Sign in to follow this  
Che -Guevara

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qaxay Xaruntii Gaadiidka Booliska ee uu ku shiri jiray

Recommended Posts

Arbaco, July 08, 2009(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka qaxay xaruntii Gaadiidka Booliska ee uu sida KMG ah u deganaa, wuxuuna mar kale si KMG ah u degay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen oo ka mid ah nidaamiyayaasha baarlamaanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Baarlamaanka Soomaaliya si KMG ah ugu sii shaqeyn doono xarunta Gobolka Banaadir tan iyo inta looga dayactirayo Xaruntii Golaha Shacabka.

 

Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen waxaa uu sheegay in sababta ay xaruntaas uga gureen ay tahay iyadoo ay shirarkii Baarlamaanka hakad u galeen arrimo la xiriira dhinaca amniga, wuxuuna caddeeyay in ay haatan kaddib kulamadooda ku qabsan doonaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

“Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo inta looga dayactirayo Xaruntiisii waxaa uu si KMG ah ugu sii shiri doonaa hadba meeshii ammaan ah, haddana Kuraastii iyo Matoorkii waan geysannay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaan jirtay maxkamaddii dalka waana ku shiri doonnaa”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen oo beeniyay in aaney Muqdisho joogin xildhibaanno Kooram buuxin kara oo shir u fariisan kara.

 

Shirkii ugu dambeeyay ee uu baarlmaanka Soomaaliya ku yeesho Xarunta Gaadiidka Booliska horraantii sanadkan ayaa waxaa lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah, wixii xiligaas ka dambeeyayna ma aysan qabsoomin kulamada Baarlamaanka, waxaana haatan meel aan u dheereyn Xaruntii Gaadiidka Booliska ku sugan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

 

Baarlamaanka ayaa tan iyo markii la soo dhisay sanadkii 2004 waxaa uu markii ugu horreysay ku shiray Nairobi, mar kalena isagoo kala qeybsan ayay xubnihiisa ku kala sugnaayeenMuqdisho iyo Jowhar, ilaa ugu dambeyntii la isugu geeyay Magaalada Baydhabo oo uu dhawaan ka aaday Dalka Jibouti oo lagu soo ballaariyay Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Soomaaliya oo si rasmi u shaaciyay inuu isaga guuray Xarunta Gaadiidka Booliska, markii uu ku shaqeyn waayay, dagaalana..

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi u shaaciyay inay isaga guureen Xaruntoodii KMG aheyd ee Gaadiidka Booliska, kadib markii ay ku shaqeyn waayeen isla markaana dagaalo ay ku soo caariyeen.

 

Mid ka mid ah Gudoonka Nidaamiyeyaasha Baarlamaanka oo lagu magacaabo Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan Saakin ayaa sheegay inuu Baarlamaanka gartay inuu isaga guuray.

 

Xildhibaankan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu u guuray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, halkaasoo uu sheegay inuu ku shiri doono howlihiisana uu ka sii wadan doono.

 

Mar uu ka hadlay kulanka u soo horeeyay ee uu Baarlamaanka yeelan doono ayaa waxaa uu cadeeyay in ajandaha ugu soo horeeya ee uu Baarlamaanka ka shirayo ay noqon doonto mid uu kaga hadli doono Heshiiskii Badda ee dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this