RedSea Posted February 3, 2009 Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu labo sano gudahood uu dalka doorasho ku gaarsiin doono Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Talaado, February 03, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madaxweyne loo doortay Sabtidii aan ka soo gudubnay ayaa ballanqaaday in uu dalka Soomaaliya doorasho ku gaarsiin doono muddo labo sanadood ah. Madaxweynaha ayaa warkan ka sheegay kulan uu la qaatay Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Meles Zenawi, Mwai Kibaki, Ismaaciil Cumar Geelle, Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Yoweri Musaveni. Diblumaasi sare oo shirka ka qeybgalay, isla makraana diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay si diiran u soo dhaweeyeen madaxdii dhiggiisa ahaa ee shirka kala qeybgalay. Intii uu socday kulanka aan caadiga ahayn ee dhexmaray madaxda IGAD ayuu Madaxweyne Shariif ku wargeliyay madaxdii uu shirka la qaatay qorshayaashiisa ku aadan Ammaanka, Siyaasadda iyo Bani’aadannimada ee ka sii daraya. Madaxweynaha waxaa kale oo uu soo shaaca ka qaaday in uu daneynayo in la sameeyo xiriirro saaxibtinimo iyo kuwo nabadeed oo dhexmara dalalka deriska ah. Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Shariif wuxuu hoosta ka xariiqay in uu daneynayo in uu la shaqeeyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo xaqiijin doona ammaanka dalka Soomaaliya oo muddo 20 sano ku dhow aan hagaagsaneyn. :confused: Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia ------------------------------------------------ He made a bold promise. He said he will work with the AMISOM forces and didn't say a word of the massacre they just committed. I'm doubting this guy's guts. His first executive order: Play ball as goodwill gesture. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted February 3, 2009 ^^where is xiin ninyow. The sheikh needs pr advisors and pr men. Quote Share this post Link to post Share on other sites