Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Closer to International Recognition

Recommended Posts

Diblomaasiyiinta beesha Caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay,waxay kulama is daba jooga iyo wada hadalo xasaasiya ka lahaayeen qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii ay ka niyad jabeen rajada DFKMG ee Soomaaliya oo madaxdeeda sare uu soo kala dhex galay khilaaf baaxad weyn oo ay adag tahay sida lagu xaliyo.

 

Ila wareedyo ka tirsan Safaaradah reer Galbeedka ayaa Waagacusub u sheegay inay jiraan Saraakiil loo saaray qadiyada Somaliland,ayna kala hadlayaan Jamaacada Carabta gaar ahaan dowlada Masar oo aaminsan in Somaliland oo la aqoonsado ay horseed u noqon karto awooda Melleteri ee Itoobiya oo ay isku hayaan kanaalka biyaha ee ay wadaagaan labada dal.

 

“ Dowlada Masar ayaad moodaa inay cadaadis saareyso aqoonsi la siiyo Somaliland laakiin hada rajada Somaliland ee qadiyadooda ma xumo,waxayna saaran tahay miiska beesha Caalamka”sidaas waxaa Waagacusub ugu waramay diblomaasi reer galbeeda oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

 

Diblomaasiga reer Galbeedka wuxuu sheegay in gudi la saaray daraaseynta Somaliland ay warbixinadoodii soo dhameeystireen,kuna qeexeen in Somaliland horumar ka gaartay heykaladii looga baahnaa dowlad dhexe,sida amaanka,Waxbarashada,Caafimaadka ,biyaha iyo korontada iyo ilaalinta dimiqoraadiyada oo horseed u noqotay codadka doorashooyinka dadweynaha iyo tartanka axsaabta siyaasadeed ee sedexda Xisbi.

 

“ Gudida waxay warbixintooda ku sheegeen in Somaliland xoriyatal qoowlka ay kaga hor martay dalal badan oo Afrika ku yaal,xitaa amaanka ay kaga horeyso,sababtuna waxay tahay shacabka oo ilaashanaya nidaamkooda ugubkaa ee 16-ka sano aqoonsi doonka ah”ayuu ku celceliyay diblomaasiga.

 

Si kastaba ha ahaatee,waxaa loo hadal hayaa suurtagalnimada aqoonsi deg dega oo beesha Caalamka dowlad madaxbanaan u aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland oo la rumaysan yahay inay ku nool yihiin shacab dhan afar milyan oo qof.

 

caruurtii_oo_calan_sida.JPG

hablaha_reer_somaliland.JPG

somaliland_guul_iyo_gobanimo.JPG

 

 

waagacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this