Sign in to follow this  
Jumatatu

UN Security Envoy in Xamar...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Taliyaha dhinaca nabadgelyada UN-ka oo maanta la qadeeyey maleeshiyooyinkii tababarku uga socday Laantabuuro

Waxaa maanta duhurkii gaaray xabsiga Laantabuuro ee gobolka Sh/hoose oo ay ku xareysan yihiin maleeshiyooyin ku dhow dhow kun, saraakiil ka socotay hay’adda UN-ka, iyadoo ujeedada socdaalka saraakiishaasi ay aheyd u kuurgelid xaaladda ay ku sugan yihiin maleeshiyooyinka ku xareysan xabsiga Laantabuuro & wixii uga qabsoomay tababarkii loo furay, waxaana socdaalkani uu qeyb ka yahay codsi lagu weydiisanayo hay’adaasi in ay mushaaro u qorto maleeshiyooyinka xeradaasi ku xareysan.

Waxaan ku faraxsanahay in ay halkan nagu martiqaadaan Muuse Suudi, Jen.Morgan & Yuusuf Indhacadde, wixii aan halkan ku arkayna waxaan u gudbin doonaa madaxda hay’adda UN-ka ee fadhigoodu yahay Nairobi marka aan galabta laabto†ayuu yiri La-taliyaha dhinaca nabadgelyada ee arrimaha Soomaaliya Joe Gorden oo ahaa mid ka mid ah labadii sarkaal ee booqday xabsiga Laantabuuro.

Saraakiishan ayaa ku soo wareegay qeybaha xerada, waxeyna xog-wareysi kooban la yeesheen saraakiishii tababareysay maleeshiyooyinka, iyagoo ay miis ku wada qadeeyeen qaar ka tirsan xubnaa labada gole, guddoomiyaha maamulka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Indhacadde, Jen. Morgan & xubnihii kale ee la socday.

Jen. Max’ed Siciid Xersi Morgan ayaa salaan sharaf ka qaatay maleeshiyooyinka ku xareysan xerada Laantabuuro ayaa wuxuu u jeediyey maleeshiyooyinkaasi in ay adkeysi & ad-adeyg muujiyaan muddada ay ku jiraan dhibowga, ayna xusuustaan in wixii hadda ka bilowda in looga baahan yahay in ay difaacaan Qaranka, iska iloobaan Qabiilka

Annigu farxad gaar ah ayey ii taahay maadaama muddo aynu kala maqneyn oo ay ina wada saameysay dhibaatadii dalka ka dhacday, waqti ayeyna leedahay marka ILLAAHEY kugu soo ridayo tubta toosan maanta Soomaali oo dhan ILLAAHEY ha ku oo rido waddada saxda ah, runtii howlaha Xamar laga wado waxey gogol xaar u yihiin sidii nidaamkii dowliga ahaa loo soo celin lahaa, howsha hadda socoto-na waa howshii gacantiina ku wareegi laheyd, Qaranimadu sharaf & Karaamo ayey leedahay maantana haddii aan Soomaali nahay Sharaf & Karaamo adduunka kuma lihin waxaana keenay Qaran la’aanta, anigu imaanshaheygu waxaan is leeyahay wax weyn buu ka bedelayaa maadaama aan ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee ugu dambeeyey markii dalka uu dagaalka ka dhacayey maantana meeshii uu ka bilowday in uu ku soo afjarmo waa weyn oo saxaabadii dagaalka isaga soo horjeeday ay gacmaha is qabsadaan, dagaalkii u dambeeyey saaxiibkey Yuusuf Indhacadde ayaan isaga hornimid, C/qeybdiid marar badan baan iska hor nimid, marka maanta ninkii caqli leh wuu garan karaa, waxaana wanaagsan wixii hore oo dhan in la iska cafiyo, waana in aynu ka fikirkaa maanta Soomaali maxaa la gudboon oo inta hartay aynu badbaadsano†ayuu yiri Jen. Morgan oo halkaasi kula hadlayey maleeshiyooyinkii ku xareysnaa Xabsiga Laantabuuro.Saraakiishan ayaa intii aysan soo gaarin xabsiga Laantabuuro waxey soo mareen Xarunta Lafoole halkaasoo ay ku xareysan yihiin ciidamo boolis ah oo gaarayey ilaa 150, waxaana warbixin ku saabsan ciidamada xeradaasi ku xareysan siiyey saraakiisha G/sare Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Laantabuur1.JPG

Lanatabuur.JPG

Lantabuur2.JPG

Lantabuur4.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this