshiyo hubeysan, balse halkan (Baydhabo) waxaad ku arkeysaa maleeshiyo aad u hubeysanâ€ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in ninkii Maxamed Dheere ku tilmaamay nin xukun adag uu yahay nin aan waxba garaneynin. Maxamuud Sayid Aadan waxaa kale oo uu sheegay in falal ammaan darro oo waqtiba kan ka dambeeya sii kordhaya ay ka jiraan Baydhabo, wuxuuna taasi ku macneeyay wada shaqeyn la'aan ka dhex jirta RRA-da dhexdeeda. Mar uu ka hadlayay Wasiirka howlaha shirarka Baarlamaanka ayuu sheegay in wax badan oo cadaalad darro ah ay jiraan, isagoo sheegay haddii aan xal loo helin in ay keeneyso in qolo kasta ay ku laabato deegaankii ay ka timid. Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in ay shirka isaga baxayaan haddii uusan Guddoomiyaha Baarlamaanka ka laaban xubno uu ku daray guddi hoosaadyada Baarlamaanka, “Waxaa noo qorsheysan Baydhabo in aan ka tagno haddii aan tagnana shir kama sii socon doonoâ€ayuu yiri Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta Maxamuud Sayid Aadan oo dhanka kale sheegay in ilaa laga qanciyo aysan ka qeybgeleynin shirarka Baarlamaanka. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites