Sign in to follow this  
General Duke

Cadaado: President Cade Muse holds talks with elders..

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo booqday degmada Cadaado

Last Updated::2006-12-31 16:55:50

 

gen_muuse.jpg

 

Cadaado:- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Cadaado.

 

Wafdigan ka yimid Puntland ee gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in ay halkaasi tageen kadib markii ay casumaad u fidiyeen oday dhaqameedyada deegaankaasi.

 

Wafdiga ka yimid Puntland ayaa kala hadlay odayaasha deegaankaasi xiriirka labada dhinac iyo wabilaba arrimo la xariira maamul u sameyn deegaankaasi.

 

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday xarumaha ay ciidamada DFKMG iyo kuwa Puntland ay ku sugan yihiin.

 

Wafdigan ayaa dib ugu noqday magaalada Gaalkacyo oo ay horey uga yimaadeen.

 

Magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii Maxaakiimta ee gobalada dhexe ayaa waxaa ka bilowday shirar ay dadka deegaanka ka yeelanayaan sameynta maamul u gaar ah oo la shaqeeya Dowlada Federaalka.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado : Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Axad, December 31, 2006

 

Cadaado (AllPuntland)-Madaxawayanaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer waxa uu ku tagay deegaanno ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgadud.

 

Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta Puntland Dr, C.raxmaan Maxamuud Bankax, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland Faarax Cabdi Doolshe, Dr, Maxamed Jamac Salaad, Dr, C/raxmaan Shuuke, Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Col. C/laahi Cali Mire Carays, Ganacsato, Odoyaal, Saxaafadda iyo siyaasiyiin aad u fara badan ayaa waxa ay kulamo kala duwan la soo qaaten odoyaasha deegaanada Cadaado iyo Galinsoor.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu duleedka degmada Cadaado si gaar ah kulan ula qaatay saraakiisha ciidamada Puntland, isaga oo ka dhagaystay warbixino ku aadan xaaladda ciidamada.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha iyo ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka degamada Cadado ee gobolka Galgaduud.

 

Wafdigii madaxwaynaha ayaa waxa ay u gudbeen degmada Cadaado, halkaasoo ay kulamo kula qaateen wax garadka degmada Cadaado, waxaana ay kala hadlen sidii maamul loogu samayn lahaa degmada Cadaado iyo sidii ay ciidamada ula shaqayn lahaayeen.

 

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa wax uu la kulmay odoyaasha degmada Galinsoor ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu kala hadlay arrimaha amaanka iyo iskaashiga.

 

Guud ahaan wax garadkii uu madaxwaynuhu la kulamay ayaa waxa ay u jeediyeen maamul goboleedka Puntland in ay taageero bani`aadan tinimo iyo mid walaal nimo u fidiiyaan, waxana ay sheegeen in ay taageersan yihiin ciidamada iyo maamulka Puntland.

 

Isku soo wada duuboo madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kala kulmeen deegaanadii ay booqdeen soo dhoweyn heer sare ah.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland oo gaadhay degmada cadaado ee gobolka galguduud

Warkii 31-Dec-2006 iyo Qormadii: Axmed c/laahi

 

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland gen: cade muuse ayaa gaadhay maanta magaalada caadado oo ay had si rasmya uga taliyaan maamul goboleedka Puntland Oo kala wareegay midawgii maxaakiimta islaamiga ah..

 

 

Madax waynaha ayaa markii uu gaadhay degmada cadaado wax uu kulan dedega la yeeshay oday dhaqameed yada magaalada iyo wax garadka kale ee jooga halkaa oo ay kawada hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa magaalda ..

 

 

 

Madaxwaynuhu markii uu shirkiisii uu dhmaystay wax uu dib ugu soo laabtay magaalda Gaalkacayo oo markii hore katagay isaga oo uu waheliyo wasiirka warfaafinta mudane bankax

 

 

 

afnugaalnews

 

Axmed c/laahi

 

Binow1@hotmail.com

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado : Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Axad, December 31, 2006

 

 

normal_DSC09485.JPG

 

normal_1.JPG

Cadaado (AllPuntland)- Madaxawayanaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer waxa uu ku tagay deegaanno ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgadud.

 

Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta Puntland Dr, C.raxmaan Maxamuud Bankax, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland Faarax Cabdi Doolshe, Dr, Maxamed Jamac Salaad, Dr, C/raxmaan Shuuke, Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Col. C/laahi Cali Mire Carays, Ganacsato, Odoyaal, Saxaafadda iyo siyaasiyiin aad u fara badan ayaa waxa ay kulamo kala duwan la soo qaaten odoyaasha deegaanada Cadaado iyo Galinsoor.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu duleedka degmada Cadaado si gaar ah kulan ula qaatay saraakiisha ciidamada Puntland, isaga oo ka dhagaystay warbixino ku aadan xaaladda ciidamada.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha iyo ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka degamada Cadado ee gobolka Galgaduud.

 

Wafdigii madaxwaynaha ayaa waxa ay u gudbeen degmada Cadaado, halkaasoo ay kulamo kula qaateen wax garadka degmada Cadaado, waxaana ay kala hadlen sidii maamul loogu samayn lahaa degmada Cadaado iyo sidii ay ciidamada ula shaqayn lahaayeen.

 

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa wax uu la kulmay odoyaasha degmada Galinsoor ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu kala hadlay arrimaha amaanka iyo iskaashiga.

 

Guud ahaan wax garadkii uu madaxwaynuhu la kulamay ayaa waxa ay u jeediyeen maamul goboleedka Puntland in ay taageero bani`aadan tinimo iyo mid walaal nimo u fidiiyaan, waxana ay sheegeen in ay taageersan yihiin ciidamada iyo maamulka Puntland.

 

Isku soo wada duuboo madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kala kulmeen deegaanadii ay booqdeen soo dhoweyn heer sare ah.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

Masawiro Kaloo safar kaan aan ka qaadnay la soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this