me Posted February 4, 2009 Dawlada Ethiopia oo dib isugu yeedhay Hogaamiye kooxeedyadii Somalia si khalkhal uga abuuraan Somali Warkii 03-Feb-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Dawlada Ethiopia ayaa waxa ay dib isugu yeedhay hogaamiyo kooxeedyadii ka dagaalami jiray gudaha Dalka Somalia ee haystay mid waliba qayb kamid ah gudaha Dalka Somalia kuwaas oo qoqob ka dhigay iyo dhul aan isu talaabi karin gudaha Somalia. Kadib bixitaankii ay ka baxday Dalka Somalia dawlada Ethiopia ayaa waxa ay wadaa qorshe ay doonayso inay dib ugu habayso hogaamiyo kooxeedyadii ka talin jiray koonfurta Dalka Somalia kuwaas oo hadda qayb kamid ah ay ku sugan yihiin ciida wadanka Ethiopia. Saraakliil kamid ah saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay la shiri doonaan hogaamiye kooxeedyada waxaana ay la habayn doonaan qaabkii ay ku geli lahaayeen wadanka Somalia iyadoo sidoo kale loo dhisi doono ciidamo ku filan kuwaas oo ay ku khalkhal geliyaan awooda soo kacaysa ee Islaamiyiinta kuna fidaysa xuduuda Ethiopia. Hadda ayaa waxaa ku sugan magaalada Dolow ee xadka Ethiopia iyo Somalia hogaamiyaal kooxeedyo ay kamid yihiin Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaan Barre Hiiraale, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Dabageed, Bashiir Raage iyo Maxamuud Gudbaaye oo madax ka ahaan jiray Degmada Balcad kuwaas oo shir la leh saraakiil Ethiopian ah. Isku soo wada duuboo dawlada Ethiopia ayaa waxa ay qorshaynaysaa inay dalka Somalia ka abuurto khalkhal nabad gelyo xumo taas oo ay doonayso inay sidoo kale ku wiiqdo awooda Islaamiyiinta kuwaas oo hadda ah awood si wayn ugu fidaysa Dalka Somalia iyo waliba xuduuda Ethiopia iyo Somalia oo walwal ku abuuray Ethiopia. Afnugaal News Desk info@afnugaal.om Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted February 4, 2009 Maxaad kaloo Itoobiya ka sugi lahayd? Inta Melez Joogo wanaag Soomaaliya ma uu rabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites