Sign in to follow this  
RedSea

WHY IS SHARIIFKA SILENT ABOUT THE MASSACRE?

Recommended Posts

RedSea   

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu labo sano gudahood uu dalka doorasho ku gaarsiin doono

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Talaado, February 03, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madaxweyne loo doortay Sabtidii aan ka soo gudubnay ayaa ballanqaaday in uu dalka Soomaaliya doorasho ku gaarsiin doono muddo labo sanadood ah.

 

Madaxweynaha ayaa warkan ka sheegay kulan uu la qaatay Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Meles Zenawi, Mwai Kibaki, Ismaaciil Cumar Geelle, Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Yoweri Musaveni.

 

Diblumaasi sare oo shirka ka qeybgalay, isla makraana diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay si diiran u soo dhaweeyeen madaxdii dhiggiisa ahaa ee shirka kala qeybgalay.

 

Intii uu socday kulanka aan caadiga ahayn ee dhexmaray madaxda IGAD ayuu Madaxweyne Shariif ku wargeliyay madaxdii uu shirka la qaatay qorshayaashiisa ku aadan Ammaanka, Siyaasadda iyo Bani’aadannimada ee ka sii daraya. Madaxweynaha waxaa kale oo uu soo shaaca ka qaaday in uu daneynayo in la sameeyo xiriirro saaxibtinimo iyo kuwo nabadeed oo dhexmara dalalka deriska ah.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Shariif wuxuu hoosta ka xariiqay in uu daneynayo in uu la shaqeeyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo xaqiijin doona ammaanka dalka Soomaaliya oo muddo 20 sano ku dhow aan hagaagsaneyn. :confused:

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

------------------------------------------------

 

He made a bold promise. He said he will work with the AMISOM forces and didn't say a word of the massacre they just committed. I'm doubting this guy's guts.

 

His first executive order: Play ball as goodwill gesture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this