Sign in to follow this  
Gediid

President Riyaale Names the first Batch of Ministers

Recommended Posts

Gediid   

Here is list of the new ministers.Edna as Foreign Minister.WOW.She deserves it more than anyone else.Ilaahey ha garab Galo.

===================================================

Hargeysa..Somaliland. June 2nd '03...SNN

 

...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Khamiistii soo saaray raacii u horeeyey ee golihiisa wasiirada. Sida kuqoran warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdi Idiris, Madaxweyne Rayaale waxa uu soo saaray xeer madaxweyne oo isugu jira magacaabis cusub, dib u magacaabid, iyo wasiiro hore oo wasaarado kale loo bedelay.

 

Sida uu sheegay warsaxaafadeedka Cabdi Idiris, madaxweynuhu markii uu tixgeliyey kartida, aqoonta, iyo hufnaanta shaqo iyo isaga oo la tashada qaybaha kala gedisan ee waxgaradka ummadda.

 

Waxa uu magacaabay Madaxweynuhu:-

 

1. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu dib ugu magacaabay wasiirka wasaaradda qorshaynta.

 

2. Marwo Edna Aaden Ismaaciil, waxa uu u magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.[/b]

 

3. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Siciid Gees, waxa loo magacaabay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

 

4. Ismaaciil Aaden Cismaan, waxa uu dib ugu magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha.

 

5. Ismaaciil Cumar Aaden (Boos), waxa uu dib ugu magacaabay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga

 

6. Ambassador Cawil Cali Ducale, oo ahaa wakiilka Somaliland ee bariga Afrika waxa loo magacaabay wasiirka wasaaradda maaliyadda.

 

7. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa loo magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha, kadin markii Labadaa wasaaradood oo la isku daray..

 

Sida ka muuqata warsaxaafadeedkan uu madaxweynuhu ku magacaabay,kuna kala bedelay, qaarna dib ugu cusboonaysiiyay wasaaradaha, waxa ka muuqata in la isku daray labada wasaaradood ee ganacsiga iyo wershadaha oo hore ay u kala hayeen labada wasiir ee kala ahaa Md. Rashiid Xaaji Cabdillaahi oo ahaa wasiirka ganacsiga, iyo Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) oo isna ahaa wasiirka wershadaha, balse warsaxaaafadeedku ma xusin in xilkii laga qaaday labadaa wasiir, sidookale weli madaxweynuhu wasiir cusub uma magacaabin, wasaaradda arrimaha qoyska iyo Horumarinta arrimaha bulshada, oo wasiirkeedii Edna Adan loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

 

Waxa la filayay maanta oo khamiis ah in madaxweynuhu xubno xisbiga UCID ah ku soo darro golihiisa xukuumada balse kama muuqdaan raacan hore.

 

Hore ayay xogta SNN u sii sheegtay in toddobaadkan la magacaabi doono wasiiro ay ku jiraan Marwo Edna Aden, Ambassador Cawil iyo Maxamed Xaashi Cilmi tii ayaana maanta dhabowday, waxaynu sugnaaba waa Marka uu madaxweynuhu soo dhammaystiro golihiisa xukuumadda taas oo aynu ka bixin doonaa tafaasiil iyo faallooyin, inaga oo eegayna bal Tayada ay yeelan karto Xukuumaddaas cusubi, wixii soo kordhaba Farta iyo ishaba ku hay Shabakadda SNN, Maqal warkoo dhan inta aan lagaaga sheekeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

A women prime minister, you cant get more progressive than that.LOL

 

She will probably show the men one or two things about running a state.

 

My Faith in Somaliland gets stronger and Stronger.

 

Viva S/Land

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this